Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka tirsan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka tirsan

Postby Siciid85 » Sun Aug 22, 2010 9:16 am

(Hadhwanaagnews) Sunday, August 22, 2010

Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa(HWN) -Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaqadii ka eryay saddex muwaadin oo hawlo kala duwan ka hayay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Saddexdan xubnood oo kala ah Yaasiin Nuur Mooge, oo ahaa agaasime ku xigeenka Xafiiska Arkiifiyada Madaxtooyada, Axmed Cabdillaahi Maxamud oo ahaa xoghayaha wasiirka madaxtooyada iyo Xuseen Sheer, oo ahaa xoghayaha Golaha Wasiirada, waxa shalay xafiisyadooda loo dhigay qoraalo lagu amrayo in shaqadii laga joojiyay.

Sida ka muuqata qoraalka uu Xirsi Cali Xaaji Xasan, shaqada kaga joojiyay mid ka mid ah saddexda muwaadin, waxa uu u adeegsaday luuqad kakan, isagoo ujeedada qoraalka uu ku socodsiiyay ciwaan uga dhigay [ERIS] oo ah eray luuqad ahaan adag, marka loo eego nidaamka maamulka wanaagsan.

Waxa uu Chief of Cabinet-ka Madaxtooyadu ku wargeliyay in shaqadii lagala noqday. “Shaqadii aad u haysay madaxtooyada way kaala noqotay, waanad u madaxbanaantahay inaad shaqo kale raadsato.” ayuu Xirsi ku yidhi qoraalkiisa.

Dhinaca kale, sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, waxa uu gacan ka hadal dhex maray Yaasiin Nuur Mooge oo ka mid ah saddexda nin ee shaqada laga joojiyay iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada, kuwaas oo isku maandhaafay nidaamka shaqada looga joojiyay, waxase markii dambe kala dhex galay laba nin oo goobtaas ku sugnaa. Yaasiin, ayaa la sheegay inuu dalbaday in haddii shaqada laga eryay la siiyo xuquuqdiisii, taas oo keentay in muran adagi dhex maro isaga iyo Xirsi.
Qaar ka mid ah baraha Internetka Somaliland ayaa qoray in Xirsi Cali Xaaji Xasan, mindi yar oo la socota qalabka xafiisyada ula soo baxay Yaasiin Nuur Mooge, markii uu hadalku ka taagtaagmay, laakiin noomay suurtogelin inaanu Xirsi Cali Xaaji Xasan, dhinaciisa wax ka weydiino arrintan.

Ma jirto wax asbaab ah oo uu masuulkan madaxtooyada ka tirsani u adeegsaday shaqo ka joojinta muwaadiniintan, lamana oga in arrintani salka ku hayso waxyaabo kale, maadaama oo aan si rasmi ah loo cadayn sababta ay saddexdan muwaadin shaqadooda ku waayeen.
Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby Rightwing » Sun Aug 22, 2010 10:04 am

:lol: @ luuqad kakan.....luqada sangadhuudhiga

Btw. be carful, Hadhwanaagnews is ciyaala suuq website.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby Siciid85 » Sun Aug 22, 2010 10:09 am


User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby Rightwing » Sun Aug 22, 2010 10:11 am

It's not only in hadhwanaagnews it's also in other websites.



http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62


Qarannews waxaa iska leh Cawil. :lol: :lol:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby Siciid85 » Sun Aug 22, 2010 10:14 am

How about this 1 kana ma cawill ba leh? :lol: paranoia at it's best. :lol:

http://www.togdheernews.com//index.php? ... 0&Itemid=1

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby Rightwing » Sun Aug 22, 2010 10:17 am

How about this 1 kana ma cawill ba leh? :lol: paranoia at it's best. :lol:

http://www.togdheernews.com//index.php? ... 0&Itemid=1


togdheernews and oodweynenews :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby Siciid85 » Sun Aug 22, 2010 1:57 pm

Cheif of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi oo Maanta Qaar Ka Mid Ahaa Shaqaalaha Qasriga Middi Ku Dareeriyey iyo Fadeexadaha Ku Xeeran


http://www.togaherer.com/2010/08/21/che ... ku-xeeran/
Last edited by Siciid85 on Sun Aug 22, 2010 2:01 pm, edited 1 time in total.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby The_Emperior5 » Sun Aug 22, 2010 1:58 pm

well done :up:

koohi
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 368
Joined: Sat Aug 01, 2009 6:02 pm

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby koohi » Wed Aug 25, 2010 9:47 am

Midiyo daab leh buu sitaa,

halbow-laha kaa marshaa,

Micida waa loo dhintaa,

Masiibadu waa jirtaa.

:clap: :clap:

User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madaxtooyada ka ti

Postby KyrieJama » Wed Aug 25, 2010 10:02 am

reer burco weligood tooriyaasha ma dhigaan ilaa silanyo ba sita jammac waal are crazy :lol: Waxaa maqli doontan iyagoo wufud calami toori ku aasay lol


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests