Jabuuti oo Dekad Cusub Dhisaysa, Itoobiya oo u Wareegaysa iyo Saamaynta Ay Somaliland ku Leedahay
Written by Hargeisastar
Aug 24, 2010 at 06:25 PM
Jabuuti,(Hargeisastar):- Dalka Itoobiya ayaa aad ugu han weyn inay sii kordhin-yaan wax dhoofinta iyo wax soo dejinta, iyaga oo ilaa hadda adeegsada dekedda dalka Jabuuti, sidaa darteedna Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti,waxay isu diyaarinaysaa inay dekad cusub ka dhisto magaalada xeebta ee Tadjoura si ay u daboolaan adeegga uu u baahan yahay waddanka la deriska ah ee Ethiopia oo iyagu aan lahayn biyo badeed. Taasoo laga shaki qabo inay saamayn muuqata ku yeelato Dekadda Berbera ee Somaliland oo Itoobiya waxyaabaha qaarkood uga soo degi jireen.
“Si aan u fulino dalabaadka deriskeenna gaar ahaan wax soo saarka beeraha ee Ethiopia oo isa soo taraya. Sidaa darteed dekedda cusb waxay fulin doontaa dhammaan adeegyada looga baahan yahay wax dhoofin iyo soo dejin, marka laga reebo xamuulka kontaynarada iyo shidaalka oo iyagu ku koobnaan doona dekedda Dooraaleh.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha maamulka Dekadaha Jabuuti Aadan Axmed. Sidoo kale waxa uu sheegay Aaden Axmed Ducaale, Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha Djabuuti iyo Suuqyada Xorta ah, Dekedda Tadjoura waxa laga fulin doonaa adeegyada rarista iyo soo dejinta bagaashka, xoolaha nool, raashinka iyo daawooyinka bacraminta loo isticmaalo.
Tallaabadan mar kale waxa lagu shiiqinayaa cid kasta oo tartan ku la jirtay dalka Jabuuti si ay ugu adeegaan Ethiopia. Mudane Ducaale oo ka hadlaya arrinkaa waxa uu yidhi; “Ethiopia waxa ay tahay dal aad u weyn isla markaana ah tan ugu weyn macaamiishayada sida darteed waxaanu u fidinaynaa adeeg ka tayo roon kii hore iyo deked cusub oo fududaysa sidii loo dabooli lahaa baahidooda.” “Qorshahayagu waxa uu ku salaysan yahay baahida dalka Ethiopia, ayuuu sheegay Mudane Ducaale isaga oo ku ladhay, ”dhowaan waxaanu ku xisaabtami doonaa in aannu u adeegno dad ka badan boqol malyuun oo qof kuwaas oo aanay ku filnayn deked keliya.” Ayuu hadadlkiisa raaciyey Mr. Ducaale.
Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa muddooyinkan dambe waxa uu si weyn u soo jiitay maalgashiga dalalka hodanka ah sida Gacanka Carbeed, waxaana la filayaa maalgelinta dekedda cusub ee Tadjoura laga dhisayo in ay ka qayb qaadan doonaan Sanduuqa Maalgelinta ee dalka Kuwait iyo Baanka Horumarinta Afrika.
Hargeisastar




