Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo xisbul-xaakimka KULMIYE ugu baaqay inay dib-u-dhis iyo ururin ku sameeyaan labada xisbi mucaarad oo uu sheegay inay kala daadsan yihiin.
Guddoomiye Saleebaan mar uu shalay hadal ka jeediyey munaasibadii Madaxweyne Siilaanyo xilka guddoomiyenimada ugu wareejiyey, waxa uu sheegay in labada xisbi ee UDUB iyo UCID ay kala daateen kadib doorashadii Madaxtooyada ee lagaga guulaystay, sidaa daraadeedna Madaxweynaha iyo xisbul-xaakimka KULMIYE looga fadhiyo inay dhisaan, isla markaana dib u ururiyaan.
“Axsaabta kale oo aad soo dhaweysaan ayaa la idinka rabaa oo aad dhistaa, ma dhisna hadda ee wax baa kala daadsan, haddii kiinu guulaystay oo is haysto labadii kale waa laga badiyey oo waa kala daateen, ururin dambe iyo gacan bay idiinka baahan yihiin, Madaxweynuhuna wuu ku jiraa, kursigii qaranka isagaa fadhiya, axsaabtaasi ururin ayey idiinka baahan yihiin sida bulshaduba ururinta ugu baahan tahay,” ayuu yidhi Md. Saleebaan
Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa kale oo uu xisbiga KULMIYE u soo jeediyey inay la shaqeeyaan Madaxweynaha iyo dawladda, hase ahaatee aanay ku garabgelin wixii khalad ah.
“Malaha ku farximaysid mansabka laguu dhiibay Muusow dhibtaasi ayaa kaa horreysa, dheefna malaha axsaabtu, Ilaahay ha ku garabgalo oo ha kuu fududeeyo, intiina kalena inaad la shaqaysaan weeye, xisbiguna ka ugu horreeya ee dawladda u adeega ha noqdo, ma lihi ugu adeega sax iyo khaladba, wixii khalad ah ka qabta, laakiin garab istaagidii ayaa loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiyaha Guurtida Somaliland.



