Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo sheegay Qaramada Midoobay inay Hargeysa berri ku qabsanayaan Shir weyn oo ay ka soo qaybgalayaan 12 Dal
Wasiirka Arrimha Guduhu muu faahfaahin Ujeedada Shirkaas iyo Dalalka ka soo qayb galayaa kuwa ay yihiin, hase yeeshee waxa uu iftiimiyay inuu yahay Shir weyn oo muhiim ah oo loo baahan yahay in mudada uu shirkaasi socdo dadweyne iyo xukuumaddba loo baahan yahay si wada jir ah looga qayb qaato sugida Amaanka Dalka,
Dr: Gaboose waxa uu sheegay shirkani inuu ku yimi aragtida ay beesha Caalamku ka qaadatay deganaanshaha Somaliland wakhtigii Doorashada, taasoo ay Qaramadda Midoobay markii ay qiimeeyeen ku qancay in ay darajada Sadexaad ka dhigeen Somaliland Nabadgelyadeeda, taasoo cadaynaysa in beesha Caalamku go’aansatay Somaliland halkii laga siin jiray mucaawanooyin Dhiig-joojin ah in imika loogu bedeli doono kuwo Horumarineed
Sidoo kale waxa uu sheegay Somaliland inay ku sugan yihiin wariyayaal Caalami ah oo ka qayb qaadanaya Shirkaasi oo ay ka mid yihiin Telefishanada Al-jaziira, BBC, iyo kuwo kale kuwaas oo mudada ay joogaan Somaliland ka diyaarin doona Filimaan ay Caalamka ugu Bandhigi doonaan Somaliland waxa ay tahay.
Dr: Gaboose waxa kale oo uu ka hadlay Xukuumadd ahaan inay wadaan dedaalo badan oo ay ku doonayaan inay wax kaga qabtaan maamul xumadii hore ee jirtay, inkastoo uu qiray Xukuumaddii ka horeysay inay wax badan qabatay, isagoo tusaale u soo qaatay Madaxweynihii hore ee Somaliland oo uu sheegay inkastoo uu ku eedayn jiray inuu ahaa Diktaytar hadana uu qirayo inuu badbaadiyay Somaliland, oo uu isku haya magic fiican iyo Milgana kaga tegay, balse waxa uu ka codsaday Madaxweynihii hore Sumcadaasi inaanu iska dilin oo aanu maqal kuwa aanu carabaabin oo uu sheegay inay wadaan ficilo aan u haboonayn




