Page 1 of 2

Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 1:15 pm
by The_Emperior5
Ismacil xayd aflow
Cali jamac haabil
Muxummad libaan jadeer
Suldaan tima cade
Dharbaaxo jin

In that particular order


Do you guys agree

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 5:12 pm
by Phd in naago kudis
cali jamaac habeel......for putting da mad mullah in his place...........da danyeernimo in him was trully and well visible...... :up: 8-)

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 5:20 pm
by Runloow101
Ismacil xayd aflow
Cali jamac haabil
Muxummad libaan jadeer
Suldaan tima cade
Dharbaaxo jin

In that particular order


Do you guys agree
1.Ismaaciil Afloow
2. Cali Jaamac Haabiil
3. Muxumud Liibaan jadeer
4. Cumar Australia
5. Timacadde or Yuusuf Cabdalle Muuse

Dhirbaaxo was a light weight compared to Jabaabbiirtaas.

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 5:32 pm
by HooBariiska
cali banfas :up: :up: :up:

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 5:32 pm
by The_Emperior5
cali banfas wali wuu noolyahay

here is a pic odayyaro hindi ah baad mooda

Image

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 5:47 pm
by HooBariiska
i met him @ hargeisa last year, i saw this gabay he did about modern culture, weliba weddings and stuff, very powerful gabay...i've been searching for it

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 5:54 pm
by Khalid Ali
yeah he is a very talented poet cali banfas he was arrested By Siad bare

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 8:19 pm
by ToughGong
Cumar Australia

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 9:27 pm
by The_Emperior5
The habarawal Cali jamaac haabil is leading with four votes dharbaaxo jin one aflow one

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Tue Aug 24, 2010 10:12 pm
by grandpakhalif
Dharbaaxo Jin :clap:

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Wed Aug 25, 2010 11:39 am
by The_Emperior5
cali jamac leading so far

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Wed Aug 25, 2010 11:50 am
by abdalla11
Dharbaaxo Jin :clap:
:lol:

Emperior is a fool for not disowning him kulaha 'so what if i am a magan for marexaan' :lol:

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Wed Aug 25, 2010 11:55 am
by The_Emperior5
Waa gabaygii Maxamuud M Yaasiin (Dharbaaxojin) ugu Jaaabay Khaliif Madhuudhyooday
Nimuu miriray maankii qalbiga mohoraddii nuurta
Oo masaxan Quraanbaan u marin magane waa yaabe
Adoo deel micnaha uga waduu miim akhriyayaaye

Allaa Maaliga buu xuskii muran ka keenaaye
Marinkaad tustaabuu derbiga madaxa saaraaye
Magacaaga hadalkii xunee mirir ku reebaaya

Dib baa looga maagaa intaan uunku kaa maqalle
Mar hadduu magaalada dhexgalo xaalku kaa murugye
Allaa Maaligee gabaygi waa kaa maroorsamaye

Aduunbaa is maax dumiyayoo ceeb u soo mudhaye
Aduunbaa sirtiinnii mutuxay aad maldahayseene
Maqashiisay aadmiga inaad maanta jilicdeene

U miyiri wax badan waanigii maandhow ku lahaaye
Waanigii maslaxadiinna wadey maalin iyo Leyle
Musuqmaasuq ruuxii bartaan waano kaa maqalle

Waydinkii intii madax madow simay majeerteene
Waydinkii Malyuumaadka ruux sheegtay midhihiiye
Waydinkii is moodmoodi jirey sida Maraykaane

Ayaa muruqi aad sheegaysiyo kaa masaxay xoogga
Durba yaa mataanaha ku jaray kuguna maansooday
Durba yaa Muwaashiga la raro magane kaa yeelay
Sidii oori maamuus lahoo joogta milaheeda

Oo mudanahedii la diley qaylo laga meerye
Durba muusanaw iyo tollaay xaalku kaa mudaye
Macaruuf inaad naga heshaan haw malaynina'e
Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye

Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Macne maleh adduunyada ninkay soori malagtaaye
Majeerteen haddii aad tihiin maydhe sharaftiiye
Maamuusna waa kala tagteen maanta dabadeede

Magtiinuna inay naaqus tahay miinka laga sheegye
Maaddiinna uunbaa beryahan laysla marayaaye
Gumeysiga madow iyo markaan Moosko dirirayney

Markay Warsaw Miiggii cirkiyo keentay Minawaarro
Marsadii Berbera iyo illaa marinka Haadaamo
Yaa Maali-jirayeey markay ciiddu murugootey

Nin waloo mucaaridi markuu dan u muraaqooday
Waydinkii cadaawii na miray gees la soo maraye
Waydinkii mashiinnada gubiyo madhixi noo yiille

Waydinkii masaakiiinta iyo laayey maatada'e
Asalkiinnu meeshuu ahaa waydinkii maraye
Waydinkii matuuxsaday wallee meheraddiiniiye

Seyidkii midhkuu sheegi jirey maanta la ogaaye
Mabda' nimaan lahayniyo la barey Maxay-Saleebaane
Inse maqnaanshihiinnii la tebey haw malaynina'e

Micne dawladeed iyo qabiil kala mid weeyaane
Haddaan Diini magantiisa nahay ama Mariixaanba
Nama midab-gumeystee xaquu noo Mitiriyaaye

Waxan nahay mataaniyo dad aan kala maqnaanayne
Mid uunbaa wax maamuli lahaa labada meeloode
Haddaanse mawd i helin taasi waa mehered ii taalle
Kuuma muuqatee tiinnanaa muran ka joogaaye

Murtadkiyo Amxaaraha anaga kabaha noo maydha
Allaa Maaliga ee waydinkaa mooyahaw tuma'e
Muslinnimona waa kala tagteen Macatab mooyaane

Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Macna maleh aduunyada ninkii muran la joogaaye
Maskax-xumada iyo caydu waa meheraddiiniiye
Iidoor marduuf qaad ah helay kaa martabad roone

Intay sharafti maydheen Kufriga uma miciinaane
Calankii maqnaa iyo Dhulkii Saynka may marine
Ma martiyin amxaarada siduu yahay Majeerteene

Moxog diirayaa iyo Hawiye Muufa dubayaaba
Waa niman masuul qaadi kara magacna kaa roone
Habar Gidirta Mudug joogta iyo Sacadka aad maagtay

Murursadiyo Caydhiyo Abgaal mudane weeyaane
Waa niman halkaas aad marteen maro ka saarnayne
Waa niman midnimadooda jecel midhaha Soomaale
Waxba hays marmarin waa dad aan kula masoobayne

Ugaadeen dhulkiisuu mulkiyey kii malgaad tahay
Ma ay mooga ceebtaad shalay ugu miciinteene
Waad mala habowdaye ayaga ma aydun maagteene

Madfac bayba kula goobayaan meel fog kaa dila'e
Ninkiise marinka seegaa khalqiga ways miyiriyaaye
Idinkuna majeerteen shafkaad soo mutuxaysaane

Wixiinuba macaac kama duwana lala mashquulaaye
Kuwanaan bahday moodayiyo muranku waa beene
Ninka Moosko joogaad tahee muusanow kicinne
Hartinnimadu meeshay ahayd waydinkaan marine

Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Soomaali waa mide waxaanad meel u kala geynin
Waxanad magac qabiil iyo hayaay ugula meeraysan
Waxanad mudanayaalbaa la diley noo maqmaqashiinnin

Mabda'iina waan wada ognahay aad maldahaysaane
Macaruuf inaad naga heshaan haw malaynina'e
Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye

Inkastood colaad maamushood wax is mihiibsiiso
Inkastood kufriga Moosko iyo Minilik soo raacdo
Inkastoo hub magac weyn leh iyo miigba lagu siiyo

Inkastaad magaalada qandala oohin kula meerto
ma adaa malkada caabudwaaq miig ku tegi doona
Sow inaan mataanaha ku jari miinka kuma taalo

More lagu gartiyo midu ku yaal magaca saynkoodu
Mawluhu ma soo rogin Illeen calan majeerteene
Nacasnimada maarowdey waa meheradoodiiye

Waxan mudannay maamuus-darriyo ceebti lagu maydhay
Qabiiloyinkays madhiyey iyo meydki tira beelay
Wixii geesi magac wey lahaa dhiiga laga miiray

Dhulkii deyrka lagu meeriyee laysku mari waayey
Anaa mahan leh meeshaas ha degin murugadii joogtey
Masuulkaba ninkii looga dhigay maamulkiyo ciidda

Meydkii rashiid ee la yidhi Mudug ha loo qaado
In xabaashi maal loogu gaday cidi ma moogayne
Nin maqliyo nin meeshaba fadhiyey midhaha soomaali


Mudaniyo marwaba maalintaa laga madoobaaye
Intaasaa mataal noogu filan meheraddiinniiye
Muraadkaa ku toos Awgayoow hay makeekiyine

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Wed Aug 25, 2010 11:57 am
by The_Emperior5
Miinka gabay murtida xooggaliyo maayado is jiidha
In dhaweydba moorada sunta leh moorka kama goyne
Mar haddaan Madaafiic rakibo mur iyo waabay leh


Midha-yariyo beyd-gaabku waa inay maleegataane
Bal an mariyo maansadan tirshaa madhaxgal weeyaane
Duqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin guba'e


Nin maroodi daandaansaday oo maanla' baad tahaye
Masalooyinkaygii haddaan kugu dul miisaamo
Miridh bay naftuba kaaga bixi magac xumaaloowe


Waxad moodi inuu Moodhi-kaar guudka kaa maray'e
Waranse meel xun laga ridey dibbuu kuu makalayaaye
Wallee murugo eebbaa u deyey maxay-saleebaane


Adigay nin miinkaba yaqaan kugu mataaleene
Way kuu mashxaradeen markaad soo macaaac tidhiye
Hudheellada waxay marinayeen timi mijiibtiiye


Dukaamada Mullaaxa gaday orod ku miiseene
Malaayiin cajaladood ayay soo malmaliyeene
Markii aan madaafiic ku ridey mur iyo waabay leh
Iminkay madluun ooyayaan maalin iyo leyle


Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey
Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso
Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey


Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo
Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo
waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye


Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye
Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay'e
Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye


masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine
ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene
Adigana inaan kula murmaa way macno la'aane


Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene
Mindise lagugu gawraco adaa miiska soo dhigaye
Adaa soo macaa yidhi sidii maalintii hore'e


Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha
Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso
Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda


Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe
Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye
Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne
Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e


Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye
Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne


Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay


Waase meheraddiinii inaad naago murantaanne
Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday
Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday


Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay
maroongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo
Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh


Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane
Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle
Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey


Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye


Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga
Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa'iikh ah
Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay


inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo
Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye
Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye


Malaa'iigta Eebbiyo(SW) inaan Maxamed(CSW)caayayno
Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba
Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin


Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka
Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye
labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine


Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye


Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye
Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey


dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye
Magaadiyo xabuushaad is tidhi meel u kala qaade
Maangado abaariyo dirri baad maax ka qodaysaaye
Geel baad maqaarka u sidaa midhi ka dhiiqayne


Afartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyey
Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo
Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye


Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba
Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey
Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe


Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay
Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase
Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye


Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne
Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene
Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne
Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen'e


Nebi Muuse tii soo marteed adu ka maahmaahday
Miskiinyohow midhaa tidhi adaa taagan marinkiiye
Doqonbaan abaalkiisa marin ka u miciin fala'e


maxamuud saleebaan markuu deyrka kugu meershey
Markuu mahurtadiiniyo ninkii magac leh laynaayey
Lixdan wada maqaaqula markuu joogey madaxiinna


Magta Cali Saleebaan kuwiii muujiyaan nahaye
Wabeeneeye miidhi u qabay guday markiisiiye
Ina kaarshe wuxu maagganaa maanta wuu helaya


Mabda' iyo ujeedadu lahaa iyo malihi suurowye
Miinshaar afdaran buu la helay maxay-saleebaane
masaal derejo weeyaan hadday midha ku dhaameene
Iminkay mashxarad iyo xarrago suuqa marayaane


Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye


Abtirsiin mudhaa toosan oo meel san laga uumay
Oo muuminiintii hore iyo maxamed(CSW) gaadhaysa
Haddaad midhah aw Jeberti iyo miidha tahay Haashim


Mingistiyo umaydnaan gasheen gaala madowdaase
Maatidiinna gawraca Amxaar kuma marsiiyeene
Keligiin kamaydnaan mudheen midhah soomaale
Minka faalka Moorada cirka iyo giganahaa muuqda


masaloba markay kuu baxdaa laga macaashaaye
Marag maleh minhaajkana la waa meelad kaga taalle
Hartigaad is mooddiyo ma tihid midhaha Daaroode
Asalkiinu meeshuu ahaa waydinkaa maraye

Re: Habarawal top 5 best poets

Posted: Wed Aug 25, 2010 12:08 pm
by abdalla11
He's still defending nin yiri magan baan nin kale u ahay, war grow a pair and stop defending nin dadkiina nin kale hoos dhigay