Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The New Goverment opens Berbera's 2nd Terminal Airport

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

The New Goverment opens Berbera's 2nd Terminal Airport

Postby LiQaaye_TDH » Wed Oct 27, 2010 8:55 am

Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici], ayaa gaadhay magaalada Berbera ee xaruunta Gobolka Saaxil.

Weftigan oo u jeedadiisa lagu sheegay inuu xadhiga ka jaro dhismayaal dayactir lagu sameeyey oo ka mid ah madaarka caalamiga ah ee diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Berbera, waxa ku wehelinayey Wasiirada Warfaafinta Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Aamina X Maxamuud Jire [Aamina Waris].

Markii uu weftigu gaadhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera waxa uu xadhiga ka jaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Terminalka labaad ee garoonka diyaaradaha ee ay dadku ka dhoofaan oo isagu dunsanaa tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday.

Md Saylici oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta furo Terminalka labaad ee madaarka Berbera, isagoo ugu mahadceliyey Wasiirka Duulista iyo Hawada oo uu sheegay inuu aad ugu dadaalay sidii u furi lahaa Terminalkan oo aad ay ugu baahnaayeen dadka madaarkaas ka dhoofa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici], ayaa waxa kale oo sheegay in xukumada cusub ee Somaliland ay soo bandhigi doonto wax qabadkeeda marka ay dhammaadaan 100 cisho ee ay qabsatay, wakhtigii ay xilka dalka la wareegtay.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in markii uu arkay dadka ka dhoofa madaarka Berbera oo isku meel kaliya wada maraya uu go’aansaday inuu dayactiro Terminaalka labaad ee ay adeegsadaan dadka ka dhoofaya madaarka, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu furitaanka terminalkani uu ka mid ahaa siyaasada xukumada cusub, maadaama oo xidhnaa mudo ku siman 20 sannadood.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], iyo Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamuud Jire [Aamina Waris].


Intaas ka dib waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu xadhiga ka Terminalka labaad ee madaarka Berbera. Sidoo kale waxa uu Md Saylici furay Tower weyn oo isgaadhsiineed oo laga hirgaliyey gudaha dakeda Berbera, kaasoo lagu ogaandoono wixii maraakiib ama doonyo ah ee soo gala biyaha Somaliland iyagoo meel aad u durugsan maraya.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The New Goverment opens Berbera's 2nd Terminal Airport

Postby The_Emperior5 » Wed Oct 27, 2010 9:28 am

any pics

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The New Goverment opens Berbera's 2nd Terminal Airport

Postby LiQaaye_TDH » Wed Oct 27, 2010 10:48 am

not yet..


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests