Postby LiQaaye_TDH » Mon Sep 27, 2010 11:30 am
Xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyay Dufcadii 7aad ee ka qalinjabisay Jaamacada Hargaysa oo lagu qabtay maanta xarunta Jaamacada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Madaxwayneha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo , Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Xuseen, Guddoomiye Ku Xigeenka ahna M/weyne Kuxigeenkii Hore ee Somaliland Md Axmed Yusuf Yaasiin, Masuuliyiin Saddex Gole qaran , aqoon yahano, waalidiin iyo marti sharaf kale iyo waliba Maamulka Iyo ardayda Jaamacada.
356 Arday oo noqonaya ardaydii ugu badnayd ee abid ka qalin jabiya jaamacada waxay ka kala qalin jabiyeen shan kuliyadood oo kala ah Kulliyada Dhaqaalaha, Kulliyada Sayniska, Kulliyada Daaweynta , Kulliyada maamulka iyo maarayenta , Kulliyada Xalinta Khilaafaadka.
Waxa ka hadlay Gudoomiyaha Hargaysa University Dr. Xusseen C/Laahi Bulxan oo ka waramay xaaladihii kala duwanaa ee ay jaamacada Hargeysa soo martay tani iyo mudadii ay jirtay jamacada Hargeysa waxa uu yidhi ardayda imika qalin jabisay la gudoonsiinayaana shahaadooyinku in ay yihiin difcadii 7 aad ee ka qalin jabisa jaamacada mudada 10 sanno ah ee ay jaamacadu jirtay .
Gudoomiyaha Jaamacada ayaa xusay in ay ardaydani ka qalin jabisay shan kuliyadood oo ay jaamacadu ka kooban tahay.
Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare oo iyana ka hadashay Qalinjabinta Jaamacada Hargeysa ayaa sheegtay in ay dhiiri gelinayso jaamacadaha dalka ka jira oo haatan gobolada iyo degmooyinka dalka ay ka aasaasmeen jaamacado badani .
Waxa iyana madasha ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga UDUB
Waxa xiiso gaar ah leh in shir gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, M/weyna ku xigeenkii labaad ee Somaliland ay ka mid ahaayeen Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Hargeisa gaar ahaan kulliyada xalinta Khilaafaadka.
Ugu danbayntii M/weynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo ayaa gudoonsiiyay 356 arday ee ka qalin jabiyay Jaamacada hadal dheerna ka jeediyay oo uu kaga hadlay xaalada dalka