Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland aviation minister to reopen Kalabaydh airport

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland aviation minister to reopen Kalabaydh airport

Postby The_Emperior5 » Sun Dec 12, 2010 12:57 pm

Wasiirka Duulista Hawadda oo Sheegay in Dib loo Furayo Madaarka Kala-baydh
Hargeysa (Jam)-Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in madaarka Kala-baydh oo ay dib u furayaan ay rajaynayaan inuu noqdo madaar isku xidha ganacsiga dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka duulista iyo masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha UNDP iyo ICAO oo shalay kormeer ku soo maray madaarka degmada Kala-baydh ee Gobolka Gabilay, waxa uu sheegay in dib-u-furista madaarka Kala-baydh uu kaalin weyn ka qaadan doono dhaqaalaha dalka.

“Waxaan uga mahad celinayaa Guddoomiyaha Gobolka Gabilay, Maayarka Gabilay iyo taliyaha booliska gobolka. Ma aha markii u horryasay ee aanu nimaadno madaarka Kala- baydh intii xukuumaddan cusub ee xisbiga KULMIYE ay tallada dalka haaneeday, waxaanu hore u qiimaynay baahiyaha madaarkan inaanu furnana way naga go’nayd waxa maantana nala socda masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha UNDP iyo ICAO. Anagoo uga mahad celinayna UNDP iyo ha’yadaha kale ee Qaramada Midoobayna hawsha ay ka wadaan Somaliland. Waxay tahay inaanu isla eegno sidii madaarka Kala-baydh loo furi lahaa, isla markaana aanu qalabka uu u baahan yahay isla wada eegno.waxaanay hawshu noqon doontaa wax Hayadaha UNDP iyo ICAO qabtaan, wax wasaaradda duulistu fuliso iyo wax maamulka gobolka Gabilay lagula soo ciiraba. Siyaasadda xukuumaddan ayay tahay in aan la sugin gacmo shisheeye oo bulshadeenuna wixii ay qabsan karaan lagu dhiiri geliyo inay qabsadaan,” ayuu yidhi; wasiirka duulista hawadu.

Md. Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in dhawaan madaarka Hargeysa la xidhayo si dayactir balaadhan looga hirgeliyo si diyaaradaha xajmiga waaweyni u soo faadhistaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaarka Hargeysa waxa laga yaabaa in wakhti dhow la xidho, waayo waxa laga samaynayaa dhabbo cusub (run way) si diyaaradaha waaweyni u soo fadhiisan karaan. Madaarka caasimadda aad ayay xukuumaddani isha ugu haysaa waxa ka bilaabmaya mashuruuc aad u weyn oo dayactir ah, marka uu madaarkaasi xidhmo madaarkan Kala-baydh wuxuu noqonayaa kii u dhowaa Hargeysa ee beddeli lahaa hawshiisii.”

“Marka horeba waxaanu doonaynay in madaarkan Kala-baydh uu noqdo malko ganacsi, maadaama oo uu u dhow yahay xuduudka ay Somaliland la leedahay, waddadii laamiga ahaydna ay u dhowdahay waxaanu ku rajo weyn nahay in madaarkani noqdo mid istaraatajiya,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay saraakiil ka tirsan hayadaha UNDP iyo ICAO waxaanay sheegeen inay kaalin ka geysanayaan qorshaha ay wasaaradda duulista hawaddu ku doonayso inay dib ugu furto madaarka dabiiciga ah ee Kala-baydh ee gobolka Gabilay.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests