Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Thu Jul 08, 2010 8:33 pm

Qaar Ka Mid Ah Raga Siillaanyo Ku Xeeran Oo Loolan Adag Ugu Jira Magacaabista Wasiirka Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha

Hargeysa, July 8, 2010 (Haatuf) – Iyadoo Madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo uu gacanta ku hayo magacaabista xubnaha golahiisa wasiirada ayaa waxa la sheegayaa inuu jiro loolan adag oo ka dhex socda masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo la sheegay inay isku garbinayaan siddii loogu magacaabi lahaa labada Wasaaradood ee kala ah Maaliyada iyo Arimaha Guddaha.

Loolankan oo marna qabyaalad la isku adeegsanayo, marna yeelanaya Sawir Shakhsiyadeed ayaa waxay raga ku jiraa u kala dheeraynayaan cidaha ku dhaw dhaw Dhagaha Axmed Siillaanyo, iyadoo ragan doonista wasaaradahani ay ku jirto ay ka mid yihiin guddoomiye ku xeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Waxa kale oo jirta arrin wali aan aad u soo shaac bixin oo ku saabsan jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, taas oo buuxinteeda uu sharciga Xisbigu dhigayo inay ku wareegto guddoomiye ku xigeenka Koowaad (Muuse Biixi Cabdi), balse waxa soo kordhaya waxa arintaasi laga yeelayo haddii uu guddoomiye ku xigeenka koowaad laftiisu jago ka doonayo golaha fulinta ee xukuumadda.

Dhinaca kale waxa jira qaar ka mid ah mudaneyaasha xisbiga Kulmiye ugu jira golaha Wakiilada oo iyagana hunguri ka hayo inay ka mid noqdaan xukuumadda, kuwaas oo iyaga laftooda Wal-wal ka haysto inay iska casilaan xubinimada Baarlamaanka si ay xukuumadda uga calaf qaadaan iyo in kale.

Loolankan ka dhex socda Masuuliyiinta sar-sare ee Kulmiye ayaa waxa laga cabsi qabaa inuu kala qaybiyo ama iska horkeeno saaxiibadii xisbiga ku wada jiri-jiray siiba kuwii isku beesha ka soo wada jeeday.

Waxa jira dad badan oo xilal ka doonayey xukuumadda cusub, balse ay iyaga mushkiladi ku noqotay qorshaha uu xisbiga Kulmiye u dhigtay in lagu dhimo wasaaradihii badnaa ee ay Maaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa Udub ku dhaliili jireen.

Hasa yeeshee dadka la carabaabayo ee xilalka ka doonaya xukuumadda ayaan ahayn kuwii rumayn karayey rajadii laga qabay in Axmed Siillaanyo ku dhiirado soo dhisida xukuumadd kooban oo tayo leh oo dadka iyo dalkaba wax u qabata, iyadoo ay meesha ka soo ifbaxyaan dad horeba loo aqoon jiray oo aan lagu ogayn wax lagu majeerto amaba wax ay soo kordhin karaanba ay yartay.

Loolanadan loogu jiro jagooyinka xukuumadda wax iyana ku jira qaybo Xisbigu u qaybsanaan jiray oo ay ka mid yihiin Dhalinyarada, Haweenka, Qurbajooga iyo Ganacsatada.

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Thu Jul 08, 2010 8:41 pm

Iyadoo Madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo uu gacanta ku hayo magacaabista xubnaha golahiisa wasiirada ayaa waxa la sheegayaa inuu jiro loolan adag oo ka dhex socda masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo la sheegay inay isku garbinayaan siddii loogu magacaabi lahaa labada Wasaaradood ee kala ah Maaliyada iyo Arimaha Guddaha.

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Thu Jul 08, 2010 9:03 pm

I hope Presidnet Siilaanyo makes the right choice for Somaliland and his choice for the finance minister’s post and Interior shouldn’t be based on QABIL but on the candidate’s qualifications and experiences

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19034
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby SahanGalbeed » Thu Jul 08, 2010 9:12 pm

Yaan waxna laga biqin e Ilaahey ha la aamino , ha na la kala amar qaato .
Anigii ba xita u diyaar ah Silanyo in maddaxweynaha ku la taageero hawasha qaran e reer jaamac waalida inaga la taga ku dhaha :lol:

Beriyahan habar jecladii halkan aan deganahay , qaadka ay inaga iibiso lacagteeda ina ma waydiiso ba :lol: , ya ?
War nimanki waxba loo sheegay

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Thu Jul 08, 2010 9:15 pm

SahanGalbeed wrote:Yaan waxna laga biqin e Ilaahey ha la aamino , ha na la kala amar qaato .
Anigii ba xita u diyaar ah Silanyo in maddaxweynaha ku la taageero hawasha qaran e reer jaamac waalida inaga la taga ku dhaha :lol:

:lol: :lol: waar yuuna ka wada dhigin reer Jaamac waal :lol: Je plaisante

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19034
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby SahanGalbeed » Thu Jul 08, 2010 9:17 pm

Ya? Horta ta ugu horreysa aan ka yaabay waxa weeye "inadeer" bay i yidhahdan beriyahan , midda kale na ,bacda marku siida gacanta iga gasho ayuun bu yidha " aar niyow iska tag, maxaad inaga ag qabanaysa ?"
ya ? wagareey :lol:

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19034
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby SahanGalbeed » Thu Jul 08, 2010 9:25 pm

War reer jamac waal laba yaroo khatar ah baynu u dhalnay .
Maalin dhaweed mid yaro 7 ba jir oon abti u ahay oo keligii dibadda iska fadhiya oo cirka ku maqan baan ugu soo baxay guriga albaabkiisa . Naxdin ba i qabtay oo horta waxaan is idhi war kii yara maxa ku dhacay .
"Abti what's wrong ?" baan ku idhi .
"Nothing I am working on my composure !" ayuu i yidhi
:shock:
Cigaarki aan usoo baxay ba , waan iska ga laabtay .
Saacad dhan baan keligey is la qoslayay :lol:
Aabihi bu ka maqlay kalmadda oo ah Hj-dii faanka badnayd e kalmadaha culculus ku jabsata dadka .
7yrs old composure muxu ka yaqaana ?
Fan weyna nimanku :lol:

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Rightwing » Thu Jul 08, 2010 9:56 pm

:lol: Nothing I am working on my composure

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Thu Jul 08, 2010 10:04 pm

SahanGalbeed wrote:War reer jamac waal laba yaroo khatar ah baynu u dhalnay .
Maalin dhaweed mid yaro 7 ba jir oon abti u ahay oo keligii dibadda iska fadhiya oo cirka ku maqan baan ugu soo baxay guriga albaabkiisa . Naxdin ba i qabtay oo horta waxaan is idhi war kii yara maxa ku dhacay .
"Abti what's wrong ?" baan ku idhi .
"Nothing I am working on my composure !" ayuu i yidhi
:shock:
Cigaarki aan usoo baxay ba , waan iska ga laabtay .
Saacad dhan baan keligey is la qoslayay :lol:
Aabihi bu ka maqlay kalmadda oo ah Hj-dii faanka badnayd e kalmadaha culculus ku jabsata dadka .
7yrs old composure muxu ka yaqaana ?
Fan weyna nimanku :lol:

:lol: :lol:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Thu Jul 08, 2010 10:05 pm

Rightwing wrote::lol: Nothing I am working on my composure

:lol: :lol: Waarya Farax, i thought when Siilanyo becomes Somaliland president, G-SNM wuxuu joojin doona AANAGOO ANAGA AH
laakin weli wixii bu wadaa

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Fri Jul 09, 2010 8:48 pm

Madaxweynaha Cusub Xaq buu u Leeyahay inuu Igmado Ciddii u Hawsha u Garto, inta Kalena Waxa Xaq Loogu Leeyahay inay ku Tahniyadayso’

Eng. Maxamed Xaashi oo Caddeeyey in guddidoodii diyaarisay Shaqadii uu Axmed Siilaanyo u diray

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Fri Jul 09, 2010 8:49 pm

Hargeysa (Jam)- Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Somaliland, ayaa beeniyey warar sheegayey in isaga iyo siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo dhammaantood ka tirsan xisbiga KULMIYE ee dhawaan ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ay loollan adag ugu jiraan in loo magacaabo xilalka Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Disputes and Disagreements between kULMIYE leaders

Postby Goljano Lion » Fri Jul 09, 2010 8:51 pm

Eng. Maxamed Xaashi oo xalay u warramayey telefishanka SLSC, waxa uu warkaasi oo wargeyska Haatuf daabacay ku tilmaamay mid aanay waxb ka jirin, isagoo xusay in magacaabista xilalka wasaaradaha uu xaq u leeyahay Madaxweynaha cusub, isla markaana uu kala yaqaano siyaasiyiinta xisbiga oo ninka uu doono isagu magacaabayo.


“Arrinta jariiraddu ka hadashay ee ay tidhi waxay loollan adag ugu jiraan mansabyada wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha, horta marka hore asluub iyo dhaqan baa jira, mansabyadaasi inuu bixiyo waxa xaq u leh Madaxweynaha cusub, madaxweynaha in lagu cidhiidhiyo wax i sii iyo wax ii qabo waa laga fiican yahay, anigu in aan arrintaasi galay oo aan cid tirtay ama doontay ma jirto, waana arrin fool xun, in isaga (madaxweynaha cusub) meesha kuma habboona,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi, waxaannu intaa raaciyey, “Soomaalidu waxay tidhaahdaa qof fadhigaaga arkaya looma saro-joogsado, wuu na wada yaqaan, nin walba meesha uu u dirayo isaga ayaa xilkaasi saaran yahay, laakiin in nalaga dhigo niman iyagu u beratamaya oo isku haya oo leh aniga ha la iga dhigo iyo aniga ha la iga dhigo taasi mid meesha ku jirta maaha.


Markaa waxaan qabaa Madaxweynaha cusubi xaq buu u leeyahay inuu igmado cidii u hawsha u garto, inta kalena waxa xaq loogu leeyahay inay ku tahniyadayso cidii uu isagu soo magacaabo. Kelmadda loollan adag ee jariiraddu [Haatuf] qortay waxay muujinaysaa in rag is barbar yaacayaa jiraan, taasi wax meesha qabta maaha sida runta ah.”


Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay in sababta madaxweynaha cusub loo doortay tahay sidii uu isbeddel dalka ugu samayn lahaa, taasina uu hadda ku hawlahan yahay. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa loo doortay ee codka intaa le’eg uu ku helay waxay ahayd inuu isbeddel sameeyo, isbeddelkiina wuu wadaa, barmaamujna wuu lahaa xisbigu, markaa waxaan leeyahay wargeysyadu ha ka baxaan arrimaha noocan ah ee ay dadka ku khalkhalinayaan, madaxweynahana ha loo daayo xilka waajibkiisa ah inuu guto.”


Mar la waydiiyey Eng. Maxamed Xaashi sida uu u arko inay jiraan siyaasiyiin fara badan oo la sheegay inay xilal ka wada doonayaan Madaxweynaha cusub, waxa uu yidhi, “Dad badan baa madaxweynaha u coddeeyey, dad badan baa waxtaray si uu meel u gaadho, abaalgudku waxa uu noqon karaa in dalka isbeddelkii la rabay Madaxweynuhu ku tallaabsado, taas ayaa guul u ah cid walba mid u codeeyey, iyo mid ka soo horjeeday inuu isbeddel dhab ah keeno oo dadku u aayo, haddiise ay noqoto qof qof anigu waxaan u malaynayaa cidina in aanay waxba gaadhsiinayn, dawladduna sidii tii hore inaga noqon doonto.


Eng. Maxamed Xaashi mar wax laga waydiiyey in guddi uu ku jiro oo dhawaan Madaxweynaha cusub u magacaabay inay kala talo-bixiso qaab dhismeedka dawladda uu soo dhisi doono inay hawshoodii dhammeeyeen iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Annaga waxa naloo xilsaaray sida dadka qaar u fahmeen maahee in aannu wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee madaxabannaan inta looga baahan yahay sheegno, ra’yigii wixii ay nala ahaydna waanu diyaarinay oo wuu naga soo dhammaaday, si dhakhso ahna waanu isaga wareejinaynaa.”


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests