Qaybtan hada la hagaajinayay ayaa qayb ka ah olole bilaw ah oo loou jiro in laamiyada wadooyinka ee magaalada Hargeysa dib loo hagaajiyo (Sawiro)
(GNS)Hargeysa:-Sida aynu lawada socono waxaa hal hays u ahaa shacbiga reer Somaliland iyo xisbiga ku guulaystay talada wadanka ee shanta sanadood ee soo socda ee ahaa isbedelka ayaa waxa uu ifafaalihiisii ku bilowday nadiifinta jidadka halbowlaha u ah caasimada hargeysa oo bilowday maalintii axada ee aynu soo dhaafnay


Waxaa maanta oo isniin ahna bilowday samaynta jidadkii ay roobabka iyo baabuurta xamuulka culus qaadaa ay burburiyeen taas oo dhibaato culus ku haysay gaadiidka yar yar ee magaalada iskaga dhex goosha iyo kuwa dadwaynahu ay u kala raacaan xaafadaha magaalada Hargeysa.
Waxaa maanta oo isniin ahna bilowday samaynta jidadkii ay roobabka iyo baabuurta xamuulka culus qaadaa ay burburiyeen taas oo dhibaato culus ku haysay gaadiidka yar yar ee magaalada iskaga dhex goosha iyo kuwa dadwaynahu ay u kala raacaan xaafadaha magaalada Hargeysa.

Waxa in badan dadku ka dhursugayeen in xukunkii Riyaale ee hada doorashada ku hadhay inay wax ka qabtaan adeega caasimada sida cafimaadka, biyaha iyo laamiyada oo aad u liitay,
Waana sababta keentay in dadku dooorashadii dhinaca kale ugu shubaan iyagoo niyada ku haya in xukuumada soo socota wax ka qaban doonto adeegga guud ee liitay mudooyinkii ugu danbeeyay.
Xukuumadan cusub ee la magaacbi doono ayaa aad loogu han wayn yahay, inkasta oo aan la hayn magacyada ama liiska golaha wasiirada ayaa hadana waxay dadku ku ganacsan yihiin inay noqdaan kuwa karti fiican leh oo ka midho dhalin kara isbedelka mudada dheeer baahida loo qabay .
Shabakada Gabileynews oo xagaagan kuu soo kordhisay (Insha alaah)inay isha ku hayso dhaqdhaqaaqa is bedelka wadanka ka socda iyo waraysiyo kala duwan oo aan la yeelanayno dadka magaca dheer ku leh dawladii hore iyuo tan cusuba iyo qurbojoogga wadanka ku soo guryo noqday , waxaanu idiin leenahay haka fogaanina shabakada Gabileynews.

Gabileynews desk
Xarunta shabkada ee magaalada Hargeysa



