Ceerigaabo(Oodweynenews) Iyadoo kaddib gudashadii Soonka Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ay maanta ahayd maalin si isku mid h looga wada ciidey dhammaan daafaha dunida ee Muslimiintu ku sugan yihiin ayaa subaxnimadii hore si aan kala hadh lahayn waxa dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay ay u dareereen fagaaraha garoonka kubbadda cagta (Daalo Stadium) ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay ku tukadeen Salaaddii Cuudul-fidriga.

Dadweynaha halkaas isugu soo baxay oo ay salaaddaas kala qayb galeen Maayorka degmada Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo isagu safar muddo dheer qaatay oo uu ku tegey caasimadda Somaliland ee Hargeysa islamarkaasna xukuumadda cusub ee Somaliland mar kale usoo magcawday guddoomiyaha gobolka Sanaag kaddib laba habeen ka hor soo gaadhey Ceerigaabo ayaa gaar ahaan haweenka iyo carruurta da’yarta ah waxa ka muuqatey bilicda iyo dhalaalka midabbad kala duwan ee huga ay xidhnaayeen, iyadoo intaas ay usii dheerayd ray-raynta iyo farxadda carruurta yaryar oo laga maqlayey dhawaaqyada kala duwan ee waxyaabaha ay ku cayaarayeen.

Kasokow culimadii fagaarahaas takbiirta iyo wacdiga ka jeediyey ayaa waxa kale oo fagaarahaas dadweynaha kala hadlay Maayorka Ceerigaabo oo hadal kooban oo hanbalyo iyo duco ah halkaas ka yidhi iyo Badhasaabka gobolka Sanaag oo isaguna dhiniciisa dadweynaha usoo jeediyey waano iyo talooyin la xidhiidha in ay isku duubnaadaan oo wanaagga ka shaqeeyaan islamarkaasna aanay isugu gargaarin xumaha siiba dhiigga iyo magaha iwm, sidoo kalena halkaas hanbalyada ciiddan iyo duco farabadan guud ahaan bulshada Somaliland iyo gaar ahaanba gobolka Sanaag uga jeediyey.

Dhinaca kalena dadweynaha kale oo salaadda kaddib saxaafaddu makroofoonka la dhex qaadday ayaa iyaguna dhinacooda hanbalyooyinka farxadda ciiddan oo kala duwan hawada isaga tebinayey.

Guddoomiyaha Suxufiyiinta Sanaag oo ka mid ahaa dadkii hanbalyada tebinayey ayaa yidhi “Anigoo ku hadlaya magacayga C/laahi Xuseen Darwiish iyo magaca Ururka Suxufiyiinta (Sanag Media Group) ee aan guddoomiyaha u ahayba waxan ugu horrayn hanbalyo maanta u dirayaa guud ahaan ummadda reer Somaliland meel ay jogaanba iyo gaar ahaan suxufiyiinta reer Somaliland oo aan leeyahay ciiddan ciiddeeda Eebbe haydinku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo. Waxan kaloo hanbalyo u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Md-Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan ku hanbalyaynayo qaab-dhismeedka xukuumadda cusub iyo gaar ahaan dib usoo magcaabista Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo aan leeyahay bulshada reer Sanaag xukuumaddu arrintaas kalsooni badan ayay kaga kasbatay”.











