Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The Youngest Ambassador For Somaliland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

The Youngest Ambassador For Somaliland

Postby LiQaaye_TDH » Sat Aug 28, 2010 6:40 am

Image

Xukuummada Somaliland ayaa u magacowday Wakiilkii ugu da’a yara Maxamed Xasan Siciid inuu Somaliland u fadhiyo Magaalo Madaxda Dalka Ethiopia ee Adis Ababa.

Maxamed Xasan Siciid

Magacaabista xilkan ay Xukuummada Axmed Siilaanyo shalay Digreetada ku soo saartay ayaa guud ahaan waxa soo dhaweeyey dhalinyarada Somaliland, kuwaas oo Dawlada uga fadhiyey inay xilal u magacowdo.

Maxamed Xasan Siciid oo ah wiil dhalinyaro ah oo aadna u fir-fircoon ayaa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews na la soo xidhiidhay si ay wax uga weydiso dareenkiisa, iyo sida uu u rako xilkaasi loo magacaabay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waan ku faraxsanay xilkan cusub ay Xukuummada Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ii magacowday, xilkan iyo mid ka sii sareeya-ba waan filanayey, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu I fududeeyo xilkaasi, waxaanan leeyahay dhalinayarada xilkan la ii magacaabay waa Boos-kii dhalinayarada, qaar kale-na waa loo magacaabay ee igu garab-gala si aan wax badan uga midho dhaliyo”

“Markii xilka la I magacaabay marna waan naxay, marna waan farxay, waayo xilku waa wax culus waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu I fududeeyo, ummada waxaan leeyahay gaar ahaan dhalinayarada waa inay I garab is-taagan wixii tallo iyo tusaale ahna I soo gudbiyaan anna waan la shaqeynaya”ayuu yidhi Maxamed Xasan Siciid.

Maxamed Xasan Siciid waxa uu bartay sharciga iyo xidhiidhka caalamiga ah, isaga oo xilal kala duduwan ka soo qabtay hay’adaha maxaliga iyo kuwa ajanabiga ah-ba, waxaanu ka mid yahay dhalinyarada fara ku tiriska ee asaastay Dallada Midowga dhalinyarada Somaliland ee [SONYO], isaga oo noqday guddoomiyihii u horeeyey ee daladaasi,
Sidoo kale, Maxamed Xasan waxa uu noqday sarkaal sare oo ka tirsan madaxda hay’ada HANDI-CAP International, waxa kale oo uu madaxda sare ka soo noqday hay’ada IRI oo ah hay’ad mareykan ah, waxaanu tababaro siiyey Baarlamaanka Somaliland, taas oo ku saabsanayd Dawlad wanaaga [Good Governance], waxaanu aqoon u leeyahay arrimaha Diplomas-iyada iyo waxaana loo dhiibay xil ku haboon oo mudan yahay, isla markaana waxa looga fadhiyaa inuu ka midho dhaliyo hawsha loo igmaday, maadama uu sito magicii dhalinyarada tusaalena u yahay oo xilkaasi lagu tijaabinayo.

Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: The Youngest Ambassador For Somaliland

Postby Ceelafweyn » Sat Aug 28, 2010 9:21 am

How old is the dude?

He looks nearly 40 years old ........................?

regards
Ceelka

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The Youngest Ambassador For Somaliland

Postby The_Emperior5 » Sat Aug 28, 2010 12:51 pm

Ethiopia is not happy with him :lol:

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: The Youngest Ambassador For Somaliland

Postby Mr_Alfaas » Sat Aug 28, 2010 12:53 pm

Addis Ababa (Hadhwanaagnews.com)-- Iyadoo maalmahii ugu danbeeyey mad madaw uu soo dhex gallaayo xidhiidhkii u dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia ayaa shallaytoole sarkaal ka tirsan waaxda baratakoolka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia waxay ku tilmaantay wax lagu qoslo Wakiilka uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo usoo magacaabay inuu matalo xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia oo ah nin aad u da´yar oo aan haba yaraate khibrad siyaasadeed iyo mid diblomasiyadeedna midna lahayn.

Qoraal kooban oo xallay laga akhriyey telefishanka xukuumadda dalka Ethiopia ayaa ku tilmaantay arrintaasi mid layaab ku noqotay gebi ahaanba wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia isla markaana keenaysa in qaan gaadhnimadii siyaasadeed ee labada dhinac u dhexaysay si wada jir ah looga fekero.

Dhawaan ayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu u magacaabay safiirka Ethiopia Maxamed Xasan oo ah nin aad u da´yar oo ka soo jeeda Caasimadda Hargeysa isla markaana hore uga hawl geli jiray Haayad maraykan ah oo lagu magacaabi jiray International Republican Institute.

Maxamed Xasan ayaa wuxuu ka mid ahaa da´yartii kacday 90-naadkii isla markaana waxbarashadooda ku qaatay dalka gudahiisa, Magacabista Maxamed Xasan ayaa loo arkay in ay calaamatul su´aal u tahay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee muddada dheer u dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia oo imika xaaladiisu mad madow badani uu soo gallay isla markaana ay tani ahayd farriin uu Axmed Siilaanyo u diraayey Addis Ababa si uu hoos ugu dhigo xidhiidhka labada dhinac


Maxamed Xasan ayaa xilka Wakiilka Ethiopia wuxuu kala wareegi doona Safiir ruug cadaa ah oo hore dawladahii hore ee Somaliland iyo Soomaayaba uga ahaan jiray dalalka Canada iyo Nigeria

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Hadhwanaagnews, London

:lol: :lol: :lol:

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: The Youngest Ambassador For Somaliland

Postby Mr_Alfaas » Sat Aug 28, 2010 12:54 pm

Ethiopia is not happy with him :lol:
war kani safiir safiirbuu u egyahe...ahahaha.... :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests