Nuxurka Shirkii Jaraa’id ee uu Afhayeenka Madaxtooyadu qabta
Posted: Sun Aug 08, 2010 5:03 pm
Nuxurka Shirkii Jaraa’id ee uu Afhayeenka Madaxtooyadu qabtay.
Nuxurka Shirkii Jaraa’id ee uu Afhayeenka Madaxtooyadu qabtay
Waxa jira shir ay dhawaan xubno ka mid ah Madax dhaqameedka beelaha Bariga Burco iyo Buuhoodle kaga hadleen arrimaha nabad-gelyadda ee deegaamadooda, waxaana sida la sheegay shirkaasi ay odayaashu isku afgarteen qodobo ay u arkeen in ay n abad gelyada deegaamadaasi caawinayso.
Waxa kale oo ay kaga hadleen sida ay warbaahinta u sheegeen qodob ay ku soo qaadeen ciidamadda Qaranka. Kaasi oo sida muuqata dheeraad ku ahaa oo aanay xaq u lahayn in ay ku darsadaan go’aamadooda.
Xukuumadda Somaliland oo sideedaba u taagan sugidda qaranimada Somaliland iyo adkaynta nabad gelyadda waxa ay mabda ahaan soo dhawaynaysaa dhaq-dhaqaaq kasta oo u adeegaya Nabad gelyadda iyo wada hadallada heer kastaba leh ee la xidhiidha arrintaasi nabad gelyada min qoys ilaa Qaran.
Waxa kale oo ay xukuumaddu si cad u sheegaysaa in arrinta ciidamada Qaranku aanay ahayn mid ay laba beelood iyo laba kooxood midna ka talin karaan ee ay tahay arrin u taala Dawladda Somaliland.