Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

INdho-Deero Co Oo Berbera ka Furaya Maxjar Casriya

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

INdho-Deero Co Oo Berbera ka Furaya Maxjar Casriya

Postby LiQaaye_TDH » Sat Aug 14, 2010 3:23 am

Dhawrkii malmood ee u danbeeyey, ayaa waxa magaalada Berbera si weyn looga hadal hayay warar isa soo taraya, kuwaasoo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu socdaal ku tegi doono magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.



illaa hadda ma jiraan warar si rasmiya oo xaqiijiayay socdaalka Madaxweynaha ee la tibaaxayo iyo ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa, balse waxaa jira dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo safarka Madaxweynaha oo ka muuqda meelo ka mid ah magaalada Berbera, gaar ahaan mid ka mid ah xeryaha xoolaha ee Shirkadda Indhadeero Company, halkaasoo la sudhay sawirada madaxweynaha iyo hal-ku-dhigyo lagu soo dhawaynayo Madaxweynaha. taasoo lagu wado in ujeedada ugu weyn ee Madaxweynuhu ku tegayo Berbera lagu xidhiidhinayo sidii uu xadhiga uga jari lahaa xeradaas xoolaha oo ay dib u dhis casri ah ku sammaysay Shirkadda Indhadeero.





Xeradan oo ahayd mid mudoba ay dedaal ugu jirtay Shirkadda Indhadeero sidii ay uga dhigi lahayd maxjar labaad oo ka hirgala magaalada Berbera, ayaa xukuummadii hore ee Madaxweyne Rayaale ay gaashaanka ku dhufutay hireglintiisa una cuntami waayay, haseyeeshee sida muuqata immika intii xukuumadda Madaxweyne Siilaamyo ku guulaysatay talada dalka uu soo noolaaday dhismaha dhaqdhaqaaqyadii ay shirkadda Indhadeero ku doonaysay sidii maxjar uga dhigi lahayd maxjar u gaara, taasoo tan iyo intii ay dhaqdhaqaaqyadani dib u soo cusboonaadeen ay bulshadu si weyn isu weydiinayeen suurtogalnimada damaca shirkadda Indhadeero ku doonayaan maxjar u gaara ganacsiga xoolahooda, kaasoo aan illaa hadda la ogayn heerka kalsoonida uu maxjarkani ka haysto suuqyada loo dhoofiya xoolaha ka baxa Berbera, kuwaasoo inta lka ogyahay si buuxda u aqoonsaday Maxjarka Berbera ee ay maamusho shirkadda Golf Internatioal ee maalgelintiisa ay wadajirka u fuliyeen Ganacsade Al-jaabiri oo isagu halgan dheer u galay sidii ay Somaliland u kasban lahayd maxjar caalamiya oo kalsooni iyo shahaado caalamiya oo caafimaad haysta, kuna guulaystay midho-dhalkiisa.



si kastaba ha ahaatee, waxaa la dhawrayaa waxa uu ku danbayn doono hirgelint maxjarka Indhadeero iyo waxa ka dhab ah xadhig-ka-jarista madaxweynaha oo sida ogyahay shirkadda Indhadeero Company ay ka mid ahayd ganacsatadii sida weyn uga dhexmuuqatay ololayaashii xisbiga KULMIYE ku raacdaynayay sidii uu ugu guulaysan lahaa kursiga madaxtooyadda.





hadaba, su'aasha isweydiinta leh waxay tahay waxa uu noqon doono sharciyadda lagu maamuli doono maxjarka cusub oo dad badani u arkaan inay fikirka maxjarkan uu ka danbeeyo Ganacsato Carbeed oo ka soo horjeeda Maxjarka ay hiregelisay shirkadda Golf International.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests