Wasiir ku xigeen kale oo maanta iska casilay Xilkii loo magacaabay Xukuumada Farmaajo
posted by: Webmaster
Faysal Cumar Guuleed oo dhawaan loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wax barashada hidaha iyo Tacliinta sare ayaa maanta Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in uu iska Casilay Xilkii loo magacaabay.
Faysal ayaa sheegay in ay is casilaadiisa in ay kadanbeeysay Markii ay Beeshiisa kula taliyeen in uu iska Casilo Xilka Wasiir ku xigeenimo maadaama uu yahay xil aan u qalmin Beeshiisa islamarkaana aan Waafaqsaneyn Heshiiskii wax wada qeybsiga Beelaha ee Dalka Jabuuti.
Md Faysal ayaa ka soo jeeda Beesha Awdal, Wasiir ku xigeenka maanta is casilay aya noqonaya kii Labaad ee iska casila Xilkiisa waxaana Maalmo kahor is casilay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdi Casiis Lafta Gareen.
Waa Xukuumadii ugu horeeysay ee ay iska casilaan Labo Wasiir ku xigeen iyada oo aan la ansixin tan iyo markii Magaalada Jabuuti lagusoo dhisay Doowlada kmg ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmad.
Axmed Kulan





