Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

gabayo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

gabayo

Postby hargaysaay » Sun Oct 17, 2010 2:04 pm

Geeraarkan waxaa tiriyay nin gabayaa ahaa oo la odhan jiray Ina Xuseen Daar, waxaanu ka tiriyay xafladdii lagu boqraayay Suldaan Cabdilaahi, Ilaahay haw naxariisto dhammaantoode. Geeraarka waxa ka jawabay Cismaan gabyaaye, wuxuuna kaga jawaabay labba geeraar iyo gabay. Jawaabihii Cismaan Gabyaaye u ka bixiyay geerarkan hoos ku qoran halkan ayaad ka akhrisan kartaa .
1.Gabay Ceelka ka guura
2.Geeraar Ceelka ka guura.
3.GeeraarCeelka ka guura.

Wuxuu Ina Xuseen yidhi:


Habar Yoonista Ceegiyo
Caleen-weyn ka shishaysiyo
ku Cawdala joogiyo
Ceer-Gaab dhinaceediyo

cududii Garxagis
hadday caawa heeshiisay
boqor caadili joogo

ninna cilban maayo
Arabkii is cofaayiyo
Awalow Ceelka ka guura


Geeraarku Ma saxna mana Dhamma

Wuxuu Cismaan Geeraarkan kaga jawaabay geeraarkii uu Ina Xuseen Daar tiriyay ee magaciisu ahaa Ceelka ka guura, hakan ka akhriso geerarka, Ceelka ka guura . Gabay iyo geeraar kale uu Cismaan kaga jawaabay geeraarkana hoos ayaad ka akhrisan kartaa.
1.Gabay Ceelka ka guura .
2.Geeraar Ceelka ka guura.

Wuxuu Cismaan yidhi:



hadalkii guranaayee
goosh dhawayd maqlayseen
reer Guuled tiriyeen

geesigii ina Xaaji iyo
Gabyaaye Xasan Nuurow
adigaan gabanaynoo

galabta u marin doonee
gacalow dhegahaaga
waa inaad galisaa

ma geeraarkiyo maansaan
go'aankooda bartayoon
ma garaafiyo ceebtaan
inaan gees maro mooye

godobtooda nebcaayoo
ma kolkay ficil gaadhaan
garaatooyin dhigaa

gudbayoo iska dhaafaye

hadalkaan gar ahayn
een golo joog noqonayn
een ka garaabin duqawdu

gashina kaaga kordhaayo
ninka gaaf kala yeedhay
garaad baanu kahayn

af gaaloof iyo faaniyo
gidaar been lala joogo
gabootiyo lahaynina
waa kuwii Garxajis

gudbayoo iska dhaafaye

golahan Ceelka Hargeysa
ee noogu soo gabaydeen
haddaan geediga yeelo

gasab weyn ku qabtaan
maxaa gaajiyo oonka
geedaha loola hurdaaye?

golcasta u socotaan
maxaa goortaa hadhkii
ee guryaha loo qada doontana

gobka hoos furateen
galsho loogu ??????
suuqa loo gal waayay?

maxaa goobta shir weyn
iyo gaafka lasku arkaayo
een guntanayno xariirta

go'yaal dhiigu ka buuxoo
miskaha loogu guntaayee
ninba gooshkii u yiilay

gacmaha loogu sitataayee?
kaygu waa gal xareedoo
goosh caddaa la yidhaayoo

ninkaasaa garanaayee
waa ina Gooha Mulaaxoo
Gahydhluu ku dhashoo

gidigii sabankoo dhan
Lafaha guudka ka yiilayoo
galin maysid ilkayoo

mid galaan iyo haaf laan
kugu go'yn waxaad yaabtiyo
geeraarka u tirisaan?

ee gaaleefta u sidataan
idin gees marayaa?

gudbayoo iska dhaafaye

inyar gam'adeenoo
gu' darooray cunteenoo
guryaha qaylo masaynoo

gammaankii baxsanaa
ee intuu gaajo qadoodo
ee uu galdhoobo haraadka

kolkuu geella bidhaansho
gorgor moodi jirteen
gebladii wadanaysay

gaalku kaa calinaayay
yuu gudboonaaday dadkii

gudbayoo iska dhaafaye

xad ay doonto ha gaadhe
dharaartaan gacan qaado
sida geeshka Marykan

galinaayo "Japan" jabaan
am reero garnaylka
la guud marayo

ama guuto laxaad leh
gubatooyin akooda
intay beel ku galeen

iyadoon galbini oo
guryihii ku dhawaatay
oo gaadh dable iyo heegan

goonyaheeda socdaanoo
la soo gaadhay ?????
haddaan gawda ka yeedha

sidii Gondar cuslaan
hadaad ??? iyo Tuur iyo
Galquluul afkiisiyo

Gumburooyin dagtaan
hadaa geedaha Hawd iyo
sudaa geelo ku naaxo

Goraygii baxsanaaiyo
garoonkii Qaraduugiyo
Sugumaha garbkiisiyo

gegeadii Burco-duuray iyo
Gaaroodoo dhan furtaan
hadaan goodiga Tuuyo

dhakhso lasugu guurin
dhul gahaydh iyo ciidloo
Garanuugtiyo Siigu

abidkod galayeenoo
laga gaadhin xareed
hadaydaan ku godoomin

haddii gaanka Xayaable
nimankaa Garxajis
galbeed reer ku furaan

gobtii Muuse Subeer iyo
gudidii Sacad Muusiyo
Ismacill gudihiisiyo

reer Siciidka gudoonkiyo
gacan qaadka lahaaiyo
gaankii reer Samatar

ee Ogaadeenka gar????
ku galaayay hunaha
Afmeerkii gudbanaana

Habar Yoonis ku gooyay
wixii geesi ka bermeey
Cabdi Ciise ??????
gobtii baanan ka beermin


Geeraarku Ma saxna mana Dhamma


gabayo | Heeso | Hal abuur SearchGabayoHeesoHal AbuurHome Gabayo | Heeso | Hal Abuur | Home |

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests