Doorashadii 26 June Waxay ku Beegnayd 26-guurada Markii Madaxweyne Siilaanyo loo Doortay Guddoomiyaha SNM’ Muj. Muuse Axmed Ibraahim (Dhegaweyne)
Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin aad u ballaadhan u dirayaa guud ahaan shacabka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo cid kastoo gacan ka geysatay doorashadii taariikhiga ahayd ee 26 June 2010 ka qabsoontay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Marka xiga waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weliba Madaxweynaha laga guulaystay Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ee aqbalay natiijadii quruxda badnayd ee Komishanka Doorashooyinku ka soo saareen codbixintii doorashada Madaxtooyada.
Intaa waxa ii dheer doorashadii mucjisada ahayd ee 26kii June 2010 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusub waxay dib ii xusuusisay oo ay ku beegan tahay sannad-guuradii 26aad ee ka soo wareegtay markii aannu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u caleemo-saarnay sannadkii 1984 guddoomiyenimada ururkii SNM ee horseedka ka ahaa xorriyadda iyo madaxbannaanida qaranka Somaliland ee maanta hoggaamintiisa loo doortay, annagoo u arkaynay waqtigaas inuu ahaa nin ka saari karayey xaalado adag oo xilligaas ururka ku gedaanaa, ruuntiina taas wuu ku guulaystay.
Sidaa awgeed, maanta oo ay waqtigaas ka soo wareegtay 26 sannadoodna waxaan markale leeyahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa siyaasi ruug-caddaa ah oo Jamhuuriyadda Somaliland ka saari kara tiirada ugu dambaysa, isla markaana aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa ugaga faa’iidayn kara helitaanka aqoonsi caalami ah, adkaynta wadajirka ummadda iyo horumar lagu badhaadho oo Somaliland gaadho.
Ugu dambayn, Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkiisa waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeeyo, kuna soo asturo masuuliyadda culus ee shacabka Somaliland u xambaariyeen.
Jamhuuriya Online