Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gabay Alla Bari Ah oo Citiraafka Soomaaliland loo tiriyey

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Gabay Alla Bari Ah oo Citiraafka Soomaaliland loo tiriyey

Postby Mr_Alfaas » Thu Sep 30, 2010 10:42 am

Cusman Aden iyo Timo Cade ayaan ciddi ka noolayne
Aan camcamiyo anniguu I qabsaday caynka maansadu
Casiisow ajiib gabagan aan caawa tirinaayo
Riyo iyo hur ku curiyo caw aan jiibsaday
Cawo iyo in uu barako yahay Cawlow la arkeeye

Carabkiinna aamiinta culus duco ku caam yeela
Citiraaf u roob doonaa oo culimaday kaalay
Cishaa’iga habeen ilaa waagu ka casaado
Ku celceliya tuugmad baryada goor caweysan ah
Cashar iyo taxliil ba u tfoo Calanku yuu iilan

Xaggaagaan u cararnaa markuu xaal cidhiidhi galo
Adaan cudud laxaad iyo farsamo cidi ku gaadhayn
Garta adaa cabira oo yaqaan caynka taw yahay
Xaq cadaalad adigaa sugiyo cabasho waayeel
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo Shine

Adaa Yoonis caynshoon ku dilin bahal calooshi
Casifaad adaa duul ku rogay qoom ka caasiyey
Cimri iyo adaaa nolol qadara ruux wax uu cuno
Cudurkii Ayuub adigunvbaa shuush ka caafiyey
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo shine

Cirkaad roob ka keentaa dhulkaad doog ka curisa
Caannaad naas ka keentaan irmaan calaf la quutaa
Caantayn kaala fudud waxakan aan ku carcaraafnaaye
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo shine
Ha cudcudinAqoonsiga na sii kaadhka lagu cesho

Carafaadu fadligay leedahay iyo ciida Ramaddaan
Ciishadii adan Eebuhu khalqay dhalashadii Ciise
Ayaamaha cisiga leh iyo micraajka cuskanayaa
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo shine

Culimo iyo wadaad sheekh cilmi leh Weli cibaadaysta
Caamo iyo dadweyne Miskiin caawimo u baahan
Caruuraha iskuulada tagiyo geel mid celinaaya
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Caydh sabool ah cuud yaraha fakhriya caawimo u baahan
Dad intaan cashay ee calool madhan la soo toosa
Ciyaal qaar u foofoon haddana calaf u soo hoynin
Cammali’idu kuway daashatay ee ciirsi kale haysan
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Cago kuwa lahayn iyo curyaaan naafo cabanays
Caydi iyo dhallaan iyo agoon caawimo u baahan
Oday coomir oo madax cadoo caato kici waayey
Hooyo canug dhashoo kaar jab helin laxaw cataabaysa
Inta cudur xannuun qaba bukaan taws ka cabanayaa
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay.

Cuudka aanu dhaqanno iyo intii caano laga maalo
Cirka haad u duuliyo bilidda cawladi iyo fiinta
Bog wixii ku caraaya ee cago ku rooraaya
Xeebta carsaanyada kalluun baddaha ceegaag
Carrada iyo dhirta iyo buuraha ciida gabigeeda
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Cibbaarad quraan aayadaha yaan cuskanaya
Caam ahaan kitaabka iyo sunnaha yaan cuskanayaa
Cabasa iyo yaasinka culus ayaan cuskanayaa
Aali-Cimraan, Tabaarik iyo Nuux ayaan cuskanayaa
Cankabuut quraash iyo Al-fiil ayaan cuskanaya
Al-casar iyo fataxadda bilow yaan cuskanaya

Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Gabaygan Alla Bari- Ictiraafka Somaliland waxa tiriyay Xassan Axmed Ibrahim” Embassy”. Waxa Hibo iyo Xasuus u yahay Abwaanadii Caanka aha Marxuumiinta Cismaan Aden ” Cismaan Askari ” iyo Yussuf Aden oo ay isku Uur-Hooyo ahaayeen.
:clap:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests