
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmiya ku yimaado waddanka Ingiriiska laba saddex todobaad kadib, warkan oo aanu ka helnay ilo lagu kal soonyahay, ilo wareedyadani waxay shegeen in safarka Madaxweynu uu yahay mid ay si toosa ugu gudbisay dawladda Ingiriisku Madaxweynaha Somaliland, waxaana uu noqonayaa casuumadii ugu horeysay ee dawlad rer Yurub ahi u fidiso Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo tan iyo intuu ku gulaystay doorashadii qabsoontay 26 June 2010. ilaa hadda lama oga inuu Madaxweynuhu ka soo hormari doono laba saddexda todobaad ee la nawilaayo safarkiisa iyo in kale.
Waddanka Ingiriiska ayaa ah mid sameyn ballaadhan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, madaama uu yahay waddankii xoriyada siiyay Somaliland 1960, lama oga in dawladda Ingiriiska oo ka dheregsan tariikhda Somaliland ay Madaxweynaha u casuuntay arrimaha qadiyadda Somaliland ee Ictiraaf raadinta iyo inay casuumadu raad ku leedahay deeqdii Ingiriisku siin jiray Somaliland oo uu laban laabay isla markaana uu si toosa u siin doono Xukuumadan cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Silaanyo. Si kasta oo ay tahay waxaa la rajaynayaa in safarkani noqon doono mid ka duwan kii Madaxweynihii hore ee Somaliland ku yimi waddanka Ingiriiska, marka la eego qaabka ay dawladda Ingiriisku u qorshaysay soo dhaweynta Madaxweynaha, tasoo ay shegayaan warar ay helayso shabakadda Hadhwanaagnews inuu ka meqaam sareeyo sidii losoo dhaweynjiray markii horre iyo waliba masuuliyiinta ay la kulmayaan,
Ilaa wakhtigii ay dhammaatay doorashadii Somaliland isla markaana si nabadgelyo ah ay ku dhacday waxay beesha caalamku bedeshay qaabkii ay ula dhaqmijirtay Somaliland.



