Xukumada Silaanyo oo ku talo jirta inay gabi ahaanba Maamulka Gobolka Selel ku ubedesho masuuliyiin kasoo jeeda Beelaha Dhexe
Lawyacado(Saylac.com)-Nuxurka gudiga uu madaxweyne Silaanyo u diray inay kasoo warbixiyaan Dablaydii kasoo degtey xeebaha Awdal kuma koobna oo kaliya sida loo dhigay balse waa ka macno weynyahay, waxana la filayaa in Madaxweynuhu isbedel weyn oo dhinaca maamulka ah ku sameeyo gobolada Awdal iyo Selel oo uu abid ku taami jiray.
Badhasaabka gobolka Selel, Taliyaha Ciidanka Booliska, Jananka Sare ee ciidadada Milateriga Janan Xudhun ayaa intuba ku sugan magaalada Hargeysa tani oo dadweynaha badankiisa xusuusinaysa xukunkii Siyaad Bare ee “Xamar soo gal”. Marmarsiiyaha dawlada Silaanyo ay ka damanacsan tahay gobolada Awdal iyo Selel ayaa bilawday mudo aad u dheer balse waxa soo dedejiyey in goboladan isbedel xukun lagu sameeyo dhacadadii doraad ka dhacday xeebaha Awdal iyo Selel oo cidwalba ku noqotey fajac iyo afkalaqaad.
Madaxweyne Silaanyo waxa kaliya oo uu sheegay ingudan uu ku jiro wasiirka Dufaaca Somaliland 7 xubnood ee kalise wuu qariyey lamana garanayo cida ay yihiin ilaa hadda tani ayaa markale dadka ku dhaqan gobolada galbeed ee somaliland ku abuurtey tuhun reeraysan oo ay awal horeba ay ka qabeen dawlada Silaanyo.
Cabashooyin horleh ayaa oo ka soo baxay maamulka gobolka Selel ayaa durba soo gaadhay shabakada saylac.com xafiiskeeda Jabuuti iyadoo laga cabsi qabi in uu Madaxweyne Silaanyo bedelo dhamaan maamulka sare ee gobolka Selel isagoo ka faa’ideysanaya dhacdadan ugu danbeeysey.
Sidoo kale shabakada caalamiga ah ee saylac ayaa waxa soo gaadhay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in shacabka ku dhaqan magaalooyinka Borama, Baki, Saylac, Lughaya, Xariirad iyo Boon ay damacsan yihiin maalmaha inagu soo fooleh inay si qayaxan uga hadlaan sidii amaanka gobolka dhinac looga wada jeedsan lahaa isla markaana looga hortagi lahaa cidwalba oo gobolkaamaankisa damacsan inay khalkhal galiso oo aan la isku halayn xukumada Silaanyo.
Dhinaca kale Hadii ay dhacdo in Madaxweyne Silaanyo isku dayo inuu maamulada gobolka Awdal iyo Selel ku bedelo dad aan deganka kasoo jeedin ayaa waxa dadweynuhu shegeen inay qaadici doonaan oo ayna ogolaan doonin.
“Hadda ka hor ayuu Madaxweyne Silaanyo dheg u dhigi waayey cabashooyin mudaharaadyo ay weheliyaan oo ka dhacay gobolka Awdal lakiin markan dagaal ayaan ka xignaa haduu isku dayo inuu xukun milateri inuu ku xukumo Awdal iyo Selel isku dayo” Sidan waxa saylac.com u sheegay shacabka reer Jabuuti ee aanu la kulanay.
Osman Hussein
Saylac.com
Lawyacado – Somaliland





