Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

EU gave Axmed yusuf yasin and Daahir rayaale 3 Million USD

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

EU gave Axmed yusuf yasin and Daahir rayaale 3 Million USD

Postby The_Emperior5 » Thu Aug 19, 2010 7:07 pm

Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo ku-xigeenkiisii oo Lacag Malaayiin Doollar ah Abaal-marin loo siiyey
Hargeysa- 19 August 2010:(HargeisaStar):- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisii Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay in Midawga Yurub Lacag Malaayiin Doollar ah abaal-marin u siiyeen.

Ma jiraan war rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay, hase ahaatee, sida warar xogogaal ah oo laga helay ilo ku dhadhaw Masuuliyiintaasi, ayaa tibaaxey in Midowga Yurub Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin siiyay Lacag abaal marin ah oo saddex Malyan oo Doollar cadadkeeda lagu sheegay. Waxay wararku intaa ku dareen, in ujeeddada lacagtan loo siiyay Madaxweynihii hore iyo ku-xigeenkiisii ay salka ku hayso sidii quruxda badnayd ee ay xilka u wareejiyeen, isla markaana, u taabba-galiyeen hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay gaadhsiiyeen xilligii ay madaxtinimadda dalka hayeen. Midowga Yurub ayaa dhawaan Wefti uu hoggaaminayo Ergayga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya u soo diray Somaliland, kuwaas oo muddadii ay ku sugnaayeen Hargeysa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, inkastoo kulamadaasi kala duwanaayeen, hadana sida Weftiga laftiisu sheegay, waxay arrimaha lagaga wada hadlay u badnaayeen, hambalyayn ay masuuliyiintaas ugu kala tahniyadaynayeen doorashada la doortay iyo sida dhinacyadii laga guulaystay u aqbaleen natiijadii, halka dadweynaha Somaliland iyaga laftooda ay ugu hambalyeeyeen sidii nabadgalyadda iyo deganaanshaha lahayd ee ay u galeen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii Juun ee sanadkan 2010-ka.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigan dalka dibaddiisa ku maqan, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijaddii doorashadda Madaxtooyadda kaga dhabeeyay balan qaadyadiisi uu hore ugu sheegay in uu u hoggaansami doono wixii natiijada ka soo baxa marka komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqaan, go’aankaas geesinimada lahaa ayaa isaga iyo guud ahaan jamhuuriyada Somaliland u soo kordhiyay sumcad wayn, taas oo si wayn indhaha caalamka ugu soo jeedisay qaddiyadda Somaliland. Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in mac-hadyo ka jira dunidda oo intooda badan dimuqraadiyada dhiiri galiyaa, Marti qaadyo u soo direen. Si kastaba ha ahaatee wararka sheegaya in midowga Yurub siiyay abaal Marin isaga iyo ku xigeenkiisa ayaan si rasmi ah saxaafada loola socodsiin, taasoo la tilmaamay inaan caadiyan nooceeda abaal-marintan si cad loo baahin ee gacanta uun laga geliyo cidda mutaysatay.

Source:Wargeyska HargeisaStar

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: EU gave Axmed yusuf yasin and Daahir rayaale 3 Million U

Postby Mr_Alfaas » Thu Aug 19, 2010 7:23 pm

3 da million ma 3di million ee deynta lagu lahaaba dawladi hore :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 18 guests