THE FIRST 100 DAYS.........
Posted: Mon Nov 08, 2010 3:03 pm
Xukuumada cusub ee Somaliland ayaa maanta Huteelka Kaah ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay wax qabadkeedii 100-kii cisho ee u horeeyay, waxaanay sheegeen inay 80% ay fuliyeen waxyaabihii ay balan qaadeen.
Afhayeenka madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay waxaanu yidhi
Dhismaha Xukuumadda
“Markii ugu horaysay waxaa la soo dhisay xukuumad tiro yar oo tayo leh oo ka kooban 20 wassaaradood iyo lix wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tiro yarad intii Somaliland jirtay. Si aqooni ku jirto ayaa loo suuro geliyay in aanu isbedelku saamayn badan ku yeelan wada shaqayntii golayaasha iyo hay’addaha dawladda, taasna gacan adag ayaa lagu qabtay si toosa ayaanu u dhaqan galay.
Hay’addo badan oo hoos iman jiray madaxtooyada ayaa ayaa lagu celiyay meelihii ay mudnaayeen, sida Tv-ga qaranka oo la hoos geeyay wasaaradda warfaafinta, laanta socdaalka oo la hoos geeyay wasaaradda daakhiliga.
Waxa markii ugu horaysay si madax banaan u hawl galay hanta dhawrka qarank, taariikhda Somaliland waa markii ugu horaysay ee hanti dhawrka qaranku iskii u hawl galo isaga oo xor ah oo madaxbanaan.”
Arrimaha Amniga
“Waxaa la xoojiyay arrimaha nabadgelyada iyo ka qayb gelinta dadwaynaha, waxaa la sameeyay guddiyo nabadgelyo oo heer qaran, heer gobol ilaa heer xaafadeed ah. Waxaa laga hawl galay hawl galo isku dayo ahaa oo qaarkood aad xasuusan tihiin in argagixisadu isku dayday in ay nabadgelyada khalkhal geliso muddada isbedelku jiro dhexdeeda, waad ogtihiin in la soo bandhigay hub badan oo ay ka hawl galeen ciidamada amniga iyo kuwa ilaalada xeebaha ah Gobolada Togdheer, Saaxil iyo Hargaysa oo lagu qabtay ummadana hubkii loo soo bandhigay .
Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay.
Waxaa la kala diray oo madaxwaynuhu khudbadiisi ugu horaysay ku kala diray guddidii nabadgelyada ee lahayd awooda xukun ee aan sharciga ku dhisnayn. Waxaa saamaxaad madaxwayne lagu sii daayay maxaabiistii siyaasadeed ee xiligaa xidhxidhnayd.
Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray baaq nabadeed, khudbadiisii ugu horaysay waxa uu gogol nabad gelyo u fidiyo gobolada Sool iyo Sanaag bari oo shaqaaqo ka jirtay xiligaas, waxaana la isku dayay shaqaaqadii maalmahaa xooga lahayd in halkeeda lagu bakhtiiyo waana lagu bakhtiiyay, gogoshii madaxwaynuhu fidayayna way bilaabantay, guddidii hirgelin lahayd oo heer qaran ah ayaa gogoshaa qaybteedi ugu horaysay waxay todobaadkii hore ku qabsoontay Widhwidh, waxaana ka soo jawaabay baaqaa Madaxwaynaha iyo hogaan dhaqameedyo oo gacmo furan ku soo dhaweeyay.”
Arrimaha Dhaaqaalaha
“Waxaa la xakameeyay in muddada kala guurka ah ee xilka lala kala wareegayo iyo maalmaha xiga toona aanay dhicin musuqmaasuq iyo hanta lunsi, si aanay taasi u dhicin waxaa la amray xisaabiyaha guud ee qaranka iyo guddoomiyaha baanka dhexe, waxa kale oo la hawl geliyay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada oo shaqo wanaagsan qabtay, waxa kale oo la hawl geliyay guddi uu xisbiga KULMIYE lahaa oo iyaguna arrimahaa la dagaalanka musuqmaasuqa ka hawl galay, arrintaas aad baa looga hawl galay oo in aanay hantida ummaddu dhexda ka bixin muddada kala guurka ah ee labada xukun xilka la kala wareegayaan waana la xakameeyay, oo si adag ayaa gacanta loogu dhicay.
Waxyabaha qabsoomay dhinaca dhaqaalaha waxaa ka mid ah bixinta mushahaarooyinka shaqaalaha dawladda ka maqnaa iyo kharashaadkii hawl socodsiinta. Waxaa ballanqaadkii xukuumadda ee boqolka cisho ku jiray musharka shaqaalaha dawladda ka maqnaa kaas oo la bixiyay. Musharooyinka shaqaalaha iyo kharashaadka socodsiinta shaqada ee la bixiyayna waxa ay kala yihiin:-
Mushaharka iyo kharashaadka la bixiyay oo ka soo jeeda bishii koobaad ilaa bishii todobaad ee sannadka 2010 waa 38 bilyan 862 milyan, taas oo ah mushaharka iyo kharashaadka ay ka tagtay xukuumadii hore ee daynta ah ee lagu lahaa ee ay xukuumadda cusubi bixisay. Intii ay xilka haysay xukuumaddanina waxa ay mushahar iyo kharashaadba u bixisay 58 bilyan, 240 milyan. Isu gayn waxa ay xukuumaddani bixisay 102 bilyan, 909 milyan ayay intii boqolka maalmood ahaa ay xukuumaddani kharash ahaan u bixisay. Waxaa intaa dheer raashinka ciidamada, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo dayactirka gaadiidka.
Si loo dhamaystiro biriishka labaad ee Hargaysa oo dumay sannadkii 2004, boqolka maalmood ee ugu horeeyay waxaad ka garan kartaan Madaxwaynuhu goobaha uu socodka toos ugu tagay ayay ka mid ayayd biriijku markii uu xafiiska wax yar fadhiyay , maalintaa madaxwaynaha wax dayn ah oo kama maqnayd dhinaca biriijka oo la odhanayo madxtooyada ayaa lacagtii bixin wayday may jirin oo way haysteen, balse nasiib darro arrin dabeecad ah awgeed roobab iyo daadad jiray ayaa tiirka dhexe la xidhi kariwaayay, sabab uu qabyo u yahay oo aan taa ILLAAHAY ahaynina ma jirto. Waxa kale oo madaxwayne ku xigeenku soo dhagax dhigay wadada Dila iyo Boorame oo 4 km ay xukuumaddu dhisayso.”
Arrimaha Bulshada
“Wassaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo macdanta iyo biyaha iyaga nolol ahaan ayaad maalin walba taabataan oo warbixin badan iigama baahna, waxqabadkoodu horena wuu u jiray maantana ILLAAHAY mahaddii wuu kordhay, haddii aynu iyaga bilownana waynaan ka gayoonayn balse saxaafadda ayaanu idiinku soo gudbin doonaa maalmaha soo socda.”
Afhayeenku wuxuu sheegay in siyaada dibada Somaliland ay meel wanaagsan marayso,waxaanu tilmaamay In madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii todobaadkii hore dalka Jabuuti loogu soo dhaweeyay meeqaam aad u sarreeya.