Odayaasha Beesha Bahararsame oo Baashe maxamed Cadde ku tilmaamay inuusan ku filayn.
Warkii 09-Aug-2010 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Shir ka dhacay guri kamid ah magaalada Laascaanood ayna isugu yimaadeen Odayaasha Beesha Bahararsame ayaa waxa ay halkaasi baaq uga soo jeediyeen madaxwaynaha Somaliland Axmed Maamed Maxamuud (Siilaanyo) iyagoo halkaasi ugu horayn kasoo jeediyay inay Dawlada si wayn u taageersan yihiin.
ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Maxamuud Cabdi Xaabsade oo xusay inay dawlada madaxwayne Siilaanyo ay taageersan yihiin ayna madaxwaynaha ugu baaqayaan inuu talada Dalka iyo ta beeasha balaadhiyo uusana ku koobin hal qof isagoo xusay in beeshu ay ka wayn tahay wax qof taladii ka go'do ama loo soo maro.
Xasan Axmed Tuuhe ayaa sidoo kale xusay in madaxwaynaha ay u sheegayaan in arintaasi uu sidaa ka badalo ayna beeshu ka wayn tahay wax qof loo soo maro ayna lee yihiin aqoonyahano,culimo'udiin,waxgarad iyo cuqaal ayna taladoodu ka go'do isagoo xusay in madaxwaynuhu arintaa in hal qof talada dalka wax laga waydiinayo wax ka badalo.
Sidoo kale Oday Cabdi Axmed Gole (Cabdi Faake) ayaa taageeray hadaladii Odayaashii ka horeeyay isagoo xusay inay madaxwaynaha ka sugayaan wax ka badalka arintaasi iyo inuu talada dadka balaadhiyo oo uusan qof ku koobin iyadoo Sidoo kalena Faarax xubeero oo Odayaashii goobta ka hadlay kamid ahaa si wayn arintaasi u taageeray uuna xusay in talada la balaadhiyo.
Hadaba Odayaasha goobtaasi ka hadlay ayaa waxa ay madawaynaha ka codsadeen wax ka badalka talada dalka lana balaadhiyo iyagoo dhamaantood ahaa kuwo u hanbalyeeyay madaxwaynaha iyo Dawlada cusub ee dalka ka dhalatay iyagoo si wayn u dhaliilsanaa in talada shacabka lasoo mariyo hal qof




