Ciidagale Begging for a Minister
Posted: Sat Jul 10, 2010 5:17 am
Beeshu waxay ugu baaqaysa beelaha kale in dawlada Cusub la-taageero wakhtina la siiyo si ay uga dhabayso himiladeeda” Bayaan Ay Soo saartay Beeshu
Hargeysa(HWN):-Beesha Ciidagale ayaa caawa Shaaca ka qaaday inay si buuxda u taageersan tahay Dawlada Cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] Iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici. Kadib markii guddida guud ee Beesha Ciida-gale kulamo iyo wada-tashiyo is-dab-jooga ay la yeelanayeen Aqoonyahanka, Culimaa’udinka, indheer-garadka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, iyo Ganacsatada Beeshaasi, wixii ka danbeeyey doorashadii Madaxweynanimada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010.
Kulamadaas oo ay u jeedadoodu ahayd, isla markaana ay beeshu masiirka aayahooda mustaqbalka kaga tashanayeen, ayaa waxay isla garteen oo ay soo saareen Bayaan ka kooban lix qodob, kaas oo uu ku saxeexan-yahay Guddoomiyaha Guud ee Beesha Ciida-gale Keyse Haybe Maxamuud oo caawa shir ay ku yeesheen Huteelka Star ee Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay.
Shirkan oo ahaa mid heer Caalami ah waxa goob-joog ka ahaa Odayga ugu da’ada weyn Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen [Cabdi-Waraabe] ahna Xildhibaan Ka tirsan Golaha Guurtida, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Guddoomiyaha hay’ada Geeska Africa Sheekh Maxamed Cali Geedi, Gudoomiyaha Dhalinyarada beesha Ciida-gale Mr. Cabdiraxmaan Axmed Awrliqe, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Siyaasiyiin, Culimaa’udiin, aqoonyahan, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale.
Bayaankaas oo uu halkaasi ka akhriyey Guddoomiyaha Guud ee Beesha CIida-gale Keyse Haybe Maxamuud waxa uu ku bilaabay sidan:
“Guddida guud Beesha Ciida-gale iyada oo tixraacaysa go’aamadii ka soo baxay kulamadii iyo wada-tashiyadii is-daba jooga ahaa ee ay la yeesheen Aqoonyahanka Culimaa’udinka, indheer-garadka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Iyo Ganacsatada, Kadib Doorashadii qabsoontay 26 June 2010.
Beesha Ciida-gale markay garowsatay in danta beeshu ku jirto danta guud ee Somaliland. Isla markaana yaqiinsatay in midnimo iyo wada-jir kali ah lagu horumarin karo dalkan Somaliland waxay beeshu go’aansatay soona saartay Bayaankan:
1. In Beeshu si buuxda u taageerto Dawlada Cusub ee uu Madaxweynaha u yahay Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Madaxweyne Kuxigeenkiisa C/raxmaan Cabdilaahi [Saylici] beeshuna waxay hiil iyo hooba la garab taagan tahay madaxweynaha cusub iyo dawladiisa
2. Beeshu iyada oo ogsoon in Somaliland ay u baahan tahay midnimo iyo wada-jirka beelaha Somaliland, beesha ciida-gale waxay diyaar u tahay in ay hareerta iska taagto jiritaanka Somaliland.
3. Beeshu waxay ugu baaqaysa beelaha kale in dawlada Cusub la-taageero wakhtina la siiyo si ay uga dhabayso himiladeeda.
4. Beeshu waxay ugu baaqaysaa Shacbiga Somaliland in la iska ilaabo dil-dilaaci ka dhashay ololaha doorashada loona midoobo ka dhabeynta danta guud, hamiga iyo himilooyinka shacabiga.
5. Beeshu ugu danbeyn waxay u hambalyeynaysaa murashixii madaxweyne ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, sidii Geesinimada lahayd ee u taageeray una aqbalay natiijada doorashada.
6. Sidoo kale waxay beeshu u hambalyeynaysaa Madaxweynaha xilka ka degayaa ee Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, go’aankii tariikhiga ahaa ee u ku aqbalay go’aankii komiishanka doorashooyinka kaas oo noqon doona go’aan taariikhi ah oo horyaal madaxweyne kasta oo xilka laga helo”.