Beesha Ciidagale Oo Shaaca Ka Qaaday Inay si buuxda u taageersan tahay Dawlada Cusub Ee S-land Yeelanayso + SAWIRO
Hargeysa (Oodweynenews)- Shir ay isugu yimaadeen Guddida Guud ee Beelaha Ciidagale, aqoonyahanka Ganacsatada, Culimada Iyo Xildhibaano ka tirsan beesha Cidagale, ayaa waxa ay kaga dhawaaqeen in beeshu si buuxda u taageerayso dawlada cusun ee Somaliland yeelanayso ee uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Shirkaa oo xalay lagu qabtay Hotelka Star Hotel ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Xildhibaano Guurtida ka tirsan oo uu horkaycayay Odayga Somaliland ee Xaaji C/kariim Xuseen Yusuf, Xildhibaan Dheeg, Mayirka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Maxamed Muse Abees, Dr Xuseen Xoog, Sheekh Maxamed Cali Geedi.
Shirkaas oo laga akhriyay Bayaan ay soo saareen Beelweynta Daa’uud Ismaaciil ( Ciidagale), oo uu halkaas ka akhriyey Guddoomiyaha Gudida Guud ee Beelaha Ciidagale Md Keyse Haybe Maxamuud (Kayse Dheere), ayaa u dhignaa sidan:-
“Guddida guud Beesha Ciidagale iyada oo tixraacaysa go’aamadii ka soo baxay kulamadii iyo wada-tashiyadii is-daba jooga ahaa ee ay la yeesheen Aqoonyahanka Culimaa’udinka, indheer-garadka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Iyo Ganacsatada, Kadib Doorashadii qabsoontay 26 June 2010.
Beesha Ciidagale markay garowsatay in danta beeshu ku jirto danta guud ee Somaliland. Isla markaana yaqiinsatay in midnimo iyo wada-jir kali ah lagu horumarin karo dalkan Somaliland waxay beeshu go’aansatay soona saartay Bayaankan:
1. In Beeshu si buuxda u taageerto Dawlada Cusub ee uu Madaxweynaha u yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Kuxigeenkiisa C/raxmaan Cabdilaahi (Saylici) beeshuna waxay hiil iyo hooba la garab taagan tahay madaxweynaha cusub iyo dawladiisa
2. Beeshu iyada oo ogsoon in Somaliland ay u baahan tahay midnimo iyo wada-jirka beelaha Somaliland, beesha ciida-gale waxay diyaar u tahay in ay hareerta iska taagto jiritaanka Somaliland.
3. Beeshu waxay ugu baaqaysa beelaha kale in dawlada Cusub la-taageero wakhtina la siiyo si ay uga dhabayso himiladeeda.
4. Beeshu waxay ugu baaqaysaa Shacbiga Somaliland in la iska ilaabo dil-dilaaci ka dhashay ololaha doorashada loona midoobo ka dhabeynta danta guud, hamiga iyo himilooyinka shacabiga.
5. Beeshu ugu danbeyn waxay u hambalyeynaysaa murashixii madaxweyne ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, sidii Geesinimada lahayd ee u taageeray una aqbalay natiijada doorashada.
6. Sidoo kale waxay beeshu u hambalyeynaysaa Madaxweynaha xilka ka degayaa ee Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, go’aankii tariikhiga ahaa ee u ku aqbalay go’aankii komiishanka doorashooyinka kaas oo noqon doona go’aan taariikhi ah oo horyaal madaxweyne kasta oo xilka laga helo”.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Oodweynenews.com/Hargeysa Office
Pictures.
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=20430