Cabdiraxmaan Saylici, the Vice president of Somaliland (The Gadabursi version of Xabsade) says the people of Awdal have always been supporters of the ONLF and all kinds of terrorism. Read the news:
Cabdiraxman Saylici oo reer Awdal ku eedeeyey inay waligoodka Argagixisada tageeri jireen
Borama(Saylac.com)- Madaxweyne Kuxigeenka Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilahi Saylici ayaa Habeen Madaw soo galay magaalada Borama isagoo wata ciidamo aad u badan oo ilaalo ah. Madaxweyne kuxigeenka oo gurigiisa kusugan ayaa cidaacada u sheegay wareysi ay dadka Borama dhegaha faraha gashadeen ka dib markii uu gobolka Awdal ee uu kasoo jeedo ku tilmaamay gobol ay argagixisadu waligeedba kala soo deji jirtey hubka iyo ciidamada ka dagaalama dalka Itoobiya ee OLNF.
Hadaladan kasoo yeedhay Madaxweyne kuxigeenku waxa kale oo uu eeda rabshadihii shalay Borama ka dhacay dhabarka u saaray inay wadeen waxa uu ku tilmaamay tageerayaasha xisbiga UDUB. Madaxweyne kuxigeenka Jamuuriyada Somaliland oo aan shacabka la hadal isla markaana ku sugan gurigiisa ku yaala Borama ayey dadweynaha Borama kusugani la yaabeen sababta uu gobolka uu kasoo jeedo ee Awdal u huwiyey eedaymo aan qaban isla markaana cadawtinimo u kala dhex dhigay dawladaha dariska ah ee ay ka midyihiin Jabuuti iyo Itoobiya oo xidhiidh wanaagsan la leh Gobolada Awdal iyo Selel.
Ciidamada ilaalada ee ku xeeran guriga madaxweyne kuxigeenka Jamuuriyada Somaliland ayaa iyaguna dadweynaha Borama ka yaabiyey kadib markii ay Saladiin iyo Cuqaal isku dayday inay Booqdaan madaxweyne kuxigeen Cabdiraxman Saylici ay u diideen inay galaan guriga uu kusugan yahay ee magaalada Borama.
Dadweyne aad u badan oo aanu waxka weydiinay sida ay u arkaan hadaladan eedaymaha ah ee uu Cabdiraxman Saylici gobolka dhakada ka saarey ayaa waxay saxaafada u sheegeen inay aad uga xunyihiin nin Masuul ah oo waliba kasoo jeeda gobolku inuu waxaas oo kale cidaacadaha caalamka kula hadlo waxayna intaa ku dareen inay dadweynaha gobolada AWdal iyo Selel ka rabaan cadaymo inuu Cabdiraxman Saylici caalamka tuso in gobolka Awdal uu yahay gobol Argagixasu hub kala soo deji jirtey waligeedba.
Waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici socdaal ku yimaado gobolka laga doortey ee Awdal abaalkii iyo codkii shacabka reer Awdal ay u galeena waxa uu maanta bedelkooda uga dhigay inuu gobolka Awdal ka dhigo xarunta argagixisadu hubka kala soo degto
Saylac.com
Borama Somaliland
http://harawo.org/?p=1983