Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland Berbera 11 Billion income so far

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland Berbera 11 Billion income so far

Postby The_Emperior5 » Sun Aug 29, 2010 3:31 pm

Kastamka Magaalada Berbera oo Muddo ka Yar Bil soo Xareeyey Lacag ka Badan 11 Bilyan
Berbera (Jam)- Kastamka cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Berbera, ayaa muddo bil ka yar oo masuuliyiinta loo magacaabay xilka hayeen soo xareeyey lacag fara badan oo la sheegay inay ka badan tahay 48 kun oo dollar.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) mar uu toddobaadkan xafiiskiisa ugu waramayey wariye Jamhuuriya ka tirsan oo booqday, isagoo sheegay in muddo labaatan maalmood ah kastamku qabtay lacag dhan 11 bilyan, 4 milyan iyo saddex boqol iyo dheeraad kun oo shillinka somaliland ah, isla markaana noqonaysa dollar ahaan ku dhawaad kunton kun oo dollar, taas oo uu xusay in aanay laamaha kale ee cashuurta ee gobolku.

“Waxaan aad u hambalyeynayaa Kastamka Wasaaradda Maaliyadda hawsha wayn ee ay qabteen oo runtii iyagoo waxaan ka badnayn muddo labaatan maalmood ah Berbera lacagta ay hayaan markii aan soo kormeeray ay maraysay 11 bilyan iyo 4 milyan iyo saddex boqol iyo dhawr iyo sodon kun, oo dollar ahaan noqonaysa $48 kun oo dollar iyo siyaado, taas oo aanay ku jirin laamihii kale ee Wasaaradda Maaliyaddu, waxaana taa keentay wada shaqaynta iyo habsami u socodka shaqada dawladda ee gobolka ka jirta,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Ramaax.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay qorshihiisa maamul oo uu sheegay inuu ugu horreysiiyey sidii uu iskugu xidhi lahaa laamaha dawladda ee gobolka oo uu tilmaamay in aanay hore iskugu xidhnayn.

“Saaxil waa gobolka ugu dhaqaalaha badan gobollada Somaliland, runtii in haddana la yidhaahdo waa gobolka ugu dib-u-dhaca badan cid kasta oo reer Somaliland ahi way la yaabaysaa oo ma qaadan karaan, taana waxa keenay maamulladii hore, waayo haddii aannu qofku garanayn wax uu qaban karayo inuu isagu qabto oo uu cid kale ka sugo oo shillinkii meesha ka soo baxayeyna aan khasnadii dawladdana lagu ridin meel aan ku munaasib ahayna lagu bixiyo waa dhibaato.

Waxaan qabaa in aan Berbera horumar degdeg ah gaadhsiin karo ka badhasaab ahaan, aniga oo ku shaqaynaya iskaa wax-u-qabso, inkasta oo ay iminka tahay Ramadaan haddana waxaannu dadka u sheegnay in habeen kasta 7 ilaa 10-ka aannu magaalada xashiishka ka ururino ama nadiifino magaalada. Waxaan soo rogay in la shaqeeyo 7 subaxnimo ilaa 1:00 maalinimo, waana la qaatay oo dadkeenu waa dad wanaagsan oo amarka qaadanaya,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan booqday cusbitaalka Waalida oo caawimo yar oo la siiyo mooyee kaalmo kale helin, iminka waxaan u qoray afar qof oo shaqaale ah oo nadiifiya maalin walba, si caafimaadku u horumaro.

Markaa Waxaan qabaa in waxyaabo badani ii hirgaleen, inta kalena ay ii hirgeli

doonto.”

Mar uu ka hadlayey dekadda Berbera iyo xilligan hawlaheeda, waxa uu yidhi, “Waxaan soo kormeeray dekadda sidii hawlaheedu u noqon lahaayeen qaar hufan, maamulkii joogayna (kuwii la beddelay) waanu ka wadahadalnay inuu moosinkii Xajku bilaambayo, isla markaana bad-furankii imanayo oo dekaddu culays badani fuuli doono, sidaa darteed in loogu talogalo qaabkii looga faa’iidaysan lahaa, waxaannu isla gaadhnay in koontiinarada madhan dibada loo soo saaro oo barxada hore ee bannaan la dhigo iyo in loo fududeeyo dadka dekada wax ka cashuuranaya oo dhibaato badan ku qaba oo ah ta keentay in had iyo jeer ganacsatada Somaliland ku cararto meelo kale.”





Jamhuuriya Online

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests