Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Guddoomiyaha Komishanka Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Waxyaabihii

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Guddoomiyaha Komishanka Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Waxyaabihii

Postby Siciid85 » Tue Jul 06, 2010 7:44 pm

Guddoomiyaha Komishanka Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Waxyaabihii U Suurto Geliyey Inay Si Fudud Uga Baxaan Hawshii Doorashada Madaxtooyada.

Hargaysa (Ramaasn) July 4, 2010 - Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise Xamari), ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay ugu suurto gashay hawshii balaadhnayd ee Doorashada Madaxtooyada, taas oo ay ku dhawaaqeen natiijadeedii, isla markaana ay ku qanceen labadii Xisbi ee ku guulaysan waayey aqlabiyada kalsoonida shacbiga Somaliland.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay maanta maxkamada sare u gudbiyeen natiijadii codbixinta doorashada madaxtooyada ee uu ku guulaystay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, isagoo xusay in Xisbiga dacwad qabaa uu tagi uu ka furan karo Maxkamada oo marka u dambaysay go’aanka Komishanka ansixinaysa, hase yeeshee Guddoomiyaha Komishanka waxa uu xusay in aanay wakhti xaadirkan Xisbi dacwad qaba amaba ku qanci waayey natiijadii ay ku dhawaaqeen.

Guddoomiyahah Komishanka doorashooyinka qarnka Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise Xamari”), waxa kale oo uu sheegay in muddadii ay ku jireen hawsha doorashada Madaxtooyada ay qayb wayn ka qaateen Saddexda Xisbi qaran, Shacbi waynaha reer Somaliland iyo ciidamada qaranka Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen waxa kaliya uu suurto geliyey inay si fudud uga baxaan hawshii doorashada madaxtooyada iyo ku dhawaaqista natiijadii ay Saddexda Xisbi kala heleen.

Ugu dambayntiina waxa uu sheegay Guddoomiyaha Komishanku in marka faraha kala baxaan Hawsha doorashada madaxtinnimada dalka ay uga gudbi doonaan Doorashooyinkii golayaasha deegaanka.


Ramaasnews Desk
Hargeisa.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests