Askartii Ciidanka Qaranka ee Hargeysa uga Gurmatay Buuralayda Galbeed oo shan ka mid ahi ku dhaawacmeen
Hargeysa(Ishanews) Waxa Geeriyooday Dirawal waday Gaadhi Jaadle ah oo ku dhaacay gaadhi tikniko ah oo ka mid ahaa Toban Baabuurta Dagaalka ah oo gurmad ahaan maanta Hargeysa uga ambabaxay si ay ugu gurmadaan Ciidamo hubaysan oo soo galay Buuralayda u dhaxaysa Itoobiya, Somaliland iyo Jabuuti
Shilkaas oo aan la garanayn sida uu u dhacay ayaa ka dhacay meel u dhaw magaaladda Gabilay ayaa la sheegay inay isku dhaceen gaadhi Jaadle ah oo Xawli sare ku socday iyo gaadhi tikniko ah ay saarnaa qori Siikaawi ah iyo ciidamo, waxaanu Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Somaliland oo dhacdadan aanu ka waraysanay sheegay inuu isla goobtii ku geeriyooday Dirawalkii Gaadhiga Jaadka waday, shan Askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Qarankana uu soo gaadhay Dhaawacyo kala duwan, iyadoo dhaawacoodana loola soo cararay dhinaca Hargeysa
Dhinaca kalena waxa uu Sarkaalkaasi sheegay in ciidamadii kale ee la socday gaadhigaasi shilku ku dhacay wali ay ku sii jeedaan Buuralayda Galbeed ee Somaliland kuwaasoo la filayo inay ka qayb qaadan doonaan weerar la doonayo in lagu soo qabqabto Niman hubaysan oo Jiidaasi soo galay oo aan ilaa hada la aqoonsan.
C/raxman Osman C/laahi(Isbatore)
Ishanews Media Group
Email.expensiveman_10@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland




