Taliye Cumar Siciid oo ka mid ahaa taliyihii qudha ee Beesha dhexe ku lahayd gobolka Awdal oo Saylici Xilkii ka qaaday iyo dareeno Cadho leh oo isa soo taraya oo ka imanaya Beesha
21/12/10-Borama-(Bnn) Taliye Cumar Siciid oo ahaa taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Awdal, mudo aad u badan ayaa maanta xilkii taliyanimo laga qaaday isaga oo lagu badalay , Taliye kale oo ay isku hayb yihiin Saylici.
Taliyahan Xilka Laga qaaday ayaa waxa uu ahaa taliye ka soo jeeda Beesha Dhexe ee degaankeedu ubadan yahay Gobolka Awdal gabi ahaantii, waxa uuna ahaa taliyaha qudha ee Beeshaas xil dawlad dhexe soo magacwado, tan iyo Dawaladii Daahir.
Taliye Cumar siciid waxa uu ahaa taliyahaa waqtigii Dawaladii Rayaale wax laga waydiin jiray nidaamka Ciidan ee uu leeyahay jeelasha Somaliland , ka soo bilow laasacaanood ilaa Borama, waxa uuna ahaa Sarkaal ruug cadaaya oo ku xeel dheer hab maamulka iyo maaraynta Jeel iyo maxaabiistaba.
Taliye Cumar Sicii waxa uu ahaa Sarkaal in mudo ah ku dhex jiray Hawshan Ciidan Asluubeed isaga oo Shahaadooyin ku saabsan cilmigaasna wadamo fara badan kaga soo qaatay, tan iyo la soo noqoshadii Jamhuuriyadan Curdinka ah ee Somaliland, waxa uu ahaa shakhsi u heelan sidii uu ula dhaqmi lahaa, dadka uu hayo iyo kuwa hayaba hab dhaqan wanaagsan iyo Xeerarka Caalamiga ah ee Maxaabiista loola tacaamulo.
Taliye Cumar Badalkiisa oo maanta lagu dhawaaqay ayaa waxa ay waji gabax ku noqotay Beeshii uu ka soo jeeday ee ah Beesha Dhexe , iyaga oo la yaabay Saylici sida uu gobolka ku wado, waxa ayna ka bixiyeen Dareen Cadho leh, iyaga oo ka filayay Saylici in uu cadaaladii uu ololaha ku galay ee uu hadh iyo habeenba u taagnaa, ay noqotay in uu xilalka si cadaalada ugu qaybiyo beelaha wada dega Gobolka , ayaa waxaa halkaas ka cadaatay in ay taasi ahayd mid Riyo ah, iyada oo beeshani ay quutul daraynaysay Nidaamka Saylici in uu cadaaladii gobolka ku soo celiyo luntay mudo laga joogo, dhawr iyo toban sanno.
Beeshan oo ah Beelaha ugu waawayn Gobolka ayaa ayaan daro ku tilmaamay Sida ay ilaa iminka wax u socdaan, waxaana isa soo taraya ilaa iminka in Beeshu ay go’aan cad ka qaadan doonto, Nidaamka Faashilka ah ee uu Saylici Gobolka Umaamulayo, iyada oo Beeshani ay maamulka Saylici ka quutul daraynayeen in uu u soo celiyo Boosaskii ay dawladii hore ay ka lunsatay ee ay xaqa u lahaayeen, ayaanan ilaa hada jirin waxa ka go’a mooyee wax u soo kordha waxa ayna taas ku tilmaameen Nasiib daro Wayn.
Guntii iyo gabo gabadii waxa aan isku daynay bal inaan xidhiidho la samayno qaar ka mid ah Oday dhaqameedyada, cuqaasha , indheer garadka, salaadiinta iyo waxgaradka Beesha Dareenada ay ka bixiyeen, waxa ayna dhamaantood ka bixiyeen Dareemo Kacsanaan iyo Cadho iskugu jira iyaga oo dhamaantood ka wada sinaa, Beeshu waa mid go’aan dhawaan gaadhi doonta.
Isku soo wada duuduuboo tani waxa ay waji gabax ku noqonaysaa Maamulka Curdunka Ah ee Saylici ,isaga oo Xilalka ilaa iminka uu u soo magacaabay gobolkan tan iyo intii uu kursiga uu ku fadhiistay ay gaadhayaan Shan Mas'uul kuwaas oo dhamaantood ka soo wada jeeda Beesha Saylici,iyada oo beeshan dhexe ay had iyo jeerale tahay tan u taagan sidii ay uga shaqayn lahayd wanaaga iyo wada noolaanshaha Madaxbanaanayd Xafiiltanka siyaasadeed ee beelaha ku wada nool Gobolada Awdal/Salal,ayay tani waxa ay tusaale cad u tahay iyada oo aan sanadba lagaadhin, ifafaalaha muuqda iyo jawiga sida uu u socda in ay tahay Kaaf iyo Kele Dheeri.
Wixii warar ah ee ka soo kordha Arintan waxa an idinkula soo socodsiin doonaa wararkayaga kale ee la soco.




