Sheekh Shariif Oo Maleeshiyada Nabad-Diidka Ah Ee SSC Soo Siiyey Hub Iyo Saanad Ay Ku Dagaal Gali Karaan Ciidamo Gaadhaya Kun Askari
Hargeysa, November 15, 2010 (Haatuf) – Hogaamiyaha kooxda Somaliland diidka ah ee SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagle-toosiye) iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo iyagu dhawaan u kicitimay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia ayaa la sheegay inay kulan ay la yeesheen madaxwaynaha dawlada taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal Wasaarihiisa Maxamed C/laahi Farmaajo, isla markaana ay waydiisteen taageero milateri oo ka dhan Somaliland, taas oo warar lagu kalsoon yahay oo ka imanaya magaalada Muqdisho ay sheegayaan, inuu Sheekh Shariif hogaamiyayaasha Maleeshiyada SSC uu ku caawiyey hub iyo rasaas loogu talo galay inay ku dagaal galaan ciidan gaadhaya Kun Askari.
Hubkan uu Sheekh Shariif soo siiyey Hogaamiyaha Maleeshiyada la baxday SSC Xagle Toosiye iyo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa wararku intaa ku dareen inuu hubkaasi ka mid yahay hubkii ay siiyeen Maraykanka iyo dalalka midawga Yurub.
Kooxdan iyagu ku sugan Muqdisho ee ka socda Maleeshiyada Nabad-diidka ah ee SSC-da ayaa iyagu aaminsan mabda ka soo horjeeda ka ay qaateen Qaar ka mid ah garaadada deegaankaasi, sida Garaad Abshir Saalax oo isagu dhawaan Gogol nabadeed fidiyey, isla markaana wafti ay xukuumada Somaliland u dirtay deegaanka Widhwidh kula saxeexday heshiis nabadeed.
http://www.haatuf.net/2009files/1581408.html




