Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Postby RuralMan08 » Tue Sep 14, 2010 9:26 am

Xariirad (OWN)- Xaaladda buuralayda Maar-maar iyo Libaaxyalay ee degaanka Xariirad oo ka tirsan Gobolka Selel, ayaa isu rogtay deegaan uu ka aloosan yahay xalaad degaal, kadib markii ciidammada Somaliland iyo Itoobiya oo iska kaashaanayaa ku ruqaansadeen goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaad hubaysan oo laga soo dejiyey xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda dagaalo ka bilaabmaan deegaannadaasi.

Wararkii u dambeeyey ee xalay Jamhuuriya ka heshay degaanadaasi, waxay sheegeen in ciidammada labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya oo isku dhufan loo qaybiyey agaaga ciidammadu doonayaan inay ka fuliyaan hawlgal la doonayo in lagu burburiyo kooxdan hubaysan.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in gebi ahaanba la joojiyey gaadiidka iyo dhaqaaqa jiidahaas u kala socday, iyadoo degmada Xariirad oo u jirta buuralayda kooxdaasi ku jirto masaafo aan ka badnayn 15km laga dareemayo cabsi dagaal iyo xaalad colaadeed oo cabsi ku beertay dadweynaha, isla markaana ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo ciidammo Itoobiyaan ah oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 1000 (kun askari) soo galeen gudaha Somaliland.

Ciidammada labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa adkeeyey ammaanka xuduudaha labada dhinac, gaar ahaanba goobaha laga cabsi qabo inay ka tallaabaan sida jiidaha u dhexeeya Aroorseel, Cabdiqaadir iyo Xariirad dhexdooda, iyadoo kooxdan hubaysan oo markii hore ku sugnaa buurta Maar-maar ay sameeyeen dhaqaaqyo qayb ka mid ahi ku soo galeen buurlayda Libaaxyalay oo gudaha Somaliland ka tirsan, isla markaana dhinaca ammaanka iyo dhuumashadaba kaga habboon buurta Maar-maar. Waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ciidammadu bilaabaan hawlgal dagaal oo lagu baabiiyo kooxdaas hubaysan.

Ciidammadan oo tiradoodu lagu qiyaasay 250 ilaa 300 nin, waxa xeebta ka soo dejiyey laba doonyood, iyagoo xilli habeenimo ah 10-kii bishan September ka soo degeen meesha la yidhaahdo Buulo-cado oo u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya, kadibna halkaasi ay ka qaadeen sida la sheegay afar baabuur oo nooca loo yaqaano Six-wheels, isla markaana ay ka gudbeen kantaroolka tuulada Jidhi oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Qaranku, iyada oo ciidanka qaranka ee agaasi ku sugnaa loogu sheegay in kooxda maleeshiyaadka ahi yihiin ciidan boolis ah oo la soo beddelay, iyadoo baabuurta sidayna ahaayeen kuwo la garanayo oo degaanka hore uga shaqayn jiray.

Heseyeeshee baabuurtaasi markii ay soo rogeen ciidammaddii iyo hubkii sideen, ayaa markiiba saddex ka mid ah ciidamada Somaliland gacanta ku dhigeen, kuwaas oo laba ka mid ah lagu qabtay Jidhi, halka mid kalena lagu qabtay tuulada Garba-darar.

Ilo kale oo xogogaal ah ayaa sheegaya in ciidammada Itoobiya hore uga warhayeen hawlgalkan ka hor intii aanay ciidammadani ka soo degin xeebta, kadibna ay 4 bishan September ay ku wargeliyeen maamulka gobolka Salal in ciidamadaasi jiidaasi ku soo fool leeyihiin sidaa daraadeedna laga war hayo.

Dhinaca kale, waxay xalay ciidanka booliska lagu amray inay soo qabtaan nin ku sugan magaalada Xariirad oo waraysi uu shalay siiyey Idaacadda Codka Maraykanka laanteeda Afka Soomaaliga (VOA) ku sheegay in aanay habayaraatee cid masuuliyiin Somaliland ahi jiidahaasi ku sugnayn, balse ay joogaan oo keli ahi ciidammo Itoobiyaan ahi, iyadoo uu magaalada Xariirad uu xalay ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Aaga Galbeed Col. Daahir Xudhuun.

Geesta kale, Ilo xogogaal ah ayaa Wargeyska Jamhuuriya u sheegay in ciidankan oo lagu soo tababaray dalka Erariya ay qayb ka yihiin ciidammo la oonayey inay ku biiraan dagaalka Jabhadda ONLF kaga soo horjeeda dawladda Itoobiya, kuwaas oo si gaar ah la doonayey inay hawlgalo dagaal iyo qaraxyo ka fuliyaan shir dawladda Itoobiya dhawaan doonayso inay magaalada Dhagax-buur ugu qabato qaar ka mid ah jabhadihii la dagaalami jiray oo heshiis la galay, kaas oo dawladda u qorshaysay inuu noqdo mid lagu soo afjaro dagaaladii muddada dheer u dhexeeyey jabhadahaasi iyo dawladda Itoobiya, isla markaana dib-u-heshiisiin buuxda lagu galo.

Wargeyska Jamhuuriya waxa kale oo uu helay xog muujinaysa in ciidammadani mar hore isku dayeen inay ka soo degaan xeebaha Somaliland, balse ay baaqdeen kadib markii Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ka war heshay hawlgalkaasi, isla markaana xabsiga loo taxaabay mid ka mid dirawaladii doonayey inay soo qaadaan oo waqtigan ka mid ah kuwa ciidankan lagu soo daabulay, inkasta oo aanay weli caddayn inuu ku jiro dirawalada la qabtay iyo in kale, balse sirta hawlgalan ku duugaan ayaa abuuraysa shakiyo dhinacyo badan leh, iyada oo dadku isweydiinayaan sababta hay’adaha ammaanku u ogaan waayeen ciidammada tirada badan ee sida sanqad la’aanta ah uga soo degay xeebaha Somaliland, taasi oo la odhan karo waa fashilaad hore leh oo la soo deristay hay’adaha dhinaca ammaanka u qaabilsan Somaliland.

Waa markii u horraysay inta la ogyahay ee maleeshiyaad tiradaa leegi ka soo degaan xeebaha galbeedka Somaliland, isla markaana ay labada ciidan ee Itoobiya iyo Somaliland si wada jir ah u fuliyaan hawlgan sidan u culus, inkasta oo ilaa hadda dadweynaha reer Somaliland ka shakisan yihiin cidda milatariga Itoobiya fasaxa u siisay inay hawlgalo ka fuliyaan gudaha Somailand, taasi oo dhaawac ku ah qaranida iyo karaamada dalka iyo dadweynaha Somaliland.

Jamhuuriya

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Postby Cali_Gaab » Tue Sep 14, 2010 9:36 am

Stop flooding the damn forum man. Go continue your butt clapping for others in the general section.

User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Postby RuralMan08 » Tue Sep 14, 2010 9:40 am

Stop flooding the damn forum man. Go continue your butt clapping for others in the general section.
We are all in need for some news :lol:

What happened sxb your country is being invaded and you dont even care :down:

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Postby Cumar-Labasuul » Tue Sep 14, 2010 10:23 am

A few skirmishes is hardly erupted is it now and Ruralman you really seem excited by this news, for so long reer awdal haven't seen war and now their are a few skirmishes you want make it seem like a full on war, get real son. :)

User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Postby RuralMan08 » Tue Sep 14, 2010 10:33 am

A few skirmishes is hardly erupted is it now and Ruralman you really seem excited by this news, for so long reer awdal haven't seen war and now their are a few skirmishes you want make it seem like a full on war, get real son. :)
:D :D :D

I feel like a guy who hasnt had sex for a long time. :|

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Postby ToughGong » Tue Sep 14, 2010 10:35 am

Rural you don't sound like the Rural of a couple of weeks ago, what happened?

User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Battles have erupted in Xariirad, Awdal Region

Postby RuralMan08 » Tue Sep 14, 2010 10:38 am

Rural you don't sound like the Rural of a couple of weeks ago, what happened?
I think Allah has accepted my ducaas in the last ten nights. Im not the horny xayraan man I used to be. I have decided that the life of pacifism is the best. Perhaps I will be a hermit in the future.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests