Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

ex finance minister Awil oo furta tuuray

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

ex finance minister Awil oo furta tuuray

Postby Rightwing » Wed Sep 08, 2010 7:31 am

Elsewhere it has been reported that Awil have said. Ma haboona in Maxamed Xaashi magcaabo gudi soo baadha 26kii million ee daynta ahaa siday ku baxday.Waa iska caadi ayuu yidhi Awil :lol: even, Obama inherited deficits from Bush administration :lol:
Cawil wuxuu ilaabay in America waa la ogyahay dollar waliba meeshuu galay, halka wasaarada Somaliland 2000 shilling oo keliya la helay wax reciept ah. 26 million la ogayn meelay ka baxday.


RW

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: ex finance minister Awil oo furta tuuray

Postby LiQaaye_TDH » Wed Sep 08, 2010 7:49 am

Sheekadiiso waa ha ii Daba gelina :lol:

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda xukuumaddii talada lagaga guulaystay ee UDUB Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa masrixiyad iyo kalsooni-darro ku tilmaamay shir-wadareed ay si wadajir ah saxaafadda ugula hadleen Isniintii toddobaadkan toddoba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Md. Cawil waxa uu sheegay sababta wasiirradaasi tirada intaa le’eg isugu garab-fadhiisteen u muuqato kalsooni-darro haysa, balse ay ahayd in wasiir waliba si gooni ah uga waramo wasaaraddiisa iyo waxqabadka uu soo kordhiyey. Waxaannu is barbardhig ku sameeyey qaabkii wasiirradii xukuumadda Rayaale ee uu ka tirsanaa warbaahinta ula hadli jireen iyo sifaha toddobadaas wasiir ee xukuumaddan cusub u hadleen oo uu ku tilmaamay qaar kala fog.

“Wasiirradii xalay (habbeen hore) halkaa fadhiyey waxaan u arkay inay masrixiyad inoo sameeyeen, riwaayad oo kale, waxa weeye wasiir walba waxa loo baahan yahay inuu kelidii hadlo oo uu ka waramo wasaaraddiisa iyo wixii uu u kordhinayo, toddoba wasiir baa isa soo ag-fadhiistay oo aad moodaysay inay kalsooni-darro tahay, waayo dawlad baanu ahayn shan wasiir marnaba may fadhiisan jirin (shir jaraa’id wada qaban jirin),” ayuu yidhi Xuseen Cali Ducaale oo waraysi siiyey Warbaahinta.

Mr. Cawil waxa kale oo uu ka hadlay natiijada ka soo baxday guddi Wasiirka cusub ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi u saaray dayntii uu isagu hore uga tagay, taas oo ay sheegeen in aanay waxba ka jirin.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dawlad weliba waxay ku wareejisaa xukuumadda cusub dayn, dawladda Maraykanka haddaynu eegno Obama waxa uu Bush ku ku wareejiyey lacag aan la sheegi karin, dawladuhuna daynta way isku wareejiyaan, dawladnimada ayaanay ka mid tahay.

Waxa Maxamed Xaashi ka khaldan daynta waxa loo galaa waa qara, afar doorasho ayeynu galnay, Laascaanoodna waynu gaadhnay, diiwaangelintii bariga waxa nagu soo hagaagay doorashadii u dambaysay oo ugu yaraan halkii laba malyuun iyo badh doollar qaybteenu ahayd, waxay nagu noqotay saddex malyuun iyo dheeraad.”

Wasiirkii hore ee Maaliyaddu waxa uu ku dooday in xukuumaddii uu ka tirsanaa ay ka tagtay nidaam dawladeed iyo dal dhammaystiran, isla markaana sharaftu ku jirto in dawladda cusub halkaasi ka sii wado, “Dawladdan waxa laga sugayey oo sharaftu ahayd dawlad baanu annagu ahayn dalka halkaas ayaanu soo gaadhsiinay, waanu isku haynay, ciidan maanta aynu ku faani karno ayaanu dhisnay, maamulku ma dhaafi jirin Burco, laakiin Laascaanood ayaanu dhaafinay.”

Xuseen Cali Ducaale, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyey in haddii uu iska ilaaliyo nidaamka beelaha, si uu ugu guulaysto talada dalka, waxaannu yidhi, “Dalalkan Afrikaanka ah ama innagaba hawsha culus ee u taala ee loo baahan yahay si geesinimo leh inuu u waajaho waxa weeye inuu beesha uu ka soo jeedo iska xakameeyo oo aan loo aanayn oo culays wayni kaga imanayo, waanu ku dooranay, wax baanu kuu qabanay ee waa in aad naga aqbashaa, waa in aad wax noo dhiibtaa, haddii taa uu iska xakameeyo waxaan qabaa inuu wax badan oo kalsooni ah uu helayo, hawshuna u fududaanayso,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhau wasiirkii hore Maaliyaddu

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: ex finance minister Awil oo furta tuuray

Postby Cali_Gaab » Wed Sep 08, 2010 8:00 am

This guy is a clwon i swear :lol: :lol: :lol: :lol:

His whole excuse is 'Bush left office with a large amount of debt that Obama has to care of'.....' there's no difference between the debt left behind by UDUB and the debt left behind by the Bush admin' :lol: :lol: :lol:

He only claimed they spend three and a half million on doorashooyinka which is still 16 and a half million short :lol:

Waxaas ayaa rabba inuu xisbiga UDUB uu taliyo iyo madaxweynaha Somaliland noqdo :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests