Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wasiirka Cusub Ee Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Wareegay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wasiirka Cusub Ee Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Wareegay

Postby Siciid85 » Sat Jul 31, 2010 10:32 am

Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore + Weedhaha Wasiirada + SAWIRO


Image

(Oodweynenews)- Wasiirka Cusub ee Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa maanta xilkii kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Cali Qoorseef.
Xaflada xil-wareejinta oo lagu qabtay xafiiska Wasaarada ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa goob ka ahaa Labada Wasiirka ee xilka la kala wareegay, Agaasimaha guud ee wasaarada, agaasimayaasha waaxaha, madax-dhaqameed iyo shaqaalaha Wasaarada.

Ugu horayn Wasiirkii hore ee Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha Cali Qoorseef oo halkaas hadalay ayaa aad ugu dheeray maraaxilkii kala duwanaa ee Wasaaradu soo martay, wixii u qabsoomay, qabyada jirta iyo halka ay wax u marayaan.
Waxa kale oo uu Wasiirku tibaaxay inuu ka faraxsan yahay inuu xilka wasiirnimo ku wareejiyo wasiirka cusub ee Wasaarada loo soo magacaabay, isaga oo ilaahay uga beryay inuu u fududeeyo xilka Wasaarada ee Madaxweynaha cusubi u soo magacaabay.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in loo fiiro yeesho bad-boodka hadda socda sida Kenya qayb u goosatay badda Somaliya, “Waxa muhiim ah loo fiiro yeesho in xuduudii badda Somaliland lagu soo durkay oo wixii macluumaad ah ama codsiya waxa lagala soconayaa Hay’adda qaramamidoobi u qaabilsan Baddaha.” Ayuu yidhi Cali Qoorsheel.
Waxa uu xusay in laga soo bilaabo 2004 ilaa 2008-dii in la dhoofiyey 6000 oo tan oo Kaluun ah, isaga oo sheegay in dakhliga afartaas sannadood ka soo xarooday uu u kala baxayay sidan: sannadka 2004 waxa soo xaroodaya ayuu tilmaamay $412,000 oo doolar, 2005; $180,000; 2006; 168000 iyo sannadka ugu dambeeya ee 2007 oo ay soo xaroodeen 2007-ka oo soo xadoodeen$65000.
Waxa uu sheegay in 200 ilaa 2010 aanay wax dakhli ahi ka soo xaroon badda Somaliland, isla markaana ay sabab u tahay ayuu sheegay budhcad-badeeda ka qadhaabsata xeebaha Somaliya oo ay ka baqdeen maraakiibtii Kuulamaysan jirtay.
Image


Wasiirkau cusub ee xilka la wareegay Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey mahadax Wasaarada ee xilka ku wareejisay ee uu ugu horeeyo Wasiirkii hore, isaga oo ka coday inay u soo duceeyaan in ilaahay u fududeeyo xilka culus ee uu ku wareejiyeen.
Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka uu u magacaabay Madaxweyne Silaanyo, “Aniga asalkayga waxa aan ka soo jeeda magaalada Berbera, aad bay sharaf iigu tahay oo aan uga mahadnaqayaa madaxweynaha iyo cidda imagacawday, siiba Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo aad buu ugu mahadsan yahay inuu ii magacaabo Wasaarad khusaysa magaaladaydii ilaahay waan ugu mahadnaqayaa.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Yaasiin Xasan.


Image

Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Anigu waxbarashadaydii hoose/dhexe, sare ilaa Jaamacadeed waxa aan ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya. Waxa aan ku takhasusay culuumta diblamaasiyadda. Waxa aan ka shaqeeyey Wasaaradii hore ee Arrimaha dibada ee Somaliya. Meelihii aan ka shaqeeyey waxaa ka mid ahayd dalka Kuweyd oo aan mar Qunsul ka ahaa mar-na Safaarada aan madax ka ahaa. Waxa kale oo aan waxbarasho sare u tegay dalka Faransiiska, halkaas oo aan Master-degree-daydii culuumta diblamaasiyada ku sameeyey. Phd-daydiina waxa aan ka qaatay Paris. Waxa kale oo aan la shaqeeyay African development Bank oo aan ka mid noqday xubnaha maamula oo aan weliba ahaa qofka keliya ee Soomaali ah eek u jira. Dee shaqadaydii iyo Waxbarashadaydii waa sidaan. Marna SNM ayaan ka mid ahaa oo xidhiidhkii Maraykanka iyo meelahaas ayaan u qaabilsanaa.”


Image

Waxa uu tilmaamay inuu ku kalsoon yahay xilka uu Madaxweynuhu u magacaabay, isla markaana uu sidiisa u gudan doono.


C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wasiirka Cusub Ee Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Ware

Postby The_Emperior5 » Sat Jul 31, 2010 10:35 am

Nice pics

Dr. Maxamed Yaasiin Xasan was an SNM mujaheeed , eventhough he dident took up arms he was one of the snm members in the middle east xafiiska snm kadadka iyo qaadhanka lugu ururiyo bu ka shaqeynaye

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wasiirka Cusub Ee Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Ware

Postby Siciid85 » Sat Jul 31, 2010 10:43 am

Nice pics

Dr. Maxamed Yaasiin Xasan was an SNM mujaheeed , eventhough he dident took up arms he was one of the snm members in the middle east xafiiska snm kadadka iyo qaadhanka lugu ururiyo bu ka shaqeynaye

Ha wa ruunta he explains it himself in the speech he also has PHD.


"Waxa kale oo aan waxbarasho sare u tegay dalka Faransiiska, halkaas oo aan Master-degree-daydii culuumta diblamaasiyada ku sameeyey. Phd-daydiina waxa aan ka qaatay Paris."

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wasiirka Cusub Ee Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Ware

Postby The_Emperior5 » Sat Jul 31, 2010 10:46 am

Yeah he is the right man for the job :up:

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Wasiirka Cusub Ee Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Ware

Postby hargaysaay » Sat Jul 31, 2010 10:47 am

phd holder waaw thats nice but in what

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wasiirka Cusub Ee Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Ware

Postby Siciid85 » Sat Jul 31, 2010 10:48 am

phd holder waaw thats nice but in what

culuumta diblamaasiyada .


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 16 guests