Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Sayid iyo Cigaal shidaad: One of the Same?

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Sayid iyo Cigaal shidaad: One of the Same?

Postby HooBariiska » Tue Jul 27, 2010 10:19 pm

Sayidka:
(markii britishku ay eryadeen ilaa taleex)
ADIGUBA CAQLAAD LEEDAHAYE CARAR MAXAA DHAAMA. :lol: :lol: :lol:

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Sayid iyo Cigaal shidaad: One of the Same?

Postby ToughGong » Tue Jul 27, 2010 10:22 pm

^
He did a Ussain Bolt :lol: :lol:
Mind I would have too as planes had never been seen in African skies

User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Sayid iyo Cigaal shidaad: One of the Same?

Postby HooBariiska » Tue Jul 27, 2010 10:31 pm

^
He did a Ussain Bolt :lol: :lol:
Mind I would have too as planes had never been seen in African skies
sxb this is the so called darawiish leader, what a fullay sxb. Imagine if Lixle or koodbuur or Haragwaafi just left the snm and started hiding in the miyi
Imagine the moral

User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Re: Sayid iyo Cigaal shidaad: One of the Same?

Postby malakumod » Tue Jul 27, 2010 10:43 pm

i suppose it would have been more honourable or warrior like of him to be a tracker, spy or a water boy for the british empire

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Sayid iyo Cigaal shidaad: One of the Same?

Postby hargaysaay » Wed Jul 28, 2010 2:59 am

sayidka ciidagale iyo habar yoonis baa eryaday oo iimay geeyay

this gabay represents it all

Carada iyo cerbaha shiisha iyo Dhamal calooshiisa.
Cudbi koriye ceeriga Burraho cadayga Laasdhuure.
Cadaadley carfigaa Tuuyo iyo culayga Maygaagta
Casaha Sheekh caleenti Burco iyo cogalka Oodweyne.
Caglishiriye Ceeg iyo Togdheer harada Ceegaagta
Cayanabo cadaankii Taleex Cal iyo Buur Dhaabo
Halki iyo Ceerigaabiyo badiyo kuraha cawlcawlan
Cagaarweyne coodiga Wardheer Caado iyo faafan
Cosobkii biyeed iyo Gurracan Ceelqod iyo Baarta
Curcurrada Awaare iyo Deyr cawska Digaweyne
Cufka Aroor Calaydh iyo Balaadh Cawlal iyo Qaydar
Gaaroodi labadiisa cidhif Ciinle iyo Tuurta
Ceelkaa Hargaysa iyo Togaan cidii ka guuraynin
udubkaa cidhiidhiga u degey ma cidkalaad mooday
saw cududda Habar Yoonis iyo Ciidagale maaha Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Wadaadkii cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayay
Isago cartiisi qaba oon cidina taataaban
Qabiil kale ciyaar uma dhaceen culus hashiisiiye
Guutada camuuda ah kolki caasha loo geliyey
Gabagabaha ciirada markaad cadar xagaa mooday
Cara wiilasheedi kolkaan caynab ku eryaayay
Caamir hooyadii iyo kolkay Calaso ooyaysay
Waakii Caruusa ugu galay caydha barigiiye
Nimankii calqadihii ka riday ma cid kalaad mooday
Saw cududda Habar Yoonis iyo ciidagale maaha

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Cafaw nooma galin reer Subeer waagi lays cunaye
Colaad iyo markii Geydh la dilay ciil la degi waaye
Cawadhalad kuwii sheegan jiray cuurka ba Xawaadle
Caroowgeyga gortay maqlaan wey ka cararaane
Kuwii webiga cidhifkaa ka maray coodan laga qaadye
Geeli canjiida iyo lahaa sumad yaro caana
Caroofiga dhagaha dheer wax badan soo cantoobsadaye
Caraale iyo jeeraar waxaan caydh dad ugu diiday
Codcodkii waxaan uga qubay iyo subagii ceegaagey
Carrow dheere iyo bay hayeen culuqi baalgoy e
Cali Rooble geeli badnaa looma soo celine
Cabda kala jid baxay barqabkii cunaha weynaaye
Cifan weydey beeshii sidii Ciise loo miraye
Caanaha ma laasimo ninkaan culus ka qaadnaaye
Meeshiyo colaadii Dirqaan caarid ka xigaaye
Cadawgaanu kaga deyranahay Curubta Reer Shiikhe

Caynkaa hadaanaan ahayn laysma caasiyo'e
Halka iyo caws guduudkii Jigjiga lagama ceesheene
Kolka beesha Cayn loo raraa Cadan u yaacdaane
Cidlaa kaga tagtaan reerahoon cir u irmaanayne
Horweyntiinan caydigu wadaa ma cayilaadeene
Cayuuntiina waxa boobi laa Caliyo Haaruune
Carandhiriye reer Fiqi Cigaal kuma ciseeyeene
Cishadii dhaweytona raggii caawiyaad tahaye
Caynkaana waan kugu ogahay ee calale yeelkaaga

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Cirroolaha gaboobaa nin ragi ka cilmi qaataaye
Calisalaan Cabdiyo Daahir Magan Carab la sheekayso
Cishadii la gubay qayradii cobosha yaa laayey
Caarshiyo raggay Dawladii ciir ka qubi weydey
Anagaa ka sii ciidan badan cidi ma kaa yeeli
Waraabaa ciyaayee ka soo carara aaboooyin
Caruurtaa sidaa lagu sabaa ka caqli weyn uunku

Haddii ramad candhada jiidayiyo cuud la kala qaado
Coomaadda duuliyo haddii cadal la kooreeyo
Cadaw dile ayaa nagula mida curaddo laayaana
Miyaanaan ka ciilbixin kolkuu rag isu caal waayey
Caska waaga yaanaan rasaas caadka kaga yeelin
Halkiyo Cawda laasaha Cillaan caabud iyo kaafir
Miyaanaan sidii awr cayina keenaduu celinin
Ma cidbaa ku nool dunida waataan cankaa dhigaye

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Cishada Iidda laysugu yimaad caadada islaamka
Ama meel caruus laga cammiray laga cayaaraayo
Ama Caynab lagu soo shiriyo ceydbuliyo maydal
Carfi iyo xarrago uunka yaa nagu cillaynaaya
inaan calanka dheer nahay ayaa caawa ka hadlaaya
Abaar caratay cuun lagu dibjirey meel cidliyo soola
Caraafiidka iyo oonka iyo caatadiyo daalka
Dhallinyaro cad duban qaadata iyo guluf carraabaaya
Cimrigii nimaan arag miyaa ii cargaagtamaya
Cabdallahan yaryari xoolahay celin yaqaaniine
Casar weerar iyo mayagaa caydh is garanaaya
Cabbaniyo Makaahiil miyaa cid iska riixaaya
Ma Cismaannadaa kula batay iyo Caliyo reer looge
Cusbadii Jaboutiyo kuwii cawda guranaayey
Dadku waa is wada caayayaa ee Cumar ma noo faanay
Ma cuwaaflahaan qarinayuu caawa ii tiriyey

Cuqaal talisa Boqor caaddila iyo culimo miisaan leh
Ilaahi Carshiga Nuuriyoow kaaga caban mayno
Caddaankaanu wada loollanaa madaw cisaynmayno


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests