Postby The_Emperior5 » Sun Dec 05, 2010 12:16 pm
Warar sheegaya in rag kasoo jeeda deegaanka Maakhir ay la kulmeen Siilaanyo
Posted by Lee Heelo on December 5, 2010 in Warar | 6 Comments
Warar naga soo gaaraya cariga UK ayaa sheegaya in dhowr nin oo kasoo jeeda Gobolada Sanaag iyo Haylaan oo ku sugan Magaaladda London ee Xaruunta Dalka Britain ayaa guriga uu ka dagan yahay Madaxweyna Maamulka La baxay Somaliland ku booqday islamarkaana u sheegay in deegaanka Maakhir iyo Dadkeeduba yihiin Somaliland.
Madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan gaadhay Magaaladda London kadib markii uu marti qaad ka helay Jaaliyada Reer Somaliland ee halkas ku dhaqan iyadoo la wada ogsoon yahay in uu asal ahaanba Siilaanyo degen yahay dalka Britain.
Ku Dhawaad 7 Qof oo kasoo jeeda Deegaanka Maakhir oo ku dhaqan Magaaladda London ayaa Guriga uu ka dagan yahay Magaaladda London Madaxweynaha Maamulka la baxay Somaliland ku booqday islamarkaana la qaatay kulan yagoo u sheegaya in ay metelayaan Jaaliyada Reer Maakhir ee UK.
Sida aanu ku helayno warar madax banaan Raggan ayaa waxay la kulmeen Axmed Siilaayo yadoo indhaha loo qalay oo ay dahaadhnaayeen islamarkaana ay ku jireen buushka loo galiyo qofka indhaha loo qalo, Siilaanyo Raggan kala hadlaya masiirka deegaanka Maakhir wajiyadooda ma uusan arkeyn in kastoo uu maqlyay sowdkii ay ku hadlayeen.
Raggan ayaa Waxay Axmed Siilaanyo kala hadleen Sidii Maamulka Somaliland loo gaadhsiin lahaa guud ahaan Deegaanka Maakhir taas oo dad badani u arkaan KHIYAANO QARAN isla markaana dhagartooda la iska jiro iyadoo ay tahey arintani talo xumo meeshii ugu danbeysey iyadoo ragani ay gumeysi qabiilkooda u baaqeen.
Jaaliyada Reer Maakhir ee Dalka Britain ayaa si weyn u dhaliilay Ragga la kulmay Axmed Siilaanyo Waxayna sheegeen in aysan raggaasi matalin Jaaliyada islamarkaana Wakiil ka noqon Karin waxayna ku tilmaameen raggaas Jaaliyadu kuwo si hoose ugu dusay Axmed Siilaanyo yagoo dano gaara ka raadinaya
Waxaa nasiib daro ah oo wax laga xumaado ah in Rag Sheeganaya Magaca Reer Maakhir in ay u dhuuntaan Axmed Siilaanyo oo lagu tuhun san yahay in uu xasuuq ba’an ka geystay Deeganada kala ah Xingalool,Carmale, Damala Xagare, Hadaaftimo, Jiidali iyo Ceerigaabo .
Ma Dhicin Xiligii Madaxweynaha ka ahaa Maamulka Somaliland Daahir Riyaale in Ragg tiradan leeg ay Magaaladda London ku soo dhaweeyana islamarkaana kala hadlaan Xaalada Deegaanka Maakhir marka laga yimado Shakhsiyaad si kale u jecel Somalinad oo u dusa Sidii neef yar oo Waxara.
LaasqorayNet-