By ali on Nov 27, 2010 with Comments 0
Wararka aanu ka helnay Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in maleeshiyad Ka soo Bariga Burco ay Weerar gaadmo ah ku soo qaaday Balli Cadaad, iyo wadahadal nabadeed.
Waxaa maanta ka amba baxay Buhoodle Waxgarad iyo madax dhaqameedyo kuna sii jeeda magaalada Maygaagle.
Waxgradka Gobolka Cayn ayaa saaka u diyaar ahaa Wajigii labaad ee dhex-dhexaadinta colaadi Kalshaale hase ahaatii waxay saaka laga war helay in maleeshiyad Ka soo jeeda Bariga Burco ay Weerar gaadmo ah ku soo qaaden shacabka deeganka ee ku sugnaa aaga Bali Cadaad, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad sababay in labo lagaga dhaawaco maleeshiyadkii ka soo duulay Bariga Burco.
Nabadoono ku sugan xiligan xaadirka ah magaalada Maygaagle oo ku mashquulsan nabadayntii labada Beelood iyadoo la isku ogaa qolo walba in laga dhaarin doono 25 qof lana guda gali doono xeerar hoosaadka hab dhaqanka Beelaha, wada hadalkan ayaan wax siyaasad ahi ku jirin waa sida ay hadal ku dhigeene.
Waxaa la filayey in la isa soo hor fadhiisin doona labadii ardaa ee dagaalku dhexmaray.
Waxaa hada nalooga xaqiijiyay in hada ergadii Buuhodle gaadheen gogosha Nabada.
Widh Widh Online New Desk Center Buuhodle




