Aqoonyahan Jamaal Cali Xussen oo booqday Jaamicada Camuud iyo soo Dhawayntiisii.
posted by: Webmaster
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa Isniintii toddobaadkan Muxaadiro-cilmiyeed (Public Lecture) u jeediyey Ardeyda Jaamacadda Camuud ee duleedka magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, isla markaana booqday qeybaha kala duduwan ee ay Jaamacaddu ka kooban tahay.
Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey Muxaadiro-Cilmiyeedkaa, waxa ka qeybgalay Aqoonyahan Jaamal Cali Xuseen, Maxamed Cabdillaahi Ducaale (Ilkacase),Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Camuud Axmed Cabdillaahi Boqorre, Ardeyda Jaamacadda Camuud, Macallimiin iyo marti sharaf kale. Xafladdaas oo ahayd mid xiiso gaara leh, oo soo jiidatey ardeydii iyo cidkasta oo ka qeybgashay, ka dib markii ardeyda Jaamacadda Camuud su’aalo aad u qiima badan oo kala duduwan si daran-doorriya u weydiiyeen Jamaal Cali Xuseen, oo isaguna si waadix ah uga jawaabayey. Sidoo kale waxa dadka aad u soo jiidatay, ardeyda dhagoolayaasha ah ee wax ka barta Jaamacadda Camuud muxaadiro-Cilmiyeedi qaab ay fahmayaan loogu bandhigay.
Madaxa arrimaha ardeyda ee Jaamacada Camuud Maxamed Maxamuud Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay arday ahaan aad ugu faraxsan yihiin la kulanka ay Jamaal la kulmeen, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Aad ayaannu u soo dhaweynaynaa Jamaal Cali Xuseen, sidaad ogtihiinba waxaanu idiin keena dadka aanu maskaxda ku tuhuno, ama xaga Diinta ha ahaato, ama xagga cilmiga ha ahaato. Maanta waxa inala jooga nin ka mid ah kuwii aad hiigsanayseen, maalinta ay fursada caynkan oo kale ahi jirto waa inaynu dhamaanteen jaamacad [Camuud] ahaan waa inaynu ka faa’iideysano. Waayo waxbarashadu maaha oo kaliya casharada la dhigto ee la qaato,tana way ku jirta oo waxbarashada ayey ka mid tahay, maskaxdiina ayaanu dhisayna, adduunyadu sida ay u shaqeysato ayaanu wax ka fahmayna.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen iyo saxiibbadii imaanshiyaha Jaamacadda Camuud, waxaanu yidhi;“Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayna imaantinka Jamaal Ali Hussein iyo saaxibadiisa la socda Maxamed Cabdilaahi Ducaale iyo Mustafe-janaale oo halkan Camuud University u yimid oo Hargeysa ka yimid si uu afkaar inoola wadaago.” “Waad ka warqabtaan jaamacaduhu maaha uun cashar macalin dhigo meel laga helo, waxa jira ilo kale oo wax laga barto sida Internet-ka, joornaalka, waxa ka muhiimsan dhalinyarta iyo raga waayo araga ee bartay cilmiga faraha badan, Soomaalidu waxay ku maah-mahada ‘Ninkaad kabo ka tolanaysid ayaa la eega kabihiisa, qofka aad dhageysanaysid ayaa la eega, nin da’a yar oo baananka aduunka kuwa ugu waa-weyn, gaar ahaan Baanka City Bank Of Tanzania ka ah waa guulweyn.”
Prof. Saleebaan waxa si niyada ugu faanay imaanshiyaha uu aqoonyahan Jamaal yimid Jaamacada Camuud,waxaanu yidhi “Waanu ku faanayna in nin reer Somaliland ah oo dhalinyaro ah, oo dhameystay jaamacada adduunka ugu tayada sareysa ee [Hadvard University], isla markaana madax ka ah Baanka City bank of Tanzania.” Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan waxa uu ku dhiirigeliyey dhamaan ardeydii isugu timid hool-weyn inay si wanaagsan u dhageystaan Muxaadiro cilmiyeed [Public Lecture], isla markaana ay ku deydaan: “Waa la isku daydaa, waa inaynu ku dayana Jamaal iyo inta kale ee la aqoonta ah ee isaga la midka ah” ayuu yidhi Professor-ku. “Waxa la hiigsadaa kolba qofka ka dheereynaya” ayuu yidhi Saleebaan.
Prof. Saleebaan oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi; “Jaamacada Camuud waata ugu da’ada-weyn kolba cida ay la socoto, waxay ahayd Camuud Dugsigii sare ee Somaliland laga furey,anaga oo dugsiga sare ee Camuud ku jirna ayaa Dugsiga sare ee Sheekh na loo-wareejiyey.”
“Hadaad xasuusataan ardeydii ugu horeeyey ee Jaamacada Camuud ka baxay waxa ka mid ahaa Madaxweynaha imika talada dalka haya ee Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], waana fasalkii ugu horeeyey ee ka baxay, hormadii labaad ee ka baxdayna waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Ismaaciil Cali Abokor.” “Sadexdii madaweyne ee dalkan Somaliland soo hogaamiyey laba madaxweyne ayaa Jaamacada Camuud ka baxay oo kala ahaa Madaxweynaha imika talada haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo madaxweynihii ka horeeyey Daahir Rayaale Kaahin, anagu waanu ka yareyn”ayuu yidhi Prof Saleebaan Cabdi.
Prof. Saleebaan waxa uu ka codsaday aqoonyahan Jamaal Ali Xuseen inaanay booqashadiisu ku eekaan markan oo kaliya, balse uu mararkalena yimaado.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Muxaadiro cilmiyeed [Public Lecture] u jeediyey ardeyda Jaamacada Camuud wax ka barata, waxaanu u mahad-celiyey maamulka iyo ardeyda Jaamacada Camuud sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan maanta imaado Jaamacada Camuud oo aan maqlayey ilaa intii aan yaraa, Camuud waa meel sumcad-weyn ku leh taariikhda Somaliland iyo taariikhda waxbarashadaba, waanad ku mahadsan tihiin inaad maanta wakhtigiini I siiseen si aad I dhageysataan.”ayuu yidhi. Jamaal waxa uu ku hoga tusaaleeyey ardeyda wax kabarata Jaamacada Camuud inuu isaga imaanshiyihiisa iyo su’aalaha ay la weydiin doono uu wax ka baranayo, waxaanu sheegay inaana cilmiga la dhameynin, balse uu qofba in ka barto.
Waxa Jamaal Ali Xuseen sharaxaad ka bixiyey qiimaha waxbarashadu u leedahay qofka bini’aadamka, iyo sida ay lagama maar-maanka u tahay, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo doorka waxbarashadu ku leedahay qofka bini’aadamka dalka iyo qaarada Africa-ba, iyo wadamada qaarkood sida ay waxbarashadu u bedashay. Maskaxda bini’aadamka waxa dhisa waxaweeyaan waxbarashada, markaa qofka bini’aadamka ahi inuu marwalba inuu horumar isku sameeyo ayaa muhiima.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. “Qaarada Africa sanadkii 2003- ilaa imika 2010 waxa u dhaxeeya 7-sanadood wakhtigaa dhaqaalaha Sub-sahara Africa waxa uu ahaa $300,000,000,000 GDP [Sadex boqol oo bilyan oo Dollar marka la qiyaaso ee la isku wada-daro GDP, maanta sanadkan 2010 dhaqaalaha Africa waxa uu marayaa One Trialiam [ Wan Tiriiliyan] sadex jeer ayuu is-laban-laabay, markaa qaarada Africa dhaqaale korodh aanay weligeed sameynin ayey imika ku socotaa, waxaaasina waxa ugu wacan waxa-weeyan dadkii ayaa horumar gaadhaya marka la eego dhinaca waxbarashada, markaa waxa Africa u soo baxay dad badan oo waxbartay oo shaqooyinkii ay dadka ajanebigu qaban jireen iyagu qabsanaaya.”
“Marka uu wadanku yeesho dad badan oo mutacalimiin ah oo waxbartay horumar ayuu ku talaabsanayaa, Tusaale ahaan hadaad u fiirsato wadamada ay ka midka yihiim Singabuur, Japan, wadamadaasi maaha kuwo macdan leh, wadamo patrol leh maaha, laakin waa wadamo dadkoodu dhinaca waxbarashada iyo anshaxa [Discipline], ayey ka horumariyeen. Hadaynu Tusaale u soo qaadano wadanka Singabuur waxa uu xoriyadiisa qaatay sanadkii 1965-kii, waana dal yar dadka ku nool ma badna, waxaanu ka go’ay dalka Malaysia, ninkii hogaaminayey dalka Singabuur waxa uu culeyska saaray dhinaca waxbarashada oo dadkii ayuu aad wax u baray, markii danbe-na wadanka ayuu aad u dhisay si Shirkaduhu u yimaadaan, sidaas ayuu wadankoodu dhaqaalahoodi u dhismay.”Sidaa ayuu yidhi Jamaal.
Jamaal waxa uu ku dooday in wadan sida ay wax u bartaan dadkiisu uu horumarka dhaqaalihiisuna uu ku xidhan yahay, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Marka Sheyga dhaqaalaha laga hadlayo waxa uu ku xidhan yahay waxbarashada,…..Wadan sida ay dadkiisu wax u bartaan ayuu dhaqaalihiisuna u kora, qofka bini’aadamka ahna sida uu isagu wax u barto ayuu dhaqaalihiisu u kora, markaad adigu ardey ahaan dedaashid ee aad si fiican wax u baratid ee aad kaalintaadi ka soo baxdid, adiguna hadhowto dhaqaale ahaan waad koreysa oo halkaagi taagnaan maysid wadankuna qofka ayuu la mid yahay.hadaan anigu [Jamaal] iska soo qaado doorka waxbarashadu ka soo qaadatay naftayda, waa sida aan imika idiin sheegayey.”
“Intaad nooshahay waa inaad waxbaratid,…………maalin walba waa inaad xisaabtantid wax ku soo korodhay, haddii aad maalin-walba xisaabtantid horumar ayaad ku talaabsanaysa, laakin haddii aanad Xisaabtamin, waa sida tukaan aan la xisaabin so kici-maayo.Qofku waa inuu anshax [Discipline] yeesho, anshuxuna waa shay qaali ah loo baahan yahay, anshuxu waxaweeyaan inuu qofku wixii laga doonayey iyo dheeraad inuu sameeyo. Wax akhriska faraha badan eel eh joornaalka iyo waxa kugu xeeran sida aad u ogaanaysid iyo dadka cilmiga leh muxaadiro cilmiyeedka sida aad u dhageysanaysid waa wax adiga ku kobcinayaa”ayuu yidhi
“Qofka bini’aamka ahi waa inuu maskaxdana tuujiyo, Wakhtigana tuujiyo waa labada ugu muhiimsan marka aad tahay dhalinyarada, hadaad labadaaba tuujisid si wanaagsan ayaad uga faa’iideysanaysa. Jamaal waxa uu ka hadlay dhibaatada ay tahriibtu u leedahay isaga oo wacyigelin faah-faahsan u jeediyey ardeyda jaamacada Camuud , isaga oo kula-taliyey inaanay wax faa’iido leh aanay ahayn in dibada loo tahriibo,waayo qofku waxa uu kala kulmi doono dibada ma oga. “Hadaad qurbe tagtid maaha inaad noloshi gaadhaysid, laakin dad badan oo aan anigu garanayo oo wadanka wax ku bartay oo ku nool ayaa ka nolol fiican dad aan anigu garanayo oo dibada [qurbaha] ku nool oo aan anigu ogahay, marka qurbuhu sida la moodayo maaha qofkuna meelkasta wax ayuu ku barankaraa,”ayuu yidhi Jamaal.
Inta kadib waxay dhalinyaradii su’aalo kala duduwan waydiiyeen aqoonyahan Jamaal Ali Xuseen, isaga oo su’aal walba sideedi uga jawaabay. Waxaana xusid mudnaa inay su’aashi kowaad ay weydiisay Ardayad aan dhagaha waxba ka maqal.