Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Maanta Dhaariyey Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub Ee JSL + SAWIRO
Hargeysa(Oodweynenews)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Dr. Maxamed Xirsi Oomane, ayaa maanta gelinkii hore Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirkada ku dhaariyay Qarsiga Madaxtooyada JSL.
Sidan-na waxaana lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuse], kaas oo u dhignaa sidan:-
“Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Dr. Maxamed Xirsi Oomane, ayaa maanta gelinkii hore Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirkada ku dhaariyay Qarsiga Madaxtooyada JSL.
Waxaana munaasibada dhaarinta goob-joog ka ahaa Madaxweynaha JSL Mude: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Saylici.
Xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradu waxay ku dhaarteen dhaarta distooriga ah oo nuxurkeedu yahay inay dalka somalilnad iyo dadkaba ugu adeegayaan daacadnimo, cadaalad iyo sinaan.”
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Oodweynenews.com/Hargeysa Office



