Postby The_Emperior5 » Sat Oct 16, 2010 3:48 pm
Burco : Wasiirka Duulista Hawada oo saaka albaabada u furay Garronkii Diyaaradaha oo sadex sano xidhna
This article has been Published at: 16-10-2010 and has been viewed 9 times
Back to home Print this Page Send to a Friend Bottom of the Page
berberapress
Burco (Berberapress.com)Garoonkii Diyaaradaha ee magaalada Burco ayaa maanta si rasmi albaabada loogu furay, waxaana Munaasibaddii furitaanka Airportka lagu qabtay barxadda hore ee xafiisyada Airportka, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Duulista Hawada iyo madaarada Maxamud Xashi Cabdi, Maamulaha Madaarka Hargaysa Cabdi Cali Obsiiye, Badhasaabka Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi iyo Badhasab xigeenkisa, Hogaanada Ciidanka Millteriga iyo Boliska, maayar xigeenka Degmada Burco, Salaadiin, cuqaal, waxgarad ,culimo awdiin, iyo masuuliyiin ka kala socday Shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom.
Suldaan Maxamud Guuled Mire ayaa Xukuumadda ka codsaday in lacagta Dhaqaalihi Burco iyo Gobolka Ragaadisay ee hoos dhigtay xuukmaddu si dhakhso ah uga bedesho, wuxu sheegay suldaanku in waxqabadka u horeeya ee Goblkan loo qabtaa u noqdo bedelaada lacagtaas taas oo buu yidhi ididiilo wanaagsan gelin karta shacabka Gobolkan..
Captan Cabid Cali Obsiiye oo ah madaxa iyo Engineerka Madaarka hargaysa ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in garonka Burco oo uu ku sheegay garoonkii ugu horeeyey garoomada dalka inu ahaa in maanta la furo, wuxu wasiirka duulistana ku ammaanay sida qiimaha leh ee uu awoodda u saaray garoomadii dalka oo iyadoo xukuumadda cusubi aanay Boqolkii cisho ee u horeeyey ba gaadhin wax ka qabatay wasaaraddiisu 4 garoon, isagoo xusay in garomada, hargaysa,borama iyo berbera ba ay wax ka soo qabteeen, wuxu Captanku sheegay in waxa u dhiman garronkani oo keliya ay yihiin in amnigiisa la sugo oo taar ama Deyr lagu soo wareejiyo si aanu nafaha dadka khatar u gelin, wuxuu sheegay Caotanku in laba killo mitir iyo afar boqol uu cabirkisu yahy.
Oday Maxamud Adan dheri ayaa isaguna ku ammanay wasiirka Duulista Hawada sida qiimaha leh ee uu ugu hawlanyahay Dib u hawlgelinta garoomo muddo dheer xidhnaa
.
Maareeyaha Shirkadda Telesom Maxamud Xaji Ibrahin ayaa isna ku tilmaamay Furitaanka Garoonka Burco wax lagu farxo, waxaanu halkaasi kaga sheekeeyey faaidooyinka ugu yaryar ee uu yeelanayo furitaanka garoonkani.
Maayar xigeenka Degmada Burco ayaa isaguna dhinacooda ballan qaaday inay kala shaqayn doonaan Dawladda Dhexe Dayactirka iyo Dib uga shaqaysiinta Garoonka Burco, wuxuuna sheegay in xukuumadda ay uga fadhiyaan ballanqaadyadii ay u samayn jirtey shacabka.
Badhaasbka Gobolka Togdheer oo khudbaad aad u caadifadaysan ka jeediyey madasha ayaa sheegay in ay garaanyaan dadka ay ka furi kari la�yihiin garoonkan ee caqabadda ku ah, wuxuuna ugu hanjabay in gacan bir ah ay ku qaban doonan cid kasta oo damacda inay ku soo xad gudbaan garoonka iskuna daya inay dhul ka samaystaan, Badhasaabka oo si weyn saaka uga hadlayey arrimaha Amniga ayaa sheegay in aad loo faro faraynayo nabadgelyadii Gobolka, wuxu mucaaradkana u soo jeediyey inaanay dhaafin xadkii Mucaaradka, Badhasabku wuxu baaq iyo codsi u diray odayaasha,walidiinta iyo waxgaradka magaalada, wuxuuna sheegay in xalay falkii foosha xumaa ee ka dhacay Burco ay geysteen Dad la garanayo oo magaalada Inala deggen "waxaan leenahay waalidkow ogaada,salaadiiney ogaada, odayaashow ogaa, wallaahi waan qabanaynaa, nin aanu waydiinaynaana ma jirto, dhibka u badan ciddi geysatana dhibka u badan baanu marinaynaa, waad maqlayseen xalay in suuqa badhtankiisa dadkii joogay lagu toogtay, cidda tooganaysaana waa hebel iyo hebel oo miidhan oo ina hebel ah, waananu garanaynaa" ayu si cadho leh u yidhi badhasabku.
Isagoo sababta loo diley wiilkii xalay wax ku dilay Badhtamaha Suuqa Burcona ku sheegay sidan "waxay u dileen inanka xalay la dilay inaan cid danbe waxba ka sheegin, inaan lala hadal, inaan tuuga la tilmaamin inaan ka wax qarxinaya iyo ka soo gudba xuduudka aan la sheegin, sababta loo diley waa taas, waa la sheegayaa, kuma istaagayso nin baa xabbad lagu dhuftay, dalkan wa loo dhintay hore waana loo dhiman doonaa dad badanina way u shaqyn doonan insha allahu tacala" ayu si hanjabaadi ku jirto u yidhi Badhasaabku.
Ugu danbaytii wasiirka duulista hawada oo munaasibadda soo xidhay ayaa ka sheekeyey waxqabayada xukuumadda labada bilood iyo badhka ay jirtey ku qabatay, sidoo kalena wuxu calaamadihii xidhitaanka garroonka muujinayey ka soo qaaday Goobtii ay yaalleen isagoo halkaasna ku furay garonka saaka, si rasmiya ay diyaaraduhu una soo fadhiisan doonan ugana soo degi doonaan laga bilaabo maanta.
Barnaamij gar ah ayaan idinka diyaarin doonaa khudbadihii madasha laga jeediyey la socda maalmaha so socda insh alla. Oo ka dhegeyso Radio Hadhwanaag khudbadaha oo cod ah.
Ibraahin xirsi
Burco Office