
Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo wafti ay xubno ka yihiin sulaadiintii beeshaas ayaa maanta ka anbabaxay Magaalada Hargeysa.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan
Waftigan oo ku sii jeeda deegaankii ay dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay labada beelood ee oodwadaagta ah ayaa ugu baaqay in ay hubka dhigaan isla markaana si nabad ah u dhamaystaan wax kasta oo ay kala tirsanayaan.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay shabakada caalamiga ah Hadhwanaagnews khadka Telefoonka kula xidhiidhay goor dhaweyd iyaga oo markaas uun ka baxay tuulada Qoyta ayaa sheegay in ay dedaalkooda isugu geyn doonaan sidii ay nabad uga dhex dhalin lahaayeen labada beelood ee walaalaha ee ay dhawaan xurguftu dhex martay.
Suldaanka ayaa geesta kale tilmaamay in ay war sugan ka qaadan doonaan shaqaaqo laga soo sheegay dhinaca hawdka oo dhex martay beel ka soo jeeda Somaliland iyo waliba beesha ogaadeen.
Suldaanka ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa aanu nahay wafti ergo ah oo u soo socdo beelihii ay shaqaaqadu ku dhex martay tuulada Kalshaale ee bariga Somaliland ayaanu ku sii jeednaa waxaanan maanta hargeysa ka baxnay 12:00 duhurnimo, waxaanan haddii uu alle yidhaahdo aanu ka qayb qaadan doonaa ergada nabadaynta iyo walaalaynta labada beelood ee walaalaha ah ee ay xurguftu kala gaadhay”
Sul, Xasan waxa uu tilmaamay in waftigan uu hogaaminayaa ay ku kooban yihiin sulaadiintii beesha subeer awal oo keli ah waxaanu yidhi “Waftigan maanta u baxay dhinaca bariga waxa ay ka kooban yihiin Sulaadiinta Beesha Habar Awal, waxaana ka mid ah Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Ismaaciil Aadan Baxar, Suldaan Xiis Bare, Boqor Xasan Maxamed Siciid, waanu badanahay waxaanan ku soo baxnay madax dhaqameedkii beeshaas, waxaanan daba soconaa ergada reer Somaliland ee ku sii qulqulaya dhinaca deegaanka ay ka dhacday shaqaaqadu iyo waliba kuwo kale oo iyaguna naga dambeeya, waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu nagu guuleeyo walaalaynta iyo nabad ka dhex dhalata labada beelood ee walaalaha” ayuu yidhi
Suldaanka oo ka hadlayay shaqaaqo laga so sheegayay dhinaca Hawdka oo dhex martay beel ka mid ah beelaha Somaliland dega iyo beesha ogaadeen oo iyaduna degta dhinaca dalka Ethiopia ayaa yidhi “Runtii warkaas, warwarkiibaa na soo gaadhay, insha allaahu xogna waanu uruursanaynaa, waana arrin aanu ka hawlgalayno, madax dhaqameedkuna waxa ay yihiin kuwa mar walba ka hawl gala nabadaynta, meeshii ay dhibi ka dhacdana Sulaadiin uun baa tagta oo ka hawlgasha, sulaadiintuna way badan tahay waanan ka hawlgalaynaa haddii alle yidhaahdo”
Suldaanka ayaa sheegay in waftigan uu hogaaminayo ee ka kooban beesha Subeer Awal in ay xukuumadu la soo xidhiidhay sidii ay uga hawlgeli lahaayeen shaqaaqadaas waxaanu yidhi “Walaahi xukuumaduna way nala soo xidhiidhay, waana waajibkii dee na saarnaa ee muqadaska ahaa, haday meel wax ka dhacaan kolay sulaadiinta ayaa doorka ugu wayn leh, Somaliland waxa ay ku soo caano maashay talada sulaadiinta, madaxa dhaqameedka iyo guurtida in ay mar walba wada hadal la furo dhaqana wax lagu xaliyo, markaa waa waajibaad muqadas ah oo na saarnaa”
Suldaan Xasan oo ka hadlayay bal hada sida ay xaalada labadii dhinac ee ay dirirtu dhex martay sida ay tahay ayaa yidhi “Kolayba ergada Madaxeedii hore ayaa gaadhay, meel fiican ayaanay wax marayaan, inagu waxa aynu kaga duwanahay somalida kale waxa ay dadkeenu ixtiraamaan madax dhaqameedka iyo Sulaadiintooda, insha alaahu dhinac kasta waxa aanu ka rajaynaynaa in ay dhago furan iyo qalbi furan nagu soo dhaweynayaan, waana lagu guda jiraa hawshii, meel fiicana way maraysaa, wax dambena may dhicin,”
Ugu danbayntiina waxa uu ugu baaqay dhinacyadii ay dirirtu ku dhex martay deegaanka kalshaale in ay si nabad ah u xaliyaan wixii dhexdooda yaala waxaanu yidhi “Waxa aan u soo jeedinayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland ee maanta arinta halkaas ka dhacday wada hadal iyo nabadayn lagu dhameeyo, waxaanan leeyahay colka halkaa ku nageeya ayaan u leeyahay”




