Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Abwaan Yusuf Aadan Xuseen Alaale Gabaygiisi DAYACAN

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Abwaan Yusuf Aadan Xuseen Alaale Gabaygiisi DAYACAN

Postby Mr_Alfaas » Sun Oct 03, 2010 9:10 am

IshaNews-Gabaygan hoos ku qoran waxaa tiriyay Abwaankii caanka ahaa, qaaliga ahaa ee (Yusuf Aadan Xuseen Alaale) Illaahay haw naxariistee,
Markaan Gabaygan soo qaadano waxa uu ku saabsanaa waayaha markaa lagu jiray iyo wixii lasoo maray, Wakhtiga gabaygan uu Abwaanku tiriyay waxay ahayd Shirwaynihii labaad ee lagu doortay Madaxwaynihii Soomaliland (Maxamed Haji Ibraahin Cigaal) Illaah haw naxariistee, Dhankale markaan ka eegno Abwaanku waxa uu ka soo jeedaa qoys ay suugantu hodan ku tahay, sida
Cismaan Adan Xuseen, (Cismaan Askari), Axmed Adan Xuseen (Ahmed Masri), iyo Xassan (Ambessy) .


Part One/Qaybti Kowaad.

Maansadii: DAYACAN

1. Dayacan adigoo dayacan
2. Wax wayn oo kula dayacan
3. Bal aan kaa daadejee
4. Digtoonee aragtidaa
5. Dugaagga kullaa ishaa
6. Dumaa ku dhis sheekadaa
7. Kolkay raggu diir noqdaan
8. Haweenkuna dulin noqdaan
9. Dunuub badanina dhacaan
10. Dabayluhu way rogmaan
11. Xooluhu dulin bay noqdaan
12. Ammaano la doonayniyo
13. Xaaraan deyn iyo dan guud
14. Duuduub baa lagu liqaa
15. Intay dibirtay dihdaan
16. Hudheelada duurka iyo
17. Gaadiidka dushiisa iyo
18. Guryaha dabadooda iyo
19. Dixday wada seexataa
20. Dooxay wada jiifsataa
21. Gadhkaa la is wada daraa
22. Jawab daran baa timaad
23. Duul baasina way kacaan
24. Diiniyo dimuqraadi iyo
25. Digtaytarro way murmaan
26. Ganaax loo soo diriyo
27. Cadhana way soo degtaa
28. Qabyaaladdu daabaciyo
29. Durkaba way kaa hishaa
30. Qoomiyaddey duudsidaa
31. Qarankay kala dirtaa
32. Aqoontay kala dirtaa
33. Dushay iska wada nacdaa
34. Hoostay iska wada dishaa
35. Damaacigu wuu kordhaa
36. Daan daansigu wuu bataa
37. Dagaalana way qarxaan
38. Duufaan way kugu noqdaan
39. Adduunyadu way diddaa
40. Intay is dishay degtaa
41. Dibbay u fadhiisataa
42. Dabkay kala qaadataa
43. Danbay isu kaashataa
44. Wixii dumay bay dhitaan
45. Wixii dilay way gartaan
46. Daw bay isu weheshadaan
47. Aqoonta dunuunucdaa
48 Wixii dhacay daabacdoo
49. Duruustaa lagu bartaa
50. Digtooni si looga helo

Gabayga uu abwaanku tiriyey oo aad u dheer ayaanu oogu talo galnay in aanu qaybo kala duduwan aanu u qaybinno oo aanu maalinba in aanu idiin soo gudbino .

Waxa nasoo gaadhsiiyey gabaygan qaaliga ah Mud Maxamuud Jaamac.

IshaNews Media Group.

Hargeysa Somaliland.

:up: :up: :up:

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Abwaan Yusuf Aadan Xuseen Alaale Gabaygiisi DAYACAN

Postby Dhaga Bacayl » Mon Oct 04, 2010 12:32 pm

Yusuf alaale the brother of Cismaan Askari ILAHAY ha naxariistee was one of the best ever. How could you top ARLIYO and CILMI IYO CAADO?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests