Djibouti (Buraoonline.com) 19.09.10 Hoteelka Kempinski ee magaalada Jabuuti ayaa sheegay inay khaatiyaan ka joogaan marwada Kowaad ee dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd oo caado ka dhigatey inayna bixin kharashka Cabitaanka iyo Cunada ay huteelka u yimaadaan iyada iyo axsaabteedu.Agaasimaha cusub ee Huteelku yeeshay dhawaan ayaa sheegay inuu waxweyn ka badali doono macaamiisha Huteelka timaada oo ay ku jirto Marwada Kowaad ee dalka Jabuuti si dakhliga Huteelka soo gala loo ogaado.
Agaasimaha Huteelka Caalamiga ah ee Kempinski ayaa saxaafada waxa kale oo uu u sheegay in madaxda dalka Jabuuti ay caado ka dhigteen inay Huteelka kharash badan galiyaan kadibna ay iskaga baxaan iyagoon raacin nidaamka iibka caalamiga ah ee Huteelka u dejisan
Maamulka Cusub ee Huteelka Kempinski ayaa sheegay inay qadarin weyn u hayaan marwada Kowaad ee dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd lakiin la kala saaro ganacsiga iyo qadarinta isla markaana ay ku dhiiri galinayaan inay Marwadu wixii cabitaanka ah ee ay u timaado Huteelka ay kharashkooda u bixiso si la mida macaamiisha Huteelka timaada.
Huteelka Caalamiga ah ee Kempinksi ayaa ah Huteelka ugu weyn dalka Jabuuti isla markaaana macaamiil caalami ah ku leh dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Buraoonline.com




