Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mr dahabshil is doing so much for his people

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Mr dahabshil is doing so much for his people

Postby The_Emperior5 » Thu Aug 05, 2010 1:19 pm

Dahabshiil oo Hirgelisay Dhismaha Xarunta Carruurta Derbi-jiifka ah


Hargeysa (Jam)- Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabashiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa shalay ku wareejiyey ururka ODHA derbi bedkiisu dhan yahay 8352 mitir oo laba jibbaaran (96m X87m) oo lagu soo wareejiyey xarun loogu talogalay daryeelka carruurta derbi-jiifka ah oo shirkaddu ka hirgelisey duleedka xaafadda Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa.


Munaasibadda hanti-wareejinta ah waxa ka qaybgalay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda Professor Ismaaciil Muumin Aar oo xafladda ku dhagax dhigay qaybtii labaad ee hoyga iyo guryaha kale ee xarunta.


Ugu horrayn waxa daaha ka rogtey ujeeddada munaasibadda kulmisay shirkadda Dahabshiil, Wasaaradda Caddaaladda iyo ururka ODHA, marwo Luul Hassan Mattaan oo ah Madaxa Carruurta iyo Haweenka ee ururka, iyada oo ku soo dhoweyneysey Guddoomiyaha ODHA, waxayna tidhi; “Waxaynu maanta hortaagannahay derbigii lagu soo wareejiyey xarunta carruunta derbi-jiifka ah ee Somaliland oo ah qaybtii hore ee mashruuca. Waxa qaybtan hirgeliyey Shirkadda Dahabshiil. Qaybta labaad ee mashruuca oo nqon doonta hoygii (dormitories) waxa iyadana shalay dhagax dhigay Wasiirka Caddaaladda Prof Ismaaciil Muumin Aar.”


Intaa ka dib, waxa hadalka ku wareegay Guddoomiyaha ururka marwo Faadumo Saeed Ibrahim oo ku dheeraatay kaalinta wax-ku-oolka ah ee shirkadda Dahabshiil ka qaadatay mashruucan bini-aadannimo, iyadoo muujisay farxadda uu ururka ODHA ku soo dhoweynayo sida dhkhsaha badan ee dhismaha derbiga lagu soo wareejiyey xaruntu ugu dhammaaday.


“Weli ma aannu arkin cid wax ballan qaadday oo sida shirkadda Dahabshiil sida ugu fudud ee ugu dhakhsaha badan u fuliya ballanka, saddex bilood iyo qaybo loo kala googooyo barnaamijka ayay badiba qaadataa. Dahabshiil maalintii oo noo ballan qaadayba waa bilaabay dhiska isla laba maalmood gudaheed,” ayay tidhi marwo Faadumo, iyada oo raacisay in deyrka oo ku gedaaman dhul aan ka yarayn labaatan baloodh oo yahay mid dhaxal gal ah oo dherer iyo madhax-galba isku darsaday.


“Magacayaga uun ma aha kan aannu mahadnaqa idiinku soo gudbineynaa ee waxa weheliya kan carruurta derbi-jiifka ah ee Somaliland oo idil,” ayay tidhi Faadumo, iyada oo ku hal qabsanaysa Cabdirashid Mohamed Saeed, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil (Dahabshiil Group), waxaanay Ilaahay u bariday in xarunta loogu talogalay carruurta ku dayacan suuqyada Somaliland ay noqoto mid ay ku nastaan oo ku nagaadaan oo ay ka soo baxaan carruur lafahooda, qoysaskooda iyo dalkoodaba aayo u yeesha.


Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed, ayaa isaguna ugu horraynba aad ugaga mahadceliyey ururka ODHA iyo gabdhaha isu xilqaamay carruurta derbi-jiifka kaalinta lama-illaawaanka ah ee ay ka qaateen abaabulka xaruntan iyo siday uga go’an tahay ka midho-dhalinteedu. Waxa Cabdirashiid tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin in shirkaddu ka qaybqaadato daryeelka carruurta tabaaladu ku raagtey loo fidinayo, ayna u tahay sharaf inay qaybtii u horreysey ee mashruucan u fuliyaan sidii loogu talo galay iyo si ka wanaagsanba.


“Carruurtu sidoodaba waxay u baahan yihiin daryeen faro badan. Kuwa aan cidna ku tiirsanayn ee derbi-jiifka ahina waa ka sii xag jiraan,” ayuu yidhi Cabdirashiid.


Waxa Cabdirashiid u soo jeediyey bulshoweynta inay ka qayb qaataan sidii loo dhammaystiri lahaa, cagahana loogu joojin lahaa qaybaha hadhay ee mashruucan, isaga oo si gaar ah isu dul taagay ajarka iyo xasanaadka cid kasta oo niyad wanaagsan kaga qayb qaadata uga jidoobeysa Ilaahay agtiisa.


“Haddii aan carruurtan ku dayacan suuqyada aynaan maanta wax ka qaban, kuwa guryaha jooga ayaa ku biiri kara oo ah wax suurtagal ah,” ayuu tilmaamay Cabdirashiid, isaga oo ku daray in kaalinta shirkadda Dahabshiil mar walba ka qaadata arrimaha muhimka ah ay tahay mid u barnaamij ah oo ay aragto shirkaddu wixii dadkeeda, oo ah macaamiisheeda meel kasyaba ha joogeene, u dan ahi inay iyadana dan u tahay.


Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda Professor Ismail Mumin Aar oo nasiib ub yeeshay in munaasabaddii u horreysey ee dan guud ah uu kaqaga qayb galo hawl samafal oo lagu daryeelayo, looguna caddaalad falayo, qayb ka mid ah bulshada, ayaa isaguna halkaa erayo kooban ku soo dhoweeyey mshruuca, ujeedadiisa iyo iskaashiga saddex-xagaloodka ah ee ururrada rayid ah, ganacsatada madaxa bannaan – sida Dahabshiil iyo Wasaaraddiisa oo ay hawlaheeda ka mid tahay dhaqan-celinta carruurta ku dayacan suuqyada.


“Caddaaladdu waxay ka mid tahay baahiyihii aasaasiga ahaa oo guri walba way gelaysaa, cid walbana waa taabanaysaa; waxana aan u arkaa inaad garabyadiinna iska kaashaday hawshan cid walbaba uga horraysaan taabbagelinta caddaaladda,” ayuu yidhi Professor Ismaaciil Muumin.


Wasiirku waxa uu tilmaamay in badani ku dayacan yahay suuqyada oo ama waalidkood is-furay, ama dhaqaale ahaan u maaro waayey, sidaa darteedna cid kasta oo mustaqabalkooda iyo iftiimintiisa gacan ka geysata ay abaal adduun iyo mid aakhiraba heli doonaan.


“Shirkadda Dahabshhil waxay buuxisay door dhan oo bulshada hore uga maqnaa oo ah in ganacsatadu damiir ummadnimo yeelato oo horumarka bulshada u adeegto qayb laxaad leh ka qaadato. Samafalku horumarka ayuu ka mid yahay, waxana aan marag ka ahay mashaariic badan oo Dahabshiil qabatay oo aan meel kasta ku arko ama ku maqloba,” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo cabbiraya dareenkiisa ku wajahan kaalinta shirkaddu kaga jirto horumarka iyo badhi-taarka bulshooyinka.


Waxa uu Wasiirku ku soo gebogabeeyey hadalkiisii baaq ah in baayacmushtarku ku soo dhiirradaan horumarinta, samofalka iyo daryeelka bulshada inteeda tabarta daran sida shirkadda Dahabshiil, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ganacsatadu tahay cududda keli ah ee la isku hallayn karo ee bulshadani manta leedahay si ay karaamadeeda iyo hankeeda horumarineed u kasbato, una dhawrato.


Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu markale u mahad-celiyey ururka soo abaabulay, shirkadda Dahabshiil iyo cid kasta oo kaalin ka geysata fulinta hawshan mugga iyo meeqaamka sare leh.




Jamhuuriya Online

User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: Mr dahabshil is doing so much for his people

Postby yunis09 » Thu Aug 05, 2010 1:44 pm

mashallah :up: we should do our best in helping the needy and the orphans

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Mr dahabshil is doing so much for his people

Postby Dhaga Bacayl » Thu Aug 05, 2010 1:53 pm

ILAHAY ha jaasi siiyo.

Runti iSakado qudhaa kafayn kartaa baahiyo badan o jira hadi ay tijartu daacad wax u bixinayaan.

Well done Xaaji Dahabshiil.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests