Khilaafka madaxweyne siilaanyo iyo w/kaluumaysiga oo isii xoogaystay
Wasiirka ayaa sida la sheegay cabasho xoogan ka muujiyey kdaib markii dhawaan madaxweyne siilaanyo wasaaradiisa ka hoos saaray maamulka dekadah.
warkan oo lagu shaaciyey wargayska madaxa banaan ee Geeska afrika oo kasoo baxa magaalada hargaysa oo aanu warkan kasoo xiganay ayaa intaa ku daray in madaxweyne siilaanyo wasiika u sheegay inuu xaq uleeyahay sida ugu haboon in uu udhigo.
Kulankan ayaa kusoo geba geboobay natiijo la,aan islamarkaanu dhaliyey khilaaf soo kala dhex gala wmadaxweynaha iyo wasiirkiisa kaluumaysiga.
kaskow khilaafkan waxa arintani bulshada ku noqotay looma fadhi iyo u qaadanwaa.
goobaha bulshadu isugu timaado iyo barkulameedada lagawada shaaho ayaa laga dareemayaa hadal haynta arintan.
Sidaa aan ka helaayo ilaa lagu kal soonyahay, meel xun bay kagaadhey siilaanyo iyo caadaqaate wasiirka Khayraadka badaa iyo kaluumaysiga, waxa lays dhaafsaday kelmedo xunxun oo hanjaabaad ah, waxaynaa ku sigteen in ay isku dhex wasaan madaxtooyadaa hadh galay




