Page 3 of 3

Re: "Kite" factor - S/Land Election

Posted: Thu Sep 16, 2010 3:32 pm
by Siciid85
:lol: :lol: very comical, you need to get out of the reer dahiir marfishes in east london and explore the other parts in the world, everything doesn't revovle around Reer Dahiir shagged a camel 100 hundred years ago or what not :mrgreen: .

Re: "Kite" factor - S/Land Election

Posted: Thu Sep 16, 2010 4:01 pm
by Runloow101
War Inaader you missed my point which is that we have warriors coming of the conveyor belt. I mean I know how you feel. I find myself in your position quite often. As your aware the movers and shakers within Reer Dahir waa Reer Yusuf and I'm not so I have to play in your position often. A for your other question dee 100 years ago belongs in a musuem. What happened next is the question. Im going to show you the Reer Dahiir swagger...



Ina Gaballaax oo Reer Daahir ah ayaa Mire Gundhiddin oo Solamadow (HJ) ah u diray gabaygan uu ku lee yahay idinku malaha waad u tudhaysaane na suga intaannu saannadda u cabbaysanayno. Sida uu gabayga ku sheegay Ina Gaballaax, waxa Dayrtiiba dhacay dagaalkii Goldheero ee lagu wiiqay Reer Koombe.

Solamadow hadday Geed-Quwaax saari kari weydey
Saaqiya dusheedii haddii saaka lagu sheegay
Safarkii hadduu nooga yimi Saylac iyo xeebta
Siigada dushaasaa haddeer laga sifeeeyaaye
SanDhurwaalayaashii haddii soodhka lagu taagay
Sunta waxa la tuuryaynayaa sagalka dayreede
Iska suga Miroow idinku waa sahashanaysaane

Gobanimo

Maxamed Nuur Fadal (HJ)

Nin naftiisa biime u geshiyo bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdiyo boqonta mooyaane
Gobannimo bilaash looma helo ban iska taaltaale
Markuu gaalku buugiis ku dhigay sida biddood qaata
Ee dhalashadiinnii bedela baarranku ahaaday
Ee talada sidii ceel bir-qoda bawda laga saaray
Ee ficilka baas iyo hawadu nala buraanleysey
Abidkood dagaal kama baqaan Baha Xabuusheede
Barna lama u hadhin reer tolkay baasihii dhacaye
Billaahi iyo wacadkiina waa buuxiyeen shalaye
Ka badbaadney oo Eebahay nama belaayeyne

In yar oo dhankaa bari degtiyo boqol nin mooyane
Allaylehe burgaa yeelateen baha Magaadloow'e
Ballankii Allaa nagu furteen waadna baqateene
Buruud jabae karin boodhleh baad nagu bannayseene
Boog baad ku noqoteen Isaaq beerka kaga talle
Markay baaxadsooraha gashaad naga boqoosheene
Badnaantiini iyo xoolihii biidna tari waaye
Markay berisamaadkiyo ahayd baanisaha tooxan
Booxaalligii baa na hodey budhadhki dheeraaye
Mar haddii dagaal loo ballamo belona qiiqayso
Inaydnaan wax nagu biirinayn waa hal noo baxaye

Rag waa baro (...........) beliyo khayrkeede
Wax bakhtiyey badduba waa tuftaa baaxaddaa lihiye
Ha ka baxo biyaha reer Isaaq badhax ku sheegyaa
Ha ka baxo buluushtiyo Garruhu biidna yay tarine
Ha ka baxo dar badanbaa ku jiroon kuba bannaanayne
Ha ka baxo in Bini-Haashimoo baaqiyaa hadhiye



Faarax Laanjeer (HJ)

Faarax wuxu gabaygan so socda ka marshey xaflad aroos ah oo ka dhacday Hargeysa. Isagoo meesha fadhiya baa nin meesha fadhiyey daandaansaday. Gabaygan aan inta yar ka hayo ayuu meeshaas ka marshey habeenkaas.
Lugtu faraska lama loollantiyo Landaroofaha'e
Anna gabayga layguma legdoo waw laxaadsadaye
Liisaan hadday dhaafto oo lallabo xoogga

Oo aan lihiinsado intaan lur u Kamaandeeyo
Libaax lama shuqeeyee sidee loo lugo'ay caawa
Laanjeerse wax lay yidhiba waa libinta geeraare
Lafdhannadu ma soo aaminaan laamigaan maro'e

Sida lawyerkiyo Waalligaan liid cas leeyahaye
Lag malyuuna bay haybtayada laba kun dheerayde
Lafaha reer Issaaq waxannu nahay laanta ugu dheere
Ayay loodin kara sow arliga leexo qarin mayso




Maxamuud Cali Fadal (HJ), 1900 - 1952

Maxamuud Cali Fadal, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa Qoyskii reer fadal oo ah Qoys ahaan reerka soomali ugu murti badnaa. Waa reer intooda badani gabyi jireen murti wax ku ool ahna maansada soomaliyeed ku soo biirshey.
Qorshe gabay Salaanbaa yiqiin amase qaynuune
Oo waatii iyana loo qariray Qoyski reer Fadal'e ................(Maxmud Saleban Hersi)
Maxamuud oo Colaad sokeeye ku naf waayey waxa uu gacan ka gardarani ku dishey dagaalkii sokeeye ee horraantii 1950kii dhex maray beelaha walaalaha ah ee HY &HJ. Waa colaadda uu ku qudhbaxay Halyeygii gabyaaga ahaa ee YAWLE oo safka hore kaga jira raggii Soomali ugu gabay-yahansanaa. Yawle iyo Maxamuud Cali fadal waa laysugu aaray oo labadaba gacan ka gar daran baa dishey aakhirona Ilaahii uuntay suaali doono.
Waxa maxamuud iyo Yawleba ku qudhbaxeen xarbi ahli ah oo in la xuso mudan si loo dareensanaado cawaaqib xumada ay leedahay colaadda sokeeye oo soomalida gaadhsiisa in wiil walaalkii dilo.
Waakii Yawle lahaa intaan la dilin
Ma maroodi baan habar jeclooy idinku maaweeshey
Ma Mooyaan idiin tumay gun waa loo mashxaradaaye
Gabaygan wuxu maxamuud ka mariyey colaaddii waagaas uu ku naf waayey. Isagoo tilmaamaya nin rag uu dabin la rabay ka baxsadeen oo duul aanu la doonayani dalaq yidhaahdeen buu tixdan ku maansooday.

Iyadoo markaa daran ka timi, daaqna lagu foofshey
Iyadoo kuraha Diinlayaal, xerada loo deyrey
Iyadoo Dereyseey markaa, laga daboolaayo

Iyadood durbaan mooddo, iyo daramalkii gaalka
Oo ay dig kaga siinayaan, Baarqabbadu doobta
Daandaansigii geelayaga laguma doonteene

Duhur lagama qaadeen halkay "daaqa" ku lahayde
Alamaanka doobsaday markuu doorki naga layey
Maxamuud Caloow dirir markii la iga deyn waayey
Ee aan daliishaday inay daacad tahay toodu

Yaa Daahireey muusannaw danan markuu yeedhay
Darandoori waw ridi jiree toban miyaan daadshey
Ma lixbaan daqiiqaha ka dhigay duubiyada xoogga
Ma labaatan wada diidayay dani ka soo reebtay

Nimanbaa dubbuhu igaga dhacay lamase doonayne
Caynaanshe Dalab baan lahaa degello naafeeye
Reer Weydkan dihinbaan lahaa dayrta ku casheeye

Danyaroow Xuseen iyo ma galay dabatadii Muumin
Hadii aanan reer Sugulle dilin daaco ii dhimanne
Iyagana durduurtaan ku heli doorka dabadeede

Gabaygan "Darandoorri" waxa ka jawaabay nin HY ah oo aannaan magaciisa hayn oo markii Maxamuud Cali HY ku baxay gabay tirshey ay ka mid ahayd;
Darandooriguu sheegi jirey, lagu danbaysiiye



Ruunlow inadeer you guys will have to take bossaso to take the crown from us. :mrgreen:

No need to post all these gabays. What Reer Yoonis said about Reer Daahir is good enough for me. We are not denying your status inaadeer ee ha ka badbadin dee. Marka ina Fadal lee yahay

Beerweyso iyo dooxadii buubku miranaayey
Barasankii Nugaaleed raggii boolyey baan ahaye
Nimankii wadaadkii ba'naa baacsadaan ahaye

He wasn't talking about Reer Daahir adeer unless you don't know the deegaan. Waxan hadal ku daayey, we compliment one another ee ha is faquuqin. Haddaad is faquuqdo oo Cumar Daahir baan ahay tidhaahdo you can only cash in what is in your account interms of history.

Topic-ga waxan uga hadlay Cali Kubad oo ah Kite Family & electionkii siduu gacantiisa ugu dhiciyey. Adigana faan yar baa kuugu jira oo gabadh Reer Yusuf ah baa dhashay :lol:
Haddana Siciid85 aka Siciid neef baa attention kaaga baahan ee halkaa ka wad.

Re: "Kite" factor - S/Land Election

Posted: Thu Sep 16, 2010 4:24 pm
by GENERAL_SNM
Reer Yonis :up: