C/raxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah salaadiinta ugu cad-cad ee ka soo jeeda Gobolada Awdal/Salal , ayaa xalay goor danbe shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa oo ku yaala Xaafada Sh/Makaahiil ee Degmada Borama.
Suldaanka ayaa waxaa uu shirkiisan jaraa’id uga gol lahaa, xaaladahan siyaasadeed ee ku soo kordhay jawiga Somaliland gaar ahaan, Degmada Borama, iyo mudaharaadka maanta ka dhacay degmada Borama ee xarunta Gobolka Awdal.
Hadana, Shirkii jaraa’id oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:
Mahadnaq eebe ka bacdai,waxaan caawa iskugu kiin yeedhay inaan caawa si toosa uga hadlo, arimaha ka socda Gobolka Awdal, Gaar ahaan Degmada Borama waxaan doonayaa inaan in cadeeyo qaabka ay barintaasi ku haboon tahay.Waxaan leehay oo caawa halkan uga jeedinayaa Bulshada reer Somaliland,gaar ahaana reer Awdal, ee degmada Borama, maanta halkan waxaa ka dhacay mudaharaad lagu cadaynayo tabashada ay dadku ka tabanayaan Xukuumanta maanta dawlada Cusub soo dhistay,umadu wax way taban kartaa , wax waa la sheegan karaa, waa laga doodi karaa,waana la diidi karaa wixi la tabanayo, waxaanse meesha ku jirin waxyaabaha saa’idka ah, ee aan ku jirin dawladnimada, Dadnimada iyo dalkaba ku jirin, waa in laga reebaa, waxaasi waamaxay ?waxaasi waxa weeji, dadku marka ay wax tabanayaan waxa ay leeyihiin hogaamiyayaal, salaadiin Cuqaal, siyaasiyiin bay leeyihiin, markaa waa inay tagaan miiska wada hadalada oo waxa ay tabanayaan halkaas ka sheegtaan.
Markay maaran waayaan waa in ay talo wixii iska waydiiyaan,oo wixii ay doonayaan talo ahaan la iska waydiiyaa , talo ahaana lagu maareeyaa, laakiin maaha wax aan la isku ogayn oo aan laga tashanin oo aan la iska arkin la iskagana iman ay markasta yimaadaan maaha, waxaa maanta halkan ka dhacay mudaharaad , mudaharaadkuna waa iman karan, cidii wax tabanaysana waa ay ku cabiri kartaa waxa ay tabanayso,laakiin waxaa saa’ida Marka ay mudaharaadyo ka dhacaan Goboladan Awdal/Salal waxaa soo baxa calamaan runtii,waxaa maanta soo baxay calan la yidhaahdo AWDAL LAND oo ay maanta aniga iigu horeysay ayaa soo baxay, aragtidiisa iyo maqalkiisa waan fahmi waayay , waxaan ahay madax dhaqameed waxaan ka mid ahay salaadiinta Gobolada Galbeedka , waxaanan ahay salaadiinta kuwa ugu xogogaalsan ayaan ahay,waan garan waayay meesha uu calankaasi runtii ka yimid,umadu markii laga hadlayo gu’itaan, markii laga hadlayo Gooni isu taag, waa arin wayn waa arin aan shakhsi ka hadli Karin,waa arin ay koox yaroo gaar ahi ayna ka hadli karayn, waxa weeyi wixii guud ee masiir guud ee goboladan galbeedku leeyihiin ee dawlada laga tabanayo waa in la isku yimaado oo laga wada hadlo,waa in ay ka wada hadlaan, madaxdhaqameedyadu, salaadiinta, cuqaasha ,indheer garadka, aqoon yahanka iyo Culumadu isku timaadaa oo ay is fahansiiyaan.
Waxaan hadalkayga ku soo gabo-gabeynayaa , in ay wixii mudaharaadkan maanta dhigay ee ka danbaysay ee waday yayna ku noqon ha ka joojiso dadka , halkay wax yaalaan iyo cidii hayso iyo ciday wax ku maqan yihiin way garanaysaa ee ha tagto,waxaan leehay ka salaadiin ahaan, ka culuma ahaan, anagu hadaan nahay Madaxdhaqameedyadii iyo salaadiintii goboladan,iyo odayaashaba waan is arkaynaa wixii nagaga haboon ana waan ka hadli doonaa waanan ka qaban doonaa haduu alla idmo, laakiin waxaan ka codsanaynaa in laga daayo iminka tan maanta oo kale dhacday,waxaanan mar labaad ku celinayaa cidii waday ,hawshaa maanta foosha xumayd ee dhacdayna ka danbaysay, in ay joojiso ,miiska wada hadalkana ay ku noqoto, wixii ay tabanayaan lagu noqdo ayaan hadalkaygii ku soo gabo gabaynayaa.




