Deegaanka lagu magacaabo hagoogane oo u dhaxeeya Xadhadhanka Iyo Qorulugud ayaa beesha Siilaanyo waxay ay halkaas ka wadaan deegaamayn iyaga oo ceelal iyo Baraago ka qoday.
Odayaal deegaanka Xadhadhanka ayaa ku baxay si ay arrintaas wax uga qabtan hasa yeeshee malayshiyo halkaasi ku sugnayd ayaa lagu soo waramayaa in ay rasaaseeyeen odayaasha halkaasi gaadhay.
Xaaladda ayaa kacsan iyada oo la qorshaynayo sidii halkaas loogu bixi lahaa si arrintaas wax looga qabto, maaha markii ugu horaysay oo beelaha bariga Burco dhul isku fidin bilaabaan ilaa qarnigii aynu ka soo gudubnay bilowgiisii si ay dhulka u baraageeyaan, hadda dhacdadan laga soo sheegayo deegaanka ku dhaw xadhadhanka, waxaana arrintan ka horaysay Galgal oo iyana xaaladeedu gaadhay isku ka dib markii beelaha bariga burco barkado ka qodeen deegaankaas markii danbena laga aasay.
Dhinaca Yeyle Iyo Xudun ayaa iyaguna Dhul isku fidin balaadhani muddooyinkii ugu danbeeyye ka socdeen.




