Page 1 of 1

Possible new agreement about the Berbera coridor

Posted: Thu Sep 02, 2010 1:49 pm
by The_Emperior5
Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay Inay Dib-u-eegis ku samaynayso Heshiiska Lagu Hirgelinayo Jidka Isku Xidha Berbera iyo Itoobiya


kuwaas oo ay ku jiraan heshiisyada dhinaca badda khuseeya iyo heshiiska Itoobiya lala galay ee ku saabsan mashruuca Berbera Coridor oo mid la doonayo in lagu hirgeliyo ...

Hargeysa (GNS)-Xukuumadda Somaliland, ayaa caddaysay inay dib-u-eegis ku samayn doonto heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ee Berbera Coridor oo ah mid lagu dhisayo waddo isku xidha Berbera iyo Itoobiya, mashruucaasi oo Midowga Yurub maalgelinayo.

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay in aanay ku qanacsanayn heshiisyada xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale la gashay shirkadaha madaxabannaan iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kuwaas oo ay ku jiraan heshiisyada dhinaca badda khuseeya iyo heshiiska Itoobiya lala galay ee ku saabsan mashruuca Berbera Coridor oo mid la doonayo in lagu hirgeliyo jid isku xidha dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya.

Inkasta oo aanay xukuumaddu war rasmi ah ka soo saarin sabaha keenay in dib-u-eegis lagu sameeyo heshiisyada xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin gashay, haddana wasiirka kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo u warramayey shalay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, ayaa daboolka ka qaaday inay dib-u-eegis ku samaynayaan heshiiska Berbera Coridor, isagoo xusay in heshiisku dhigayo in dib-u-eegis lagu samayn karo markasta oo loo baahdo, basle wasiirku muu caddayn qodobadda ay xukuumad ahaan ku saluugeen mashruuca lagu dhisayo jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya.

Waxa kaloo wasiirku sheegay inay dib-u-eegis ku samaynayaan heshiisyada kalluumaysiga ee xukuumadii madaxweyne Rayaale la gashay shirkadaha kalluumaysiga ee badda lagu sii daayey, isaga oo xusay in wasaaraddiisu guddi u saartay dib-u-eegista heshiisyadaas.

Wasiirrada xannaanada xoolaha iyo maaliyadda Dr. Axmed Xaashi Oday iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa iyaguna hore uga dhawaajiyey xukuumaddu dib-u-eegis ku samayn doonto heshiisyada TOTAL iyo Al-jaabiri, iyagoo ka dhawaajiyey in loo yeedhi doono masuuliyiinta shirkadda TOTAL iyo Maxjarka Al-jaabiri si wax looga weydiiyo heshiisyada ay xukuumaddii hore la galeen.



Jamhuuriya