Guddiga qaban-qaabada Xafladda ay xilka kulak ala wareegayaan Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha talada sii hayey Daahir Rayaale, ayaa maanta bilaabay qaybinta kaadhadhka lagu macsuumayo Masuuliyiinta iyo marti-sharafta loogu talagalay inay ka qaybgalaan Xafladdaasi oo Berri ka dhici doonta xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa Caasimadda dalka si weyn looga dareemayaa tan iyo maanta dhaqdhaqaaqa loogu diyaar-garoobayo Munaasibaddaasi.
Inkasta oo aanay hore Xafladdan oo kale Somaliland u soo marin oo aanay ka dhin Munaasibad ay xilka kula kala wareegayaan laba Madaxweyne oo mid waliba doorashada codka shacabka ku yimi, haddana illaa hadda waxay wararku sheegayaan inay hawluhu u socdaan si habsami ah, iyada oo ay hawsha soo diyaariyeen Guddi uu qaban-qaabada Munaasibaddaas u magacaabay Madaxweynaha shaqada ka tagaya Daahir Rayaale Kaahin oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka shaqada ka tagaya Axmed Yuusuf Yaasiin.
Wufuud culcul oo ka kala socda waddamada Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Safaarado, qaar ka mid ah Wakiillada waddamada qaadhaan-bixiyayaasha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taakuleeya hannaanka dimuquraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan Xafladda ay labada Madaxweyne 27-ka Julay oo ku beegan Salaasada maalinta Berri ah, taasoo xil-wareejinta ka sokow lagu dhaarin doono Madaxweynaha la doortay Md. Siilaanyo, ayaa waxa lagu qaban doonaa qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa. Hase ahaatee, illaa hadda waxa Hargeysa xalay soo gaadhay Wefti culus oo ka socda dalka Jabuuti, halka Wufuudda kale la filayo caawa illaa subaxnimada aroorta inay Hargeysa soo gaadhaan.
Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ugu dambeeyey, ayaa hawlaha loogu diyaar-garoobayo Munaasibaddaas si weyn looga dareemeyey Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxa aad loo adkeeyey guud ahaanba nabadgalyada magaalada, gaar ahaan Madaxtooyada iyo nawaaxigeeda, sidoo kalena waxa maalmihii ugu dambeeyey si weyn looga shaqeeyey bilicda aqalka Madaxtooyada iyo jaarkeeda, iyada oo dib u habayn iyo dayac-tir koobanna lagu sameeyey jidka isku xidha Madaxtooyada iyo guriga uu degan yahay Madaxweynaha la doortay ee Hargeysa, waxa la caddeeyey Wajahadda hore ee Madaxtooyada, guryo ku hareeraysan iyo kuwo ka soo horjeeda, si bilicda agagaarka qasrigu u noqdo mid ifaya oo ka duwan sidii hore.




